HomeCaa’isha Qadaafi oo fariin cod ah soo dirtay, kagana hadashay xaalada Aabaheed...

Caa’isha Qadaafi oo fariin cod ah soo dirtay, kagana hadashay xaalada Aabaheed iyo aragtida golaha ku-meelgaadhka ay ka aaminsan tahay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Dimishiq, (SLpost)-Telefishanka sida wayn u taageera hogaamiyihii hore ee dalka Libya Colonel Mucaamar Al Qadaafi ayaa laga baahiyay, fariin cusub oo cod ah oo ay soo dirtay gabadha uu dhalay Qadaafi ee Caa’isha Qadaafi, taas oo ay kaga hadashay arrimo kala duwan oo ay ka mid yihiin, xaalada Aabaheed, dagaalada ka socda Libya iyo golaha ku-meel gaadhka ee hogaanka talada dalka aabaheed kala wareegay.

blankFariintan codka ah ee Caa’isha Qadaafi oo laga sii daayay telefishanka kaliya ee sida rasmiga ah u baahiya una taageera hogaamiyihii hore ee dalka Libya Colonel Qadaafi ee lagu magacaabo Al Rayi oo xaruntiisu tahay Caasimadda dalka Suuriya ee Dimishiq, waxa ay Caa’isha Qadaafi sheegtay in aabaheed wali hogaanka u hayo talada dalka Libya, kuna hawlan yahay sidii dalkaas looga xorayn lahaa waxa ay ugu yeedhay khaayimiinta dalka qabsaday.

blankCaa’isha Qadaafi oo intaan dagaalka iyo kacdoonka Libya bilaabmin ahaan jirtay wakiil sharafeed Qaramada midoobay u qaabilsan la dagaalanka cudurka HIV/AIDS-ka ayaa ku tilmaantay golaha ku-meel gaadhka ee xukunka dalka Libya qabsaday, kuwo tuug ah oo dalkooda khiyaameeyay, qaar badan oo ka mid ahiina xubno ka ahaayeen ururka AlQaacida, kuwaas oo dalka baabiinaya.

blank
Ciidamada Libya

Caa’isha Qadaafi ayaa fariinteedan codka ah oo afar daqiiqadood ahayd sidoo kale kaga hadashay Aabaheeed oo ay sheegtay in uu dalka ku sugan yahay, kana baxayn, dagaalna la gali doono kuwa khaayimiinta ah ilaa uu dalka ka xoraynayo oo laga saarayo, waxa kale oo ay xustay in walaalkeed Sayful Islaam kula jiro dagaalka iyo difaaca qaranka.

Hadalada iyo fariintan codka ah ee Caa’isha Qadaafi ayaa ku soo beegmay xili dagaal qadhaadhi ka socdo magaalada Sirta oo ah meesha uu Qadaafi dhalasho ahaan ka soo jeedo sida wayna looga taageersan yahay, hasa yeeshee imika hore ciidamada ku-meel gaadhka qaranka Libya hore ugu sii durkayaan, sidoo kale golaha ku meel gaadhka Qaranka ee Libya ayaa wax yar uun ka dib markii fariintan la sii daayay shaaca ka qaaday in dawlad ku meel gaadh ah oo dadka reer Libya u dhan yahay lagu gudo jiro, dhismaheeda, wakhti aan todobaad ka badnayna lagu soo saari doono liska xubnaha ka midka noqonaya.
Caa’isha Qadaafi iyo aabaheed ayaa fariimo cod ah oo ay soo direen ku sheegay in dib isku abaabul iyo kacaan dib loogu xoraynayo dalka Libya ay ku talaabsan doonaan, waxa kale oo mar walba ay ku doodaan In shacbigu garab taagan yahay oo dalka laga xorayn doono waxa ay ugu yeedhaan khaayimiinta, laakiin waxa cad in xaaladoodu marba marka ka danbaysa ka sii darayso.

Somalilandpost.net

Faysal Maxamed Xasan

Daralla066@gmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories