HomeBurco: Wasaaradda Diinta iyo Aw-Qaafta oo Go’aamo ka soo saartay Caweysyada Huteellada

Burco: Wasaaradda Diinta iyo Aw-Qaafta oo Go’aamo ka soo saartay Caweysyada Huteellada

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta ee Somaliland, ayaa go’aamo hor leh ka soo saartay caweysyada Huteelada magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, kuwaas oo lagu amray inay joojiyaan dhammaan wixii ka hor imanaya shareecada Diinta Islaamka.

Wasaaraddu waxaa ay sheegtay in laga bilaabo maalinta Jimcaha oo ku beegan 30-ka Bishan aan la ogolaan doonin Huteel ku yaala gudaha magaalada Burco lagu qabto xaflado ama isu-imaatin bulsho oo sabab u noqda is-dhexgalka ragga iyo dumarka oo ay ugu horreeyaan bandhig- faneedyadu.

blankWar-saxaafadeed uu soo saaray Isu-duwaha Diinta iyo Awqaafta ee gobolka Togdheer, Keyse Xaaji Diiriye, waxa kale oo lagu sheegay inay dhaqan-galka go’aankan u xil-saareen guddi gaar ah oo la soconaysa cid kasta oo u hoggaansami weyda amarkan.

“Iyada oo ay muuqaneyso maalmahn xumaan ka socota Huteelada gudaha magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, qaar ka mid ah, xumaantaas oo ah is-dhexgalka ragra iyo haweenka, sida in la isla jaaso, ku faanidda mulkiilayaasha huteelada in ay tahay wax wanaagsan oo horumar ah.

  1. In horumar lagu sheego wax ALLE iyo Rasuul (CWS), inoo diideen waa ku dhiirasho denbi.
  2. Waddanku waa Muslim, Islaamnimadu qofka waxbay faraysaa, waxna waa ay ka reebaysaa.
  3. Dawladdu waxay Islaamnimada ilaalinteeda u samaysay Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta, dastuur; sida qodobka 5-aad oo tuuraya wixii Diinta ka soo horjeeda.

Sidaasi darteed, waxaa la faraya dhammaan huteelada magaalada Burco, laga bilaabo 30/7/2021, in ay joojiyaan dhammaan wixii ka hor imanaya shareecada Islaamka, waxaa aanu u samaynay dhaqan-galka amarkan cid daba gasha.” Sidaas ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka uu soo saaray Isu-duwaha wasaaradda Diinta iyo Aw-Qaafta ee gobolka Togdheer.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories