HomeBUUGAAG GEEDDI AH: Maktabadda wareegta 2012 waa socdaalka dhiganaha qoran ee magaalooyinka...

BUUGAAG GEEDDI AH: Maktabadda wareegta 2012 waa socdaalka dhiganaha qoran ee magaalooyinka Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Maktabadda wareegtaa waa qayb ka mid ah bandhigga buugaagta caalamiga ah ee Hargeysa. Waa hab ka duwan habab inta badan laga yaqaanay dalka, kuna cusub saaxadda buug-akhriska ee Somaliland. Maktabadda wareegtaa waa nidaam ay kooxo kala duwani ay buugaag tiro badan ku geynayaan magaalooyinka waawayn ee dalka, si ay fursad wax-akhris u siiyaan dadka aan inta badan helin fursad tan la mid ah, gaar ahaan dhalinyarada.

blankMaktabadda wareegtaa waa hab lagu doonayo in dadweyne tiro badan lagu gaadhsiiyo buugaag kala duwan, iyada oo ay gacan ka geysanayaan naadiyada akhriska ee gobolladu. Nidaamka maktabadda wareegtaa waxay dhiirigelinaysaa in la helo dad tiro badan oo hela akhris kala duwan iyo in ay helaan maktabado u suurtogeliya akhrinta buugaag badan.

Maktabadda wareegta waxa ay hirgelinaysaa rabitaanka dadka ee ah inay wax bartaan, isla markaana ka qaybgalaan nidaamka akhriska. Waxaana ka qayb-galay sanadkii hore kumannaan qof oo aad u soo dhaweeyey buugaagtii kala duwanaa ee magaalooyinka la geeyay, iyaga oo ka qayb-galay dood-cilmiyeedyo iyo kulamo kala duwan.

Sanadkii hore ayay dawladaha hoose ee magaalooyinka waawayni ay ballan-qaadeen in magaalo kasta ay u sameeyaan maktabado wax-akhris, si ay dadweynaha oo ay ugu horreeyaan dhalinyaradu u helaan goobo ay wax ku akhristaan. Iyada oo taas laga duulayo ayaa sagaal magaalo oo ka mid ah kuwa maktabadda wareegtaa ay sanadkii hore booqashada lagu geeyay ay ballankaas ka soo baxeen oo ay dhul iyo dhisme loogu talo-galay in laga dhigo maktabad wax-akhris ay hirgeliyeen.

Sanadkan waxa maktabadda wareegtaa ay ka bilaabmi doontaa magaalada Boorame ee gobolka Awdal 02 July 2012 waxaanay socon doontaa ilaa magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag iyadoo isaga gudbaysa magaalooyin kale oo ka mid ah xarun-gobolleedada Somaliland.

Marka maktabadda wareegta ay ka qabsoonto magaalooyinka waawayn ee dalka, waxa dhiganaha qoran ee wareegaa uu ku soo af-meermi doonaa magaalada Hargeysa, halkaas oo ay naadiyada akhriska iyo kooxaha kale ee hagayaa ay isugu tegi doonaan, si ay muddada uu bandhiggu socdo ay ugu soo bandhigaan natiijada wax-qabadkoodii sanadkii tegay.

Sidoo kale, inta lagu gudo-jiro bandhigga buugaagta caalamiga ah ee Hargeysa, waxa la soo bandhigi doonaa filim gaaban oo laga duubay maktabadda wareegta sanadkii 2011kii. Waxa ku xigi doona qayb lagu falanqayn doono halka uu marayo ololihii loogu jiray sidii ay maamullada gobolladu ama dawladdaha hoosaba uga hirgelin lahaayeen maktabado laga dhiso dhammaan magaalooyinka waaweyn ee dalka.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories