Home“Caafimaadkii dad badan oo aan ehel u ahayn ayuu gacanta ugu jiraa,...

“Caafimaadkii dad badan oo aan ehel u ahayn ayuu gacanta ugu jiraa, laakin waxay taagan tahay wakhtigii sharciyadda lagu soo dabbaali lahaa”

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

NIMCO-XUSEENHargeysa (SLpost)- Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Marwo Nimco Xuseen Qawdhan, ayaa sheegtay in Caafimaadka ka baxday gacmaha dawladda, , una gacan galay dad aan ehel u ahayn oo xirfaddoodu halis gelin karto caafimaadka dadka.

Nimco Xuseen Qawdhan  oo ka qayb-gashay Munaasibad maanta loo sameeyey xil-wareejinta guddoomiyaha cusub ee Ururka Dhakhaatiirta Somaliland oo dhowaan lagu doortay Hargeysa, ayaa sheegtay inay ku sababay in Xirfadda Caafimmaad gacanta dawladda ka Baxdo muddadii 23 sanno ahayd ee dalku ka soo kabanayey burburkii ku yimi wixii ka dambeeyey dalweynihii laysku odhan jiray Somalia.

“Haddii aan ka hadlo Caafimaadka Somaliland, waxaynu garan karnaa inuu yahay dal burbur ku dhacay oo 23-sanadood burbur ku jirey caafimaadkana dad badan oo aan ehel u ahayn ayuu gacanta ugu jiraa, laakin waxay taagan tahay wakhtigii sharciyadda lagu soo dabbaali lahaa,”ayay tidhi Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Nimco Xuseen Qawdhan.

Wasiirku waxa ay ururka dhakhatiirta u soo jeedisay noqdaan kuwa ugu horreeya ee dhaqan-geliya Sharcigan ay kaga dhawaajisay ee dawladdu u samaysay inay ku maamusho xirfadleyaasha Caafimaadka, waxaanay tidhi,”Waxaynu og-nahay inaynu sameynay ururka xirfadlayaasha Caafimaadka Somaliland, waxaana loo baahan yahay inay ururka dhakhaatiirta Somaliland uu ka mid noqdo cidda ugu horeysa ee sharciyada fulinaysa oo ay ka bilaabaan dhamaan dhakhaatiirta ka diwaangashan sidii ay ruqsadana uga qaadan lahaayeen, una caddeyn lahaayeen shahaadadooda, ururada kale ee Caafimaadka haday yihiin laboratariga,haday yihiin farmasiiyada iyo kuwa kaleba waynu u baahanahay inay dhakhaatiirta dawliga ah iyo kuw gaarka ahba ay ka hawlgalaan.”
Marwo Nimco oo hadalkeeda sii wadday, waxa ay tidhi, “Sharciga waynu sameysanaa haddii aynu nahay Soomaali ku dhaqankiisu wuu inagu adag-yahay.Dalka Somaliland waxa uu ka kooban yahay Gobolo, waxaanad mooda inuu caafimaadku uu ku soo uruuray Caasimada oo kaliya,waxaynu u baahanahay inaynu caafimaadka gaadhsiino umadda, oo caafimaadka umadda idinka (Dhakhaatiirta )u haya ee aad daadjisaan.Wasaarada caafimaadkuna waxay diyaar u tahay inay hawshaasi idin kala shaqeyso.”

SOMALILANDPOST.NET

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories