HomeBUUHOODLE: Wasiir ku-xigeenka Maamulka ee Wasaaradda Daakhiliga oo Beelo Ood-wadaaag ah u...

BUUHOODLE: Wasiir ku-xigeenka Maamulka ee Wasaaradda Daakhiliga oo Beelo Ood-wadaaag ah u kala Wareejiyey Geelal ay in Muddo ah kala haysteen

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Buuhoodle (SLpost)- Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Arimaha Guddaha Somaliland Cismaan Garaad Soofe Ayaa Hawlo Shaqo Ku Tegay Degaano Ka Tirsan Gobolka Buhoodle Gaar Ahaan Degaanada Qorilugud Iyo Maygaagle Halkaas Oo Uu Kukala Wareejiyay Geelal In Muddo ah lagu kal Haystay Degaamada Buhoodle Iyo Qorilugud Kuwaas Oo Uu Siweyn Xalinteeda Uga Qayb Qaatay wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Arimaha Guddaha Somaliland Oo Gacan Buuxda Ka Helaya Duqayda Waxgaradka Iyo Maamulada Degmooyinkan Geelashu Ku Kala Maqnaayeen.

Munaasibad Kooban Oo Lagula Wareegaayay Geelan Oo Ka Qabsoontay Duleedka Maygaagle ayaa waxaa Goob Joog Ka Ahaa Garaado Isimo Cuqaal Iyo waxgarad Ka Soo Kala Kicintimay Degmooyinka Buhoodle Iyo Qorulugud.

cismaan garaad soofeWasiir Ku-Xigeenka Maamulka iyo Dawladaha Hoose ee Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland Md Cismaan Garaad Soofe, ayaa soo afjaray xurguf dhex-martay beelo wada-dega gobolka Buuhoodle, isla markaana u kala wareejiyey Geelal ku kala maqnaa labada dhinac.

Wasiir ku-xigeenka oo hadal ka jeediyey deegaanka Maygaagle oo u dhexeeyey Buuhoodle iyo Qorulugud, halkaas oo lagu qabtay munaasibad lagula kala wareegayey Geela, ayaa ugu horreyn u mahadceliyey cid kasta oo ka shaqaysay dedaallada suurto-galiyey soo afjarista xurgufta iyo isu soo celinta Geela oo labada dhinac ay hore u kala qaadeen.

Md Cismaan Garaad oo ay weheliyeen, Xildhibaanno Golayaasha Qaranka ka tirsan, Isimo, Cuqaal, Odayaal iyo wax-garad ka socday labada beelood, ayaa tafaasiil ka bixiyey tirade Geela ku kala maqnaa Beelaha Buuhoodle iyo Qorulugud, waxaana hadalladiisa ka mid ahaa; ”Goobtan Aan Maanta Joognaa Waa Buhoodle Iyo Qorilugud Dhexdooda Waa Maygaagle waxaanu halkan ku kala wareejinay geel ku kala maqnaa laba belood in muddaa geelani waxaa uu maqnaa muddo Labo Bilood Ah Geela aanu ku wareejinay Ardaaga Buhoodle Waa 24 Halaad Iyo Afar Nirgood Oo Tirada Guud Ka Dhigaysa 28 Neef Halka Aanu Ardaaga Qorulugud Ku Wareejinayno Afar Halaad Iyo Nirig Yar Oo Tirada Guud Ka Dhigaysa 5 Neef dhamaanba cidii gacan ka gaysatay sida xildhibaan xariir iyo gudoomiyaha qorulug iyo rag kaloo farabadan waxaanan labada qolaba ku boorinayaa in laga wada qayb qaato nabada taas ayaa wax lagu noqonayaaye,” ayuu yidhi Cismaan Garaad Soofe.

cismaan garaadWaxa kale oo halkaas ka hadlay Xildhibaan Xariir Siciid Bulaale Oo Kamid Ah Xildhibaanada Baarlamaanka Ee Somaliland Gacan Weyna Ka Gaystay Sidii Si Nabad ah Laysugu Celin Lahaa geelashan Iyo Gudoomiyaha Degmada Qorilugud, waxaana ay si isku mid ah u tilmaameen Muhiimada Nabadu Leedahay shacbiga walaalaha ah ood-wadaagta ah.

Duqay iyo waxgarad ka kala socday labada dhinac oo madasha ka hadlay, ayaa soo dhaweeyay talaabadan kuna tilmaamay hilin toosan oo loogu dhaqaaqaayo tubta nabad waarta oo ka hanaqaaday guud ahaan degaannada Gobolka Buhoodle, waxaanay ballan-qaadeen inay Xukuumada Somaliland kala shaqayn doonaan ilaalinta nabadda iyo isu soo dhawaynta shacabka Ood-wadaagta ah.,

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories