HomeBurco: Tirada Meydadka lagu Aaso Xabaalaha oo Korodhay iyo Tuhunno lagu xiidhiidhay...

Burco: Tirada Meydadka lagu Aaso Xabaalaha oo Korodhay iyo Tuhunno lagu xiidhiidhay Covid-19 oo ka dhashay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Tirada Dadka ku dhimanaya Magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer, ayaa korodhay Toddobaadyadii u dambeeyay, taas oo abuurtay shaki ah inuu magaalada ku faafay Cudurka Covid-19.

In kasta oo ilaa immika aanay jirin Dad la xaqiijiyey inay magaalada Burco ugu dhinteen Xannuunkan, haddana tirada dadka la xaqiijiyey ee laga helay Covid-19 ee magaladaas, ayaa maraysa 17 Qof oo laba ka mid ahi ka bogsadeen.

blankMa jirto baadhitaan Guud oo hawl-wadeennada caafimaadku ka sameeyeen gobolka, balse dadka baadhitaanka lagu sameeyey oo iyagu Isku arkay ama isaga shakiyey astaamaha cudurka oo ay isku arkeen, ayaa tagay goobaha Caafimaadka ka hor intii aan la xaqiijiyein inay Cudurka laga helay iyo in laga waayey.

Haseyeeshee, tuhunka ka dhashay in cudurku ku faafay magaalada Burco, ayaa ka dhashay Xabaalaha magaalada Burco oo sidii hore dadka loogu Xabaali jiray si ka badan loogu aaso xilligan, sida lagu xaqiijiyey warbixin uu diyaariyey Weriye ka tirsan Telefishanka HCTV oo booqday xabaalaha magaaladaas.

Saleebaan Axmed oo ah Ninka diwaangeliya Dadka Geeriyooda ee Xabaalaha Burco oo u warramay  HCTV, waxa uu sheegay inay dhowrkii Maalmood ee u dambeeyay heleen dareenka ah in Dadka dhimanayaa kordheen.

“Intii aanu meesha joognay saddex Cisho ayaanu dareen helnay, kuwaasi oo ah Maalina Afar, Maalina Lix, Maalina Shan Qof, wakhtigii hore waxay Dadka dhintaa ahaayeen Hal ama laba,” ayuu yidhi Saleebaan.

Xoghayaha Fulinta Dawladda Hoose ee Magaalada Burco oo telefishanku waxa ka weydiiyey, ayaa sheegay in la soo gaadhiiyey Qaylo-dhaanta Xabaalaha Burco ee ah in Dadka dhimanayaa ka bateen intii hore.

Tuhunka ka dhashay tirada korodhay ee meydadka lagu aasayo xabaalaha Burco, ayaa loo aanaynayaa Xanuunka dunida aadka ugu faafay ee Covid-19 oo Dhowr iyo toban kiis laga xaqiijiyey magaaladaas.

Tirada Guud ee dadka xannuunka laga helay Somaliland, ayaa maraysa 257 qof oo 28 ka mid ahi ka bogsadeen, halka 18 qofna u dhinteen cudurkan.

Halkan Hoose ka Daawo Warbixinta Telefishanka HCTV

 

Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories