HomeBURCO: Xisbiga WADDANI oo ka qayb-qaatay Gurmadka Xakamaynta Cudurka Shuban-biyoodka iyo Gargaarka...

BURCO: Xisbiga WADDANI oo ka qayb-qaatay Gurmadka Xakamaynta Cudurka Shuban-biyoodka iyo Gargaarka Bukaanka uu haleelay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Burco (SLpost)- Wefti ka tirsan Xisbiga Mucaaradaka ah ee WADDANI Oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha ku meel gaadhka ah ee Xisbiga WADDANI Md C/qaadir Jirde, ayaa deeq- daawooyin ah gaadhsiyey Cisbitaalka guud ee magaalada Burco, halkaasi oo lagu dabiibayo dadka uu soo ritey xanuunka shuban biyoodku.

seedaSidaasna waxa lagu sheegay war-qoraal kooban oo xafiiska Warbaahinta Xisbiga WADDANI soo gaadhsiiyey Saxaafadda, kaas oo u qornaa sidan: “Deeq-dan daawooyinka ayaa waxay weftiga Xisbiga WADDANI ay ku wareejiyeen isuduwaha Wasaarada Caafimaadka u qaabilsan gobolka Togdheer Dr Yusuf Dirir, isagoo ka mahad naqay deeq-daasi uguna baaqaabay Xisbiyad kale in ay u gurmada dadka uu uu xanuunka shubanku haleelay ee reer Togdheer.
Ugu horeyn waxa halkaasi ka haddley guddoomiyaha ku meel gaadhka ah ee Xisbiga WADDANI Cabdiqaadir Jirde waxaanu baaq u diray bahda caafimaadka ee gobolada Awdal iyo Maroodijeex waxaanu ku bilaabay haddalkiisa “ Waxaanu go’aansanay intii karaan-kayaga ah wixii aanu heli karno annagoo Xisbiga WADDANI ah, in aanu keeno oo ku tabarucno, markaan aragna baaxad iyo inta dhibaatadu leedahay iyo in bahda caafimaadka ee Burco ka xoog roontahay, waxaanu usoo jeedinaynaa bahda caafimaadka ee gobolada galbeedk haddii ay Awdal tahay iyo haddii ay maroodijeex tahay-ba ee uu qalabkoodu badan-yahay ee dhakhaatiirta badani joogto ee kal-kaaliyashaasha caafimaad ee badani joogaan in ay deg deg ugu soo gurmadaa gobolkan,xukuumadda waanu u sheegi doonaa hawsheeda marka aanu tagno dhibaatada waanu la qaybsan doonaa war-bixinta waanu siin doonaa, annaga baaqayagu waxa weeye in loo soo gurmado Togdheer, Togdheer waa xudintii Somaliland wixii ka dhaca Togdheer dalka oo dhan ayuu saameeyaa Col iyo nabad iyo cudur-ba & Barwaaqoba, markaa waxaanu leenahay walaalahayga halkaas Jooga Awdal iyo Maroodijeex iyo Cisbitaalada gaarka loo leeyahay in loo soo gurmad Burco iyo Togdheer-ba waa hawl qaran, waxa weeye jihaad ayaad ku jirtaan jihaadkaana maaha in la idinku eego idinka keligiin “ Ayuu yidhi C/qaadir Jirde.

IMG_9489Guddoomiye C/qaadir Jirde oo oo haddalkiisa sii wata ayaa sheegay noocyada ay ka koobantahay deeqdan uu Xisbiga WADDANI soo gaadhsiiyey Cisbitaalka Burco “Wax Buuran ma sidno markaa wixii aanu is lahayn waa mihiim ee naloo sheegay in loo baahanyahay ee deg dega ahaa,waxaanu soo helnay iyo waxaanu weynayba,markaa isuduwe waxaanu doonaynaa in aad naga guddoonto hawshaa iyo alaabtaa, intaana kaga hadhimayno waxay ka koobantahay deeqdan aanu sidnaa 1.i.v fluids eg ringers lactate,normal saline.2.antibiotic eg. Doxycycline , tetracycline, ciprofloxcine,3. Iv cannole 4.ors and zinc tablet. Iyo biyo nadiif ah. “Ayuu yidhi Guddoomiyaha C/qaadir Jirde.

Dhanka kalena Isuwaha Wasaarada Caafimaadka ee Gobolka Togdheer oo deeq ka guddoomey Xisbiga WADDANI, ayaa ka mahadnaqay deeqdaasi “ Guddoomiye Jirde Dr Fadal , Maro Faadumo iyo dhammaaba masuuliyiinta kele ee Xisbiga WADDANI ee halkan noogu yimi ee soo dedeelay ee na soo gaadhsiiyey daawooyinka, markaa aad iyo aad ayaan idiinka mahad-naqaynaa “Ayuu yidhi Isu duwaha wasaarada Caafimaadka Gobolka Togdheer Dr

Ugu Damayntii Guddoomiye C/qaadir Jirde ayaa sheegay in aanay gurmadka intaa ku daynay ee ay wadayaan, waxaanu xusay in ay soo wadaan deeqo kale oo ballaadhan “waxa maqan oo soo socda noo imanaya oo gurmadkaa ka qayb-geli doona Musharxii Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Dr C/raxmaan Cirro iyo Hoggaamiyihii Xisbiga WADDANI Md Xirsi Xaaji Cali oo Dubai ku maqan oo iyana aanu hawsha gaadhsiinay iyana dedaalkooda dowladahaa iyo wixii ay keeni karaanba keenay.”Ayuu yidhi Jirde

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories