HomeBurco: Ururka WADDANI oo soo bandhigay Murashaxiinta G/deegaanka ee Gobollada Togdheer iyo...

Burco: Ururka WADDANI oo soo bandhigay Murashaxiinta G/deegaanka ee Gobollada Togdheer iyo Saraar

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

[B]urco (SLpost)- Ururka Siyaasadeedka WADDANI ayaa maanta magaalada Burco ku soo bandhigay musharixiin tiro badan oo u tartamaysa Golaha Deegaanka Degamdda Burco ee xarunta goboladda Togdheer iyo Saraar.
Munaasibad balaadhan oo ay goob-joog ka ahaayeen 17-musharax oo ay ka soo qaybgaleen Guddoomiyaha ururka WADANI ah-na Guddoomiyaha golaha wakiiladda Somaliland MD Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo wafti sare oo uu hugaaminaayay oo maalmihii u danbeeyay booqasho ku joogay magaalada Burco ayaa maanta lagu qabtay huteelka Cigaal ee magaaladaasi.
blankGuddoomiyaha Ururka WADANI ee Gobolka Togdheer Xuseen Kaahin oo ka hadlay xafladaasi wuxuu yidhi “Hadaanu nahay hawlwadeenadda urur siyaasadeedka WADANI ee gobolka Togdheer mudadii ka danbaysay shirweynihii kowaad ee ururka waxaanu ku hawlanayn sidii aanu u dhisi laahayn maamulka ururka , musharixiintiisa gobolka Togdheer iyo cududiisa taageero sidaa awgeed waanu ku guulaysanay taasna waxa idiin cadaynaayay ilaa17 xildhibaan oo liis garaysan ayaa maanta halkan fadhiyay oo u tartami doona xildhibaanimadda deegaanka ee Togdheer iyo Caynaba ,taasna waxaad ka garan kartaan miisaanka uu ururkani ku leeyahay gobolka Togdheer.” Ayuu yidhi Xuseen Kaahin, waxaanu mahadnaq balaadhan u jeediyay waftiga uu hogaaminaayo Guddoomiyaha Ururka WADDANI.
blankGuddoomiyaha urur siyaadadeedka WADANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabadilaahi ( Cirro) oo isna kulankaasi ka hadlay ayaa soo dhaweeyay musharixiinta u tartamaysa golayaasha deegaanka ee degmooyinka Burco iyo Caynaba ee ka sharaxan WADANI waxaanu Guddoomiyuhu ku nuux-nuuxsatay oo uu ujeediyay dadweynaha ku dhaqan gobolka Togdheer in ay wada jir u ilaaliyaan arimaha nabadgelyadda iyo isku duubnaansha bulshada, sidoo kale  Guddoomiyaha ururka WADANI Md. C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi oo ka hadlay xafladaasi ayaa ka waramay hawlaha horyaala ururkiisa iyo u diyaar-garowga doorashadda Goleyaasha deegaanka waxaanu yidhi “Marka hore waxaanu halkan ugu mahanaqaynaa shicibka reer Togdheer iyo ka Saraar musharixiintan aad keenteen awgeed ,dadkuna waxay rajaynayaan in ay musharixiintaasi noqdaan kuwii isbedelka iyo hurumarka la rajaynayo keeni-lahaa ana waxaan leeyahay ilaahay haydinka dhigo.” Ayuu yidhi Guddoomiye Cirro, isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Waxa ina horyaala hawl badan oo ah in mawaadinimo ahaan in aynu ka shaqayno danta guud ee Somaliland iyo xoojinta nabad-gelyadda ,taas oo ay ku xidhanyihiin hurumarka iyo doorashaduba ,dibaatooyinka aasaasiga ah ee ina horaalaana lama tiring karo waxaana ka mid ah shaqo la’aanta ,caafimaadka ,dhinaca jidadka iyo waxyaabo kale markaa waxaan leeyahay ha la ilaaliyo midnimada iyo wada jirka, Ururka WADANI-na waxa uu u diyaar yahay haduu soo boxo in uu dhibaatooyinka dalka haysta wax ka qaban doono insha ALLAH.”
Waxaa iyana halkaas ka hadlay qaar ka mid ah madaxda  Ururka WADANI oo ay ka mid ahaayeen Shugri X. Boondare ,Axmed Cali Ubaxle ,Mr Foosi ,Cismaan Afgaab ,Jamac Sidiiq iyo masuuliyiin kale waxaanay dhamaantood mahad-naq ujeediyeen 17-musharax oo ay haweenay ka mid tahay ee ururka WADANI uga qaybgalaaya Golaha Deegaanka Degmooyinka Burco iyo Caynaba kuwaasi oo ay goob-joog ka ahaayeen waxgaradka ,odayaasha beelaha ay musharixiintani ka soo jeedaan.
Guddoomiyaha urur siyaasadeedka WADANi MD Ciro iyo wafti balaadhan oo ururkiisa ka tirsan ayaa maalmihii u danbeeyay booqasho hawleed ku joogay gobolka Togdheer waxaanay booqdeen qaybo ka mid ah suuqyda ganacsiga Burco, waxaana waftigu xalay ku soo noqday Magaalo madaxda Hargeysa.

SLpost News/Hargeysa

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories