HomeBuugga 'Hayaankii Hilowga Arwaaxda' Oo Hargeysa Lagu Gardaadiyey iyo Weedhihii laga yidhi

Buugga ‘Hayaankii Hilowga Arwaaxda’ Oo Hargeysa Lagu Gardaadiyey iyo Weedhihii laga yidhi

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost) – Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland, waxa 2-dii bisha September 2022-ka lagu gardaadiyey Buugga Magaciisu yahay ‘Hayaankii Hilowga Arwaaxda’.

Buuggan oo xambaarsan dhacdooyin Taariikheed, sheekooyin mahadho ah iyo Tusaaleyaal ku xidhiidhsan marxaladaha kala gedisan ee uu Nafluhu maro, ayaa waxa Maaxday oo Bulshadiisa dhaxal ahaan uga tagay, isla-markaana intii aan Rabbi oofsan uu qoray Allaah ha u naxariistee Cabdiweli Faarax Jaambiir oo ka mid ahaa Ruug-cadaagga Saxaafadda Soomaalida, gaar ahaan Somaliland, sidoo kalena in badan oo wakhtigiisii nolosha soo noqday Macalin ama bare Ummadeed.

Cabdiweli Faarax Jaambiir oo ahaa Aasaasihii iyo Tifaftirihii War-sidihii Caanka ahaa ee Ogaal, ayaa Shacabkiisa u dhiteeyay buuggan dhaxalka ah ee ‘Hayaankii Hilowga Arwaaxda’, ka hor Geeridiisa, ayaa lagu gardaadiyey isla-markaana lagu Daah-furay Munaasibad ilyartu is qabatay oo lagu qabtay hoteelka Maansoor ee Hargeysa.
Munaasibadda waxa ka qayb-galay Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda, Hal-doorka Suxufiyiinta, Diblumaasiyiin, Xildhibaanno iyo Marti-sharaf kale oo tiro badnaa.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Saleebaan Cali Yuusuf (Koore) oo ugu horrayn halkaa ka hadlay, ayaa sheegay in Saxaafadda Somaliland marxalado badan soo martay, marka Taariikhda dib loo eegana ay horumar wanaagsan samaysay, waxaanu Wasiirku halkaa kaga dhawaaqay in Wasaaradda Warfaafintu ay iibsatay 100 Buug oo ka mid ah ‘Hayaanka Hilowga Arwaaxda’.

Wasiirka Wasaaradda horumarinta Biyaha Cali Xasan Maxamed (Cali-mareexaan) oo isaguna goobta ka hadlay ayaa yidhi “Alle ha u naxariistee Cabdiweli Faarax Jaambiir, si wanaagsan baan u aqaanay, wuxuu ahaa nin Af-gaaban, laakiin Qalinkiisa iyo qoraalkiisu aad u af-dheer yihiin..”
Wasiir Cali-mareexaan wuxuu wax ka tilmaamay farriinta uu buuggu xambaarsan yahay “Markaad buugga akhrido, cimro ayaa kaaga kordhaysa oo Ilaahay yaabuu kuu keenayaa, sidaa darteed aad baan u bogaadinayaa Muuse Faarax Jaambiir iyo Safiir Barkhad Maxamuud Kaariye, dedaalka ay buuggan daabacaaddiisa geliyeen..” ayuu yidhi Wasiirka Biyuhu.

Safiir ku-xigeenka Somaliland ee Itoobiya Dr. Barkhad Maxamuud Kaariye oo ka mid ahaa Weriyeyaashii wax ka bartay isla-markaana la soo shaqeeyay Alle ha u naxariistee Cabdiweli Faarax Jaambiir, oo isaguna ka hadlay Madasha buugga lagu daah-furay, ayaa ka warramay shakhsiyaddii Marxuumka, doorkii uu ugu jiray bulshadiisa iyo Taariikhda uu ka tagay “Cabdiweli wuxuu ahaa Qof ballaadhan oo iskaga dab qaaday saddexda Mihnadood, Macalinnimo, Suxufinimo, Annagana Mujaahidkayaga ayuu ahaa markii uu dalka ku soo laabtay..” ayuu yidhi, isagoo intaa ku daray oo codsaday in Marxuumka loo duceeyo.

Guddoomiyaha Ururka Hablaha Suxufiyiinta ah ee Somaliland (WIJA) ayaa iyaduna sheegtay “Alle ha u naxariistee Cabdiweli Taariikh buu ka tagay, Macalina wuu ahaa, xafladda ayayna ka muuqataa inuu guulaystay, aqoontiisiina Iilka lama gelin oo taariikh buu ka tagay..” ayay tidhi.

Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Sakariye Axmed Muxumed, ayaa isaguna yidhi “Waa inaynu buuggaa qaadano, oo aynu Hay’ad Hay’ad iyo Qof Qof u qaadano oo aynu akhrino..”

Xildhibaan Maxamed Xuseen Jaamac (Raambo) oo muddo dheer ka mid ahaa bahda Saxaafadda isla-markaana aqoon fiican u lahaa Marxuumka, ayaa isaguna sheegay “Cabdiweli muddadaa uu shaqada Saxaafadda ku jiray wuxuu ahaa mid dhiirigeliya dhallinyarada Saxaafadda..” ayuu yidhi Xildhibaan Raambo.

Munaasibadda oo ahayd mid Sal ballaadhan, ayaa waxa iyaguna ka hadlay Wasiir ku-xigeeno, Agaasimeyaal iyo Hal-door kale, kuwaasi oo Bogaadiyey Buugga la soo bandhigay, Marxuum Cabdiweli Faarax Jaambiirna Alle uga baryey inuu u naxariisto.

blank blank blank blank blank blank

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories