HomeBurco: Wasiirka Warfaafinta oo ka qayb-galay Munaasibad lagu shaaciyey Maktabadda Wareegta oo...

Burco: Wasiirka Warfaafinta oo ka qayb-galay Munaasibad lagu shaaciyey Maktabadda Wareegta oo laga hirgelinayo

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Burco (SLpost)- Wasiirka wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta Somaliland Md. Cabdi Yuusuf Ducaale (Boobe) oo socdaal shaqo ku jooga Gobolka Togdheer, ayaa maanta ka qayb galay Munaasabad Magaalada Burco loogu qabtay Maktabada wareegta oo la gaadhsiiyey Gobolkaasi.

Munaasabadan oo lagu qabtay Hotel Golis ee magaalada Burco ayaa wasiirka wasaarada warfaafinta iyo wacyigelinta Somaliland  Md Cabdi Yuusuf Ducaale (Boobe) waxa uu soo dhoweeyey sida ay bulshadu ugu soo jeesatay dardargelinta hawlaha wax akhriska. Isagoo kula dardaarmay dadweynaha Gobolka Togdheer inay taageero u muujiyaan horumarka wax akhris ee ka socda gobolka iyo nasiibka ay u heleen Maktabadan wareegta.

blankGudoomiyaha Gobolka Togdheer Md Cabdoo Axmed Aayir iyo Mayor-ka magaalada Burco Maxamuud Axmed xasan oo labadooduna kulankaasi ka hadlay ayaa ballanqaaday inay maamul ahaan bixinayaan dhulkii loo dhisi lahaa Maktabadaa wareegta.

Qorayaal reer Somaliland ah oo ay ka mid yahiin Jaamac Muuse Jaamac iyo Maxamuud Xaaji Ibraahin oo ka qayb galay kulanka maanta, ayaa iyaguna faahfaahin ka bixiyey faa’iidada ku jirta wax akhriska iyo kaydinta qoraalada.

Sida la ogyahay waa markii ugu horaysay ee Rugta wax akhriska wareegta ee Somaliland ay gaadho Gobolka Togdheer, iyadoo maalmahii tegayna xarumahii iyo shaqadii rugtaasi la gaadhsiiyey magaalada Boorame ee Xarunta G/Awdal, Magaalada Gabiley  Iyo Degmada Sheekh ee Gobolka Saaxil.

SLpost News/Hargeysa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories