HomeBuug cusub oo lagu Wanqalay Qolka hurdada: Qisooyin iyo cilmiyo ku duugan

Buug cusub oo lagu Wanqalay Qolka hurdada: Qisooyin iyo cilmiyo ku duugan

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Berbera (SLpost)- Madal ay Ilyartu is qabatay oo si heersare ah loo soo agaasimay, oo lagu daahfuray bug cusub oo lagu magacaabo Qolka Hurdada  Qisooyin Iyo Cilmiyo ku Duugan “buugan oo uu qoray qoraaga weyn ee Sh.Maxamuud C/Laahi (Maxamuud Naxwe).

Madasha buuga lagu soo bandhigayay oo ahayd hoolka weyn ee jaamacada culuunta badda ayaa waxa ka soo qayb galay mayorka magaalada berbera Cabdishukuur Maxamuud Xassan, xooghayaha Fulinta dawlada hoose SuhaybMaxamed Cali, xildhibaano, madaxda laamaha dawlada ee heer gobol iyo degmaba, ardayda jaamacada badda, aqoonyahano, culima awdiin iyo dhalinyaro tira badan oo isugu jira gabdho iyo wiilalba, waxa kale oo madasha goob joog ka ahaa islamrkaana isagu buugan soo bandhigay qoraaga buuga Sh.Maxamuud Naxwe.

Buugga_BerberaUgu horayn waxa madasha furay gudoomiyaha naadiga akhriska ee BERBERA READERS CLUB. Maxamuud maxamed jaamac oo ka warbixyey marxaladihii uu naadigu soo maray iyo himilooyinka uu hiigasanayo waxa kale oo uu madasha ku soo dhaweeyey qoraaga buuga oo ku tilmaamay qoraa wax ka qoray  mawduuc ay bulshadu aad ugu baahnayd.

Waxa kale oo isna madasha ka hadlay xooghaya cusub ee dawlada hoose Suhayb Maxamed Cali oo isna ka mid ah xubnaha sare ee naadiga akhriska, xoog haye suhayb wuxuu aad u bogaadiyey qoraaga buuga oo uu ku sifeeyay shaqsiyi ku dhiiraday mawduuc ay qoristiisa ama ka sheekayntiisu ku yarayd guud ahan bulshada soomaaliyeed waxa kale suhayb intaas ku daray in madwduucan qoyska iyo habdhaqanka lamaanaha ay diinteena suubani aad uga hadashay wakhtigan casriga ahna ay culimo badan oo muslini wax ka qoreen  lakiin soomaliahaan ay tahay wax inagu cusub.

Buuga_Berbera2Sidoo kale waxa madasha lagu soo dhaweeyey qoraagii buugan Sh.Maxamuud Naxwe  oo bulshadii madasha fadhiday ay aad uga dhursugaysay sharixida iyo faahfaahinta buugan xambaarsan mawduuca xasaasiga ah sida magiciisa ka muuqata, sheikh maxamuud naxwe ayaa hadalkiisa wuxuu ku bilaabay ”” buuga aan caawa idiin sido ama aan madashan ku daahfurayno magaciisa waxa la yidhaahda “qolka hurdada qisooyin iyo cilmiyo ku duugan “ buugan waxa ka horeeyey oo aan hore u qoray buugii Badhaadhaha guurka iyo aragtida islaamka buugaasii markii aan soo bandhigay sandkii 2011kii ee uu bulshada dhexgalay  jawaabcelintii bulshada igaga soo noqotay ayaa igu kalifay inaan buug labaad oo ka hadlaya nolosha lamaanaha iyo sida ay isu raaligalinayaan baa aan soo saaro buugan caawa aynu qaada dhigi doono, buugan sida magciisaba ka muuqata wuxuu ka hadlayaa xiliga ay lamaanuhu ku suganyihiin qolka hurdada oo ah meel aad u xasaasiya waa meel u baahan in sifiican loo barto wax badana ka ogaano iyada oo diinteena suubani si waafi  ah uga hadashay mucaamilada lamaanaha habdhaqanka qoyska, sheikh maxamuud  naxwe wuxuu sheegay muhiimada ugu weyn ee uu buugan ugu talo galay ay tahay dayarta soo kacaysa ee guur maaganayaasha ah si uu marjac ugu noqdo buu yidhi.

Gebagebadii  waxa barnaamijka soo gunaanaday mayorka magaalada berbera Cabdi shukuur maxamuud xassan waxana uu sifiican u soo dhaweeyey barnaamijkan laga hadlayay waxa hadaladiisi ka mid ahaa” caawa waa barnaamijkii ugu qaalisanaa een ka soo qayb galo waa buug faaido badan u leh dhalinyarada aad yo aad baan ugu mahad naqayaa qoraaga buuga sh.maxamuud naxwe.

Ugu dambayntii qoraaga buugu wuxuu madasha buug ku gudoonsiiyey naadiga akhriska,madaxdii madasha joogtay iyo qaar kamid ah ka soo qaybgalayaashii. Guud ahaana munaasibada ayaa ku soo dhamaatay jawi dagan waxaan bulshada ka muuqday dareen soo dhaweyna iyga oo aad ula dhacay buugan iyo nuxurka ku duuganba.

Somalilandpost.net/Berbera

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories