HomeCaaqil Camay oo Nabad iyo in Xaaladda la dejiyo ugu baaqay Beelaha...

Caaqil Camay oo Nabad iyo in Xaaladda la dejiyo ugu baaqay Beelaha Buuhoodle iyo Qori-lugud ee Dagaalku dhex-maray

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Khasaare Dhimasho iyo Dhaawac isugu jira oo ka dhashay Iska-hor-imaad Xoolo-dhaqato Hubaysan ku dhex-maray Deegaan Kalshaale u dhaw

Buuhoodle (SLpost)- Shaqaaqo dhimasho iyo dhaawac sababtay ayaa ka dhacday deegaanka Dhuxun-ku-reeb oo ka tirsan Deegaannada Kalshaale ee dhinaca Koonfur-Bari ee gobolka Togdheer, ka dib markii ay isku dhaceen Xoolo-dhaqato Hubaysan oo ka soo kala jeeda Degmooyinka Qori-lugud iyo Buuhoodle.

CameyIllaa 3 qof ayaa lagu soo warramayaa ugu yaraan inay ku dhinteen dagaalkaas oo la isla gabbal-dhacsaday, tiro intaa ka badanina ku dhaawacmeen. Saddexda qof ee dhimashada ah, ayaa la sheegay inay laba ka mid ahi ka dhinteen Beesha Qori-lugud, halka ka saddexaadna ka dhintay Beesha Buuhoodle, waxaana warku intaas ku daray in labada dhinac-ba dhaawac jiro.

Iska hor-imaadkan ayaa la sheegay inuu ka dhashay markii dad Xoolo-dhaqato ah oo wada deggan meesha lagu magacaabo Dhuxun-ku-reeble oo sida la sheegay Kalshaale dhinaca Bari ka xiga isku dhaceen, isla markaana nin Beesha Quri-lugud ka tirsan nin kale oo Beesha Buuhoodle ahi uu dilay, markaas ka dibna ay bilaabantay in dhinaca Qori-lugud tegeen goobtii ninka lagu dilay si ay u soo qaadaan Meydkiisa iyagoo hubaysan, hase-yeeshee, waxa markaas bilaabmay dagaal, ka dib markii dhinacyadu rasaas isku fureen, waxaana markaa ka dib dagaalka soo galay Tikniko ay wateen Malleeshiyada Kooxda la magac-baxday Khaatumo, sida ay Himilo u sheegeen qaar ka mid ah Odayaasha Burco.

Guddoomiyaha gobolka Togdheer Maxamed Muuse Diirye oo Weriyeyaal ka tirsan Wargeyska Himilo marar badan oo xalay ahayd khadka taleefanka ka waceen si ay arrintaas wax uga weydiiyaan, ayaanay noo suuragelin inaannu ka helno wax jawaab ah, ka dib markii uu naga qaban waayey Taleefankiisa gacanta. Sidoo kale, Caaqilka Beesha Qori-lugud oo aannay Khadka taleefanka gacanta ka wacnay xalay si aannu arrintan wax uga weydiinno, ayaannaan isagana jawaab ka helin markaannu la kulannay taleefankiisa oo xidhan ama dembsan.

Hase-yeeshee, Caaqil Maxamuud Xaaji Cumar Camay oo isagoo ku sugan magaalada Buuhoodle xalay Wargeyska Himilo Khadka taleefanka wax kaga weydiiyey Shaqaaqada dhacday waxa ay kala socdaan iyo waxa keenay, maaddaama oo isaga iyo Cuqaal uu ka mid yahay dhawaan Hargeysa ka tageen, isla markaana sheegeen inay nabadda deegaannadaas iyo nabadda Kooxda la-baxday Khaatumo iyo Somaliland ka shaqaynayaan oo ay isu soo dhawayn samaynayaan, waxaanu sheegay inay ka xun yihiin waxa dhacay, welina ay iyagu Odayaal ahaan ku hawlan yihiin oo ay ka shaqaynayaan nabadda dadka iyo deegaannadaas-ba.

“Meeshaa shaqaaqo waa ka dhacday, Shacab hubaysan oo Xoolo-dhaqato ah baa isku dhacay, khasaarana waa jiraa dhimasho iyo dhaawacba leh sidaannu warka ku hayno. Marka nabadda laga shaqaynayo turunturrooyinku waa iska badan yihiin, tanina turunturrooyinkaas uun bay ka mid tahay, waanannu ka xunnahay. Waxaanan ku baaqayaa labada dhinac-ba in xaaladda la dejiyo oo colaadda la joojiyo, isla markaana nabadda iyo wanaagga laga wada shaqeeyo, meeshaasna aanay mar dambe wax iska hor-imaad ahi ka dhacin, ayaannu ku baaqaynaa.” Sidaa ayuu yidhi Caaqil Camay.

Caaqil Maxamuud Xaaji Cumar Camay waxa uu intaa ku sii daray oo yidhi; “Anigu Buuhoodle, ayaan joogaa, illaa Caawa illaa maanta (shalay illaa xalay) markii shaqaaqada naloo soo sheegay dejin baannu ka shaqaynaynay in xaaladda la dejiyo oo aan xabbad dambe la ridin, in bandanna waa ku guulaysannay oo wax waa dejinnay, welina waan ku jirnaa, Dhinacaa kalena sidaas oo kale ayaannu ka filaynaa. Markaa, Berri (Maanta) haddii Illaahay yidhaahdo ayaannu Odayaal ahaan ka soo baxaynaa Buuhoodle oo aannu imanaynaa meesha wax ka dhaceen oo ah deegaanka Kalshaale, markaa waxaan leenahay halla is-dejiyo oo xabbad dambe yaanay dhicin, xabbadi xumaan mooyee wanaag ma keento, dagaalna Wiil kuma dhasho ee Wiil baa ku dhinta.”

WARKAN OO FAAHFAAHSAN KA AKHRISO HALKAN

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories