HomeCaadifad Caqlimaaha Dalna Laguma Hogaamiyo

Caadifad Caqlimaaha Dalna Laguma Hogaamiyo

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hogaamintu waa aqoon la barto,hibo Allah(swt),waayo aragnimo shaqo ee dhinaca hogaaminta,maamulida,dhiirigelinta,xalinta khilaafyada iyo go’aan qaadashada.

Marka hayad ama urur loo dooranayo hogaamiyahooda waxaa lagu doortaa, kartidiisa,aqoontiisa,waayo aragnimadiisa,hal abuurkiisa,go’aan qaadashadiisa ,dabeecadiisa(behaviour) iyo daacadnimadiisa.

Xaalad kasta oo cakirani way la soo gudboonaan kartaa qofka hogaamiyaha ah balse waxaa lagu qiimeeyaa sida uu u xalilo iyo xeeladaha uu isticmaalo ku guuleysiga iyo go’aanqadashada degdega ah ee wanaagsan. Waa in xalkiisu ku soo afjarmaa xaalada guul guul(win win situation) oo ah in labada dhinac ee khilaafka isku hayaa mid waliba badiyey oo cidna aan laga badin,tani waa shaqada hogaamiyaha guuleysta.

Hadii aan u soo noqdo ujeedada maqaalkaygan oo aan uga dan leeyahay aragtidayda caadifadii hogaanka wakiilada ee Somaliland iyo shalayto.Waa mid aan ku habooneynin qaabka loo maray iyo iska hor imaadka noocan ihi hogaanka golaha iyo sumcada golaha.

Waxaa u arkaa in aan marmarsiiyo u noqoneynin shir guddoonka golaha (Gudoomiyaha iyo Gudoomiye ku xigeenka 1aad) in ay go’aano caadifadaysan isku fara saaraan,golahana u kala jebiyaan laba kooxood oo aan wada shaqayn Karin. Afkaarta iyo aragtida waa lagu kala duwaan karaa oo waa arin caadi ah balse waa in la iskugu tanaasulaa danta qarankan curdinka ah tani waa arin u baahan bisal wadaniyad,daacadnimo,iyo aragti hogaamineed oo goluhuna ku muujin karo midnimo iyo u diyaarinta wadanka shuruuc wax u oola oo dhisaysa qaranka dhicyada siyaasada,dhaqaalaha,caafimaad,waxbarashada xukuumadana ku ilaalinaysa fulinta shuruucda.

Hadaba maha wax haboon ficilada noocan ahi,dhinaca shirgudoonka balse waa ka dhici kartaa laba xildhibaan oo aan ahayn shirgudoonka golaha farqiga u dhaxeeya xildhibaanka caadiga iyo shirgudoonkuna waa kala duwan yihiin. Mar walba waa xaynu maqalnaa marka lagu dhawaaqayo codaynta golaha sidan:

Madasha waxaa fa dhiyey 65 mudane 40 mudane way ogolaatey, 15 mudane way diiday,9 mudane way ka aamustay, Shir gudoonkuna ma codeyn.Tusaalahani wuxuu ku tusayaa in shir gudoonku aanu codeyn oo aanu cidna raacin ee uu dhexdheexaad ka yahay go’aanadaasi,tani waa mida keenaysa inuu shir gudoonku golaha ku hago kalsooni iyo isku soo dhaweyn shaqo wanaga.

Bal hadaba goluhu hogaankoodu dib ha is kugu noqdeen maxaa ka qaldan.

Hadal aanu ku qanci karno maaha in ay sidan ay u hadleen tahay wax noo cuntama taas oo ay ka mid tahay :-

1-MADAXTOOYADA AYAA LAGA SOO ABAABULAY

2-  XUKUMADAA KA DAMBEYSA

3-WADANI BAA DABADA KAWADA QASKA

Balse waxaa loo ga fadhiyaa wixii ay nagu qancin lahaayeen hadii aanu nahay dadkii ay wakiilka u ahaayeen maanu fileynin xaaladan oo kale inay ku kacaan hogaamiyayaashayadu e!

MAHADSANIDIN

M J Farah

Political analyst and writer

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories