HomeCabashada Xarrunta Agoomaha ee Kuwayt Dhistay oo sii Xoogaysanaysa iyo Haween u...

Cabashada Xarrunta Agoomaha ee Kuwayt Dhistay oo sii Xoogaysanaysa iyo Haween u Jawaabay Maareeyaha Xafiiska Samafalka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa(SLpost)-Cabashada dadka danyarta ah ee degan magaalada Hargeysa gaar ahaan berigu ay ka muujinayaan xarunta agoomaha ee ay maalgelisay dawladda Kuwayt ayaa sii xoogaysanaya iyaga oo ka cabanaya in dugsiga oo loogu talagalay agoomaha la majaro habaabiyey islamarkaana lacag aad u qaali ardayda wax loogu dhigo, ardayda dhigataana ay tahay caruurta ay dhaleen dadka tijaarta ahi.

Waalidka iyo dumarka caruurtoodu dhigtaan Xarunta agoomaha ee dawladda Kuwayt hargeysa ka hirgalisay iyo qaar kale oo awoodi waayey lacagta lagu soo rogay oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa waxa ay sheegeen in aan wali waxba laga qaban cabasho ay hore u soo jeediyeen, waxaana ay cambaarayn u soo jeediyeen islamarkaana deelqaaf ku tilmaameen hadal ka soo yeedhay maareeyaha Xafiiska Samafalka Ee Wasaaradda Dib U Dejinta Aamina Maxamuud Diiriye.

 

“Iskuulkan waxa loo dhisay agoomo, dad baa ku tabarucay oo ILLAAHAY ajar kaga doonaya. Haddaynu dad muslima nahay, diintu waxay inna fartay agoonta xoolahooda haddii la cuno waa xaaraan waanna lagu ololaa. Dadkan u badheedhay in ay caruurtii waydaariyaan aqoontoodii oo ka ganacsadaan oo jeebka ku shubtaan ayaan anigu la yaabanahay xagga ay ka yimaadeen maannay dad muslim ah ahayn” ayey tidhi mid ka mid ah haweenka shirka jaraa’id qabtay

https://youtu.be/tarPlwSYMHU

Haweenkan ayaa jawaab ka bixiyey hadal ay dhawaan warbaahinta ka sheegtay maareeyaha xafiisak samafalka ee Wasaaradda Dib U Dejinta Aamina Maxamuud Diiriye. “ Mid baan Aamina Leeyahay. Aaminaay haddii Kontonka Dollar kula yar yahay dad baan haysan. Shalay waynagii Kulmiye wada ahayn, aduun iyo lacagna maynnu haysan, haddii aad dawladda lacag ka heshay dad baan shanta kunba haysan. Aaminaay Hadalkaa aad tidhi wixii xaafadda beriga Hargeysa ee shaqaale iyo agoon ah ee loo qoray caddaynteeda ayaannu kaa doonaynaa kaagana daba hadhi mayno” Ayey tidhi mid ka mid haweenku.

 

Cabashadan ayaan ahayn markii koowaad ee dadweynaha ku xeeran xarrunta Agoomaha ee dawladda Kuwayt Hargeysa ka hirgalisay ay baaq ka soo saaraan sida loo maamulay xarruntan.

https://youtu.be/BlP63njFYQ8

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories