HomeCabdi Iley iyo Magacyada Shan Qof oo la horgeeyey Maxkamadda Sare, Weedhihii...

Cabdi Iley iyo Magacyada Shan Qof oo la horgeeyey Maxkamadda Sare, Weedhihii uu isku Difaacay iyo 41 kale oo lagu daba-jiro

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Addis Ababa (SLpost)- Madaxweynihii hore ee Dowlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya, Cabdi Maxamuud Cumar (Cabdi Iley), ayaa mar kale la horgeeyey Maxkamad ku taala magaaalada Addis Ababa Arbacadii shalay, waxaana maxkamadda horteeda fursad loogu siiyey inuu ka hadlo sida uu u arko dambiyada loo haysto ee uu u xidhan yahay.

Abdi Ilay

Cabdi Iley ayaa la xidhay bishii August ee sannadkii hore kaddib markii Xeer-ilaaliyaha Guud ee Dowladda Federaalka Itoobiya ku soo oogtay dambiyo la xidhiidha tacaddiyo loo gestay dad shacab ah, isku-dhacyo dhexmaray qoomiyadaha Soomaalida iyo Oromada, bannaan-baxyo galaaftay nolosha dad iyo hanti badan oo ka dhacay magaalada Jigjiga isla bishii August 2018-dii. Iyadoo muddadkii uu xidhnaa ay soo baxeen meydadka dad la xasuuqay oo la soo faqay, taas oo sii xoojisay dambiyada loo haysto oo maxkamadda horteeda la geeyey dhowr jeer.

 

Haddaba, maxkamadda Sare ee Federaalka Itoobiya oo markii Afraad shalay la horgeeyey, waxa uu Cabdi Maxamuud Cumar ka hor sheegay inaanay gebi ahaanba waxba ka jirin isla markaana been-abuur yihiin eedaymaha loo haysto oo ay ku weheliyaan 46 qof badankoodu ay dibad-joog yihiin marka laga reebo Lix qof oo uu ku jiro Cabdi Maxamuud Cumar, sida ay qortay majaladda Addis Standard oo aanu warkan ka soo xigannay.

 

Muddaynta fadhiga Maxkamadda ee shalay lagu qaaday dhegaysiga Dacwadaha loo haysto Cabdi Iley, ayaa ka dambeeyey markii uu baaqday fadhi maxkamaddu yeelatay 30-kii January, kaddib markii ay fadhiga ka soo xaadiri waayeen gar-yaqaanadii difaacayey eedaysanayaasha oo lagu eedeeyey inay ka dambeeyeen Isku-dhacyo dhexmaray qoomiyadaha iyo sidoo Isku-day  lagaga horyimi Ku-dhaqanka Dastuurka u yaalla waddankaas.

 

Cabdi Maxamuud Cumar oo garsoorayaasha Maxakamaddu weydiiyeen inuu qirsan yahay dambiyada loo haysto, waxa uu u sheegay inuu dhammaantood u aqoon yahay kiisas been-abuur ah oo si ku-talo-gal ah loogu eedeeyey.

 

Sida Maxkamadda laga horsheegay 47 qof ayaa ku eedaysan kiisas Isku mid ah, balse waxa gacanta ciidamada Ammaanka ku jira Lix Qof oo magacyadooda lagu kala sheegay Cabdi Iley, madaxii hay’adda Dumar iyo Carruurta Raxma Maxamed Haybe, Madaxii haya’dda Arrimaha Qurbejoogga Cabdirisaaq Cilmi, Madaxii ciidamada Booliska Farxan Daahir iyo laba qof oo magacyadoodu kala yihiin Warsame Cabdi iyo Guuleed Caadil. Waxase Xeer ilaalintu fadhigii shalay maxkamadda ka horsheegeen inay ku hawlan yihiin sidii ay Maxkamadda horteeda u keeni lahaayeen eedaysanayaasha maqal, balse waxa ay dalbadeen in la siiyo wakhti ay ku soo dhammaystaan hawlahooda.

 

Fadhiga shalay ee Maxkamadda oo aan lagu dhegaysan Wax is-difaac ah oo eedaysanayaashu ka yidhaadeen kiisaska loo haysto marka laga reebo Cabdi Iley, waxa mar kale loo muddeeyey fadhi kale oo Maxkamaddu ku dhegaysato kiiskooda 27-ka Bishan.

 

Haseyeeshee, garyaqaannada u doodayay eedaysanayaasha ayaa maxkamadda u gudbiyey cabashooyin ay ka qabaan dacwadda Xeer-ilaalinta oo ay ku tilmaameen inay baalmarsan tahay nidaamka sharci, iyagoo tilmaamay in aanay Xeer ilaalintu gal-dacwadeedka ku lifaaqin liiska dadka markhaatiga ah ee loo hayo dacwadda Eedaysanayaasha.  Waxaanay Maxkamaddu ku amartay xeer-ilaalinta inay soo gudbiyaan jawaabta cabashada garyaqaannadu u gudbiyeen si ay go’aan uga gaadho arrintan badhtamaha Bishan ka hor fadhiga loo ballansan yahay dhegaysiga dacwadda.

 

Xafiiska Xeer-ilaalinta Guud ee Federaalka Itoobiya, ayaa 25-kii bishan shaaciyey in rabashadihii ka dhacay magaalada Jigjiga bishii August ay sababeen dhimashada 58 qof, halka sidoo kale 266 ku dhaawacmeen. Warbixinta ka soo baxday Xafiiska Xeer-ilaalinta oo lagu shaaciyey dhacdooyin kale oo aan hore loo ogeyn balse lagu lifaaqay dacwadda loo haysto Cabdi Iley, ayaa lagu ogaaday xabaalo-wadareedyo ay ku jiraan meydadka 42 qof.

 

Waxa kale oo warbixinta xeer ilaalinta lagu sheegay in rabshadahaasi sababeen kufsi loo geystay toban haween ah iyo sidoo kale burburka hanti lagu qiimeeyey 421 Milyan oo Bir.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories