Home“Caawa Hadaan Dhinto Aniga Oo Aad Iyo Aad U Mabsuuda Ayaan Dhimanayaa,...

“Caawa Hadaan Dhinto Aniga Oo Aad Iyo Aad U Mabsuuda Ayaan Dhimanayaa, Waxaana Weeyaan Markaad Dadkaagii Is-fahamtaan” Prof Axmed Ismaaciil Samatar.

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Prof. Axmed Ismaaciil Samatar ayaa  khudbad qiimo badan u jeediyey Xildhibaanada Golaha deegaanka Caasimada Hargeysa, taas oo isugu jirtay dhiirigelin, hoga-tusaaleyn iyo guubaabo.

Prof. Axmed Ismaaciil Samatar waxa uu sidaa ku sheegay mar uu doraad ka hadlayey Casuumad-qado sharafa oo ay mudanayaasha Golaha deegaanka Caasimada Hargeysa ku maamuseen.

samatarProf Axmed Ismaaciil Samatar ayaa waxa uu sheegay isaga oo ay wejigiisa ka muuqato farxad baddani haddii uu caawa dhinto inuu mabsuud yahay, isaga oo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi “Caawa hadaan dhinto aniga oo aad iyo aad u
mabsuuda ayaan dhimanayaa,waxaana weeyaan markaad dadkaagii is-fahamtaan horeba waynu isku fahamsanayn ee meelo yar-yar ayey mushkiladi ka taagnayd,laakin waxaan ahaan qof wixii itaalkayga ah amaanta soo jeediya iyada oo aan waxba lagu dar-darin, oo aanay munaafaqnimo ku jirin wixii dhimana aan farta ku yara fiiqo, laakin waxaynu isku diidanayn Siyaasada arrimaha dibada iyo Aqoonsiga, waayo waxaan rajo ka qabay inay Soomaali wax garato oo ay fahamto qaddiyadeena (Somaliland), oo haddii la keeno waa-waan iyo Xisaab cusub oo ka duwan wixii ina khalday 50-kii sanadood ee u danbeeyey,taas waa laynala garan-waayey”.

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi“Laakin waxa mahad iska leh ILAAHAY, inaan ku soo noqdo waddan dhisan iyo dad dhisan oo edeb leh, oo naxariis baddan, oo marti-qaadkooda iyo dadnimadoodu ay aad u heer sareyso, markaa aad iyo aad ayaad u mahadsan tihiin, waxaanad wakiil ka tihiin Sadexda malyuun iyo badhka ay shacabka Somaliland ka kooban yihiin inta gudaha waddanka ku nool hadaanay kaba badnayn, marka kuwa dibada joogana lagu darro,”

Haddii aynu nahay reer Somaliland waxaynu ku jirnaa tartan, “Haddii aynu nahay reer Somaliland waxaynu ku jirnaa tartan, oo waxa laygu lahaa Puntland waxa ka dhacday Doorasho,….tartan ayeynu kula jirnaa Soomaalidi kale, inagaana (Somaliland) ugu ladan wixii la odhan jirey Jamhuuriyadii Soomaaliya,taasina waxay markhaati ka tahay taariikhda dadka, harqada dadka ee tayada dadka, qalbiga iyo maskaxda taala Somaliland ayaa taana lagu keenay, sidii loo xejin lahaa oo weli wax ayaa innaga dhiman oo deegaanadeeni meelo ayaa maqan, sidii loo celin lahaa ee loo soo jiidi lahaa inay timaado oo ay siyaasadeedi timaado”/Ayuu yidhi Prof Axmed Ismaaciil Samatar.

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi“Markaa waxaad tihiin madaxdii waddanka oo waxaan u baddan tihiin dad dhalinyaro ah oo waxaan idinku adkeynayaa aynu isla ogaano, intayada dibada joogtaana sidaas ayaanu u faafinaynaa, laakin waxaanu faafin karnaa waxa gudaha (Somaliland) yaala, haddii kale been ayaanu abuuri, aynu isla ogaano Cadaalad iyo Karti,haddii aynu labada isla ogaano waxaynu ka bixi qabiil,xinka kale ayeynu ka bixi, doqoniimada aad ayeynu isaga sii yareyn oo Somaliland intan iyo in ka sii weyn ayey noqon doontaa”

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories