HomeBuuhoodle oo Nabadgelyo lagaga naaloonayo iyo iftiinka wada Noolaanshaha oo muuqday -...

Buuhoodle oo Nabadgelyo lagaga naaloonayo iyo iftiinka wada Noolaanshaha oo muuqday – W/Q: Xuseen Aadan Yuusuf (Kurdi)

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

blankKa dib markii dhowaan waxgaradka Buuhoodle iyo Dawlada Somaliland wada gaadheen heshiis lagu soo afjarayey Colaad heerka ay gaadhay ay ahayd mid aan la rajaynayn  ayaa hadda waxaa guud ahaan deegaanka Buuhoodle ka hirgashay nabadgelyo taam ah oo ilaahay lagu mahadiyo.
Iyadoo hadaba la wada ogyahay Colaadu inay si kediso ah u timaado, nabadgelyaduna u baahan tahay wakhti si ay u dhaqan gasho ayaa hadda waxaa muuqata in nabadii si rasmi ah uga hirgashay Deegaanka Buuhoodle isla markaana ay dhibicda Raxmadda dayreed ee sanadku si xoog leh ugu hoortay deegaanadii xiligii Colaadda ugu xumaa.
Nabadda deegaankaasi waxay hadda tahay mid ay yar iyo weyn, rag iyo Dumar hareeraha ka taagan yihiin, mas’uuliyadda ugu weyn ee adkaynteedana ay leedahay dawladda Somaliland oo labo qodob oo ka mid ah Go’aamadii ka soo baxay kulamadii Marathon-ka ahaa ee todobaadkan ay yeesheen Golaha Xukuumadu ka hadlayeen adkaynta nabadgelyada Sool, sanaag Bari iyo Buuhoodle oo mararka qaarkood loogu yeedho Shaxda, halka ay dadweynaha iyo ardaayada kala duwan ee reer Buuhoodle wada shaqayn labo dhinac ah ka leeyihiin adkaynta nabadaasi.
Sida ay xukuumadda Somaliland caddaysay adkaynta nabadgelyada ka hirgashay Buuhoodle iyo dib u eegista tabashooyinka guud ahaan beelaha Sool, Sanaag bari iyo Buuhoodle waxaa lagama maarmaan u ah talaabooyinka ay u horayso hirgelinta barnaamijyo horumarineed oo bulshada iyo Deegaankaba ah, taasoo ku imanaysa isu tanaasul, turxaan bixin, talo wadaag, isku tiirsanaan iyo in la wada sunto hanaanka loo marayo xaqiijinta himilada iyo hadafka la wada tiigsanayo.
Digtoonaanta laga muujinayo shaqsiyaadka nabadda ku xanuunsada oo laga yaabo in qaarkood ku sugan yihiin Caasimadda Hargaysa kana soo jeedaan deegaanada aynu kor ku soo xusnay kuwaasoo beryahan dambe caadaystay inay warbaahinta ku xoqaan qoraalo been abuur ah oo ay ku xaqirayaan waxgaradkii dhinacyada kala duwan ahaa ee isu taagay hirgelinta nabadgelyada maanta buuhodle lagaga naaloonayo.
Gudidii dhinaca Gudaha Buuhoodle nabadda ugu istaagtay oo uu hogaaminayay Dr Saleebaan Ciise Axmed Xaglo toosiye oo hadda loogu yeedho Nabad Toosiye oo ah aqoonyahankii ku guulaystay 1995-kii  abaalmarinta sanadlaha ah ee caalamiga ah ee ay bixiso hay’adda UNHCR laguna maamuuso qofka ugu mudan dadka dalalkooda dibada kaga nool, ka dib markii uu wax weyn ka qabtay xaaladda waxbarasho ee dadkii soomaalida ahaa ee u qaxay wadamada deriska isla markaana u abuuray Dugsiyo ay wax ku bartaan, Muddo sanado ahna gudoominayey Ururka ay ku midaysan yihiin jaaliyadda afrikada bari ee waqooyiga Ameerika, ka hor intii aanu dalka dib ugu soo noqonin, Todobaadkana caasimadda Hargaysa loogu qabatay xaflad ay ku maamuuseen labaataneeyo dhalinyaro ah oo ay isku School ahaayeen badankooduna ahaa kuwii ay fasalka wada dhiganayeen mudada 12 sano ah ayaa sida uu uga midho dhaliyey nabadda Buuhoodle isagoo kaashanaya waxgaradka deegaanada Buuhoodle waxay ahayd mid laga wada sugayey isagoo ku dhaqaaqay waqtigii Munaasabka ku ahaa.
W/Q Xuseen Aadan Yuusuf (Kurdi)
Xuskurdi@gmail.com
4491178

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories