HomeCaadifadda Gaaban ee Wasiir Duur halkee ayay Caga-dhigan doontaa? - W/Q: Guuleed...

Caadifadda Gaaban ee Wasiir Duur halkee ayay Caga-dhigan doontaa? – W/Q: Guuleed M. Ibraahin

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Wasaarada arimaha Guduhu waa Wasaarada Baaxad leh oo Miisaan Culus ugu Fadhida Qaranka Somaliland taasi oo ubaahan Khibrad iyo Waayo Aragnimo Xeeldheer, Wasaaradu Waxay ubaahantahay Deganaansho, Dulqaad iyo Qalbi ka Saliim ah Caadifad iyo Curfi gaaban.

Wasaarada Waxaa soo Maray Wasiirro Tirro badan oo Qaarkood Qoomameeyaan Guulwadayntii Caadifada ku Dhisnayd ee ay ku Dhaqmi jireen halka Qaarkoodna Sharaf iyo karamo iyaga oo leh iska Casileen Xilka Wasaradaasi.

Waxaa jira Wasiirro ku Milma isla markaana Sumacadda iskaga Qaadan Wakhtiga ay Xilka Wasaaradaasi hayaan iyada oo Tusaale Cad ay kuugu Filantahay Wasiiradii kala Duwanaa ee Xilalka ka soo qabtay Wasaarada, Wasiirka Haatan ku Suntan Wasaarada ayaad Moodaa inuu ku jiro Dagdeg Farabadan oo aan loo baahnayn Wakhtigan, Hanjabaad aan Meelna haysan, Caadifad Gaaban oo Cid gaar lagu eego iyo Caqli gaaban oo Cudud Qalafsan Adeegsada.

Taariikhdu waa Ma hadho, Maalin walba Talaabada aad qaadaa waa mid ku suntan Diiwaankaaga Siyaasiga ah, kama Guurto Maskaxda Dadka Aargoosiga Xilka, Cadaalada Darrada iyo Cabudhinta Bulshada, Markaad dib u Raacdo Raadadka uu Reebay Safaradii duur ku Tagay Gobolada Qaarkood oo Shaqaaqo ka dhacday, Waxay Bulshadu dib u Faallaysaa muxuu Soo kordhiyay, muxuu Kharibay se Maxaa ka dhalan kara Talaabada uu Qaaday.

Waxaa jira Dad badan oo ka Dharagsan Aargoosiyada Qarsoon ee Wasiir Duur kula kaco Gobolada Qaarkood, isaga oo Awood isbiday isla markaana samaysay Ciidamo Gaar ah oo loo yaqaan SPU iyo RRU oo aad moodo kuwii laga Sameeyay Kililka Shanaad ee Liyuu Booliska, kuwaasi oo uu ugu Hanjabo dadka uu doonayo inuu Dhoolatus ku sameeyo.

Wasiir Duur Waxaa Dusha u Sudhan Dad shacab oo Madal loo dhanyahay ka yeedhiyay oo ku Tilmaamay in ay Danbiileyaal yihiin oo ay Dad ku laayeen Deegaanka Seemaal oo aan illaa hadda La Caddaynin Cidda ka Danbaysay Falkaasi, iyada oo Dhawaana lagu Qabay Goobihii Dadka lagu laayay Laba Sarkaal oo ka Tirsan Xukuumada oo Sita Hub iyo lacag aad u fara badan kuwaasi oo lagu xidhay Taliska guud markii danbena sida la sheegay uu Sii daayay Wasiir Duur, Arintaasi oo shaki badan ku Abuurtay Dadka Deegaankaasi.

Sidoo kale Waxaa ku Suntan Taariikhdiisa 45-kii Cisho ee Beenoobay inuu ku soo Afjaro Arimahaasi iyo Qaabka uu ula dhaqmay Taliyihii Ciidanka Trafficada Cali Geedayare oo uu ka Dagaalamay inuu Xilkaasi qabto markii uu dhintay Alle ha unaxariistee Marxuum saqadhi oo Magacaabay Sarkaalkan uu Geeriyoodayna dib u Qaniinay isla markaana ku Badalay nin ay isku Juffo Hoose yihiin,arinaasi oo dad badani u Fasiree in wasiirku Dagaal hoose kula jiro Masuuliyiinta ka soo jeeda Gobolka Gabiley oo uu Arko kuwo ku duulaan ah Xilkiisa.

Arimahaasi iyo Qaar kale oo badan ayaa ka mid ah Dhacdooyinka Qalafsan ee uu Dhitaystay Wasiirka Degdega mr.Duur oo ku socda Xawaare aan la garanayn meel uu jaan iyo Cidhib dhigi doono.

Guuleed M. Ibraahin 
Hargeysa Somaliland 
Guuto_143.@hotmail.com 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories