HomeBush Oo Noqday Madaxweynihii Ugu Doqonsanaa Ee Soo Mara Maraykanka, Kontonkii Sano...

Bush Oo Noqday Madaxweynihii Ugu Doqonsanaa Ee Soo Mara Maraykanka, Kontonkii Sano Ee U Dambeeyey

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Washington (SLpost)- Cilmibaadhis dhowaan lagu sameeyey heerka fariidnimo iyo awoodda garasho ee madaxweynayaasha Kontonkii sano ee u dambeeyey soo maray dalka Maraykanka ayaa iftiimisay in madaxweyne George W. Bush oo talada hayey intii u dhexeysay 2001 illaa 2009dii uu ahaa ruuxa ugu doqonsanaa ama ugu garaadka liitay dhammaan raggii soo hoggaamiyey Maraykanka tan iyo sannadkii 1973kii.

Maxadka Lovenstein oo xaruntiisu tahay gobolka Pennsylvania ee dalka Maraykanka ayaa 43 kii sano ee u dambeeyey si joogto ah cilmibaadhis ugu sameeya, Fariidnimada iyo heerka garaad ee madaxweyne kasta oo talada Maraykanka qabta, warbixintii ugu sambaysay oo uu soo saaray Isniintii toddobaadkii hore ayaa aanu ku sheegay natiijada cilmibaadhis afar bilood lagu daraasaynayey heerka garaasho iyo fariidnimada madaxweynihii hore ee Maraykanka George Bush.

Meelaha ay khubaradu ka qiimeeyaan madaxweynahana waxaa ka mid ah: Qoraallada ay madaxweynayaashaasi soo saareen iyaga oo aan caawimo ka helayn gacan-yarayaashooda oo shaqaalahooda. Waxa kale oo la qiimeeyaa awoodda ay madaxdaasi u leeyihiin in hadalkoodu noqdo mid cad oo la fahmi karo.waxaa baadhis lagu sameeyey xaaladahooda nafsigaaha iyo heerka garaadkooda iyada la adeegsanayo qalabka lagu qiyaaso garaadka (IQ).

Cilmibaadhistani ma’ay qiyaasin fariidnimada George Bush oo keliya, balse waxa ay dib u eegtay fariidnimada madaxdaas hore iyada oo u kala soocday labada xisbi ee Jamhuuriga iyo Dimuqraaddiga oo ay madaxweynayaashaasi ka soo kala jeedeen. Waxaana soo baxday in lix ka mid ah madaxweynayaasha muddadaas taladaqabtayykanka oo xisbiga Jamhuuriga ka tirsanaa uu ugu fariidnimo badnaa Nixon oo heerka qiyaasta IQ ka helay 155 dhibcood, halka uu ugu hooseeyey George Bush oo helay 91 dhibcood oo keliya, marka xisbiga Dimuqraaddiga la eegana ay qudhiisa ka wada dhibco badnaadeen. Si kalana madaxdii xisbiga Dimuqraaddigu ay ka fariidnimo bateen kuwa Jamhuuriga ah.

Khubarada oo si gaar ah u sii faahfaahisay sababaha uu Bush ugu sifoobay doqonniimada ayaa dhaliilay awooddiisa ku hadalka Afka Ingiriisiga oo ay sheegeen in uu ku adkaa. taasoo laga dhadhansaday hadalladii tooska ahaa ee aanu hore u soo diyaarsan iyo sidoo kale ereyada afka ee uu isticmaalay oo koobnaa, tusaale ahaan 6500 erey ayaa uu madaxweyne Bush soo celcelin jiray, halka madaxdii kale ee la qiyaasay kuwood ugu yari ay soo celcelin jireen illaa 11kun oo erey. Sidoo kale waxaa la saluugay aqoonta madaxweyne Bush oo in kasta oo uu haystay shahaadada labaad ee heerka jaamacadda oo uu ku bartay Maaraynta Ganacsiga (Business Administration) haddana loo arkay in aanu guulo la taaban karo ka soo hoynin in aanu allifin buugaag ama xitaa qoraallo kale oo cilmi ahaan loo daraasayn karo. Dr. Lovenstein oo arrintaas ka hadlaya ayaa ku dooday in dhammaan madaxweynayaashkii ka horreeyey George W. Bush uu mid kastaa qoray ugu yaraan hal bug, badankooduna ay qoreen cilmibaadhiso kala duwan oo qaarkood ay sameeyeen intii ay cilmiga baranayeen, ama sannadihii ugu horreeyey ee hawlahooda shaqo, marka laga reebo Madaxweyne Bush oo isagu aan qorin kitaab iyo maqaal midna.

Xigasho Geeska Afrika

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories