HomeBurco: Shirkadda Isgaadhsiinta Casrsiga ah ee TELESOM Oo Daah-furtay Adeegyo Cusub oo...

Burco: Shirkadda Isgaadhsiinta Casrsiga ah ee TELESOM Oo Daah-furtay Adeegyo Cusub oo ay Bulshadda u soo Kordhisay

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Burco (SLpost)- Shirkadda Isgaadhsiinta Casriga ah ee Telesom ayaa magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ku soo bandhigtay Adeegyo cusub oo ay Shirkaddu usoo kordhisay macaamiisheeda, kuwaasi oo la jaan-qaadi doona Tiknoolajiga casriga ah .

Adeegyaddan oo ay Shirkadu ugu talogashay macaamiisheedu in ay kaga maar-maan baahiyo badan oo ay u qabeen.  ayaa munaasibad lagu daah-furaayay oo ka dhacday xarunta Telesom ee  magaalada Burco,waxa ka qaybgalay masuuliyiin kala geddisan oo kala socday Shirkadda Telesom, Ganacsatadda gobolka Togdheer iyo marti-sharaf kale .

Cabdisalaan Ismaaciil Nuur oo ka mid ah masuuliyiinta Shirkadda Telesom ee waaxda horumarinta Ganacsiga gobolada  oo  munaasibadaasi ka hadlay ayaa ka xog-waramay adeegyadan cusub ee ay shirkadoodu soo kordhisay iyo faa’idadooda  waxaanu yidhi, “Waxaanu ku soo bandhigaynaa magaalada Burco adeegyo cusub oo ka mid ah adeegyadii Shirkadda Telesom ugu talogashay macaamiisheeda sanadkan cusub horaantiisa  ,markaa ugu horeyn ,adeegyadda aanu maanta soo bandhigayno, adeega ugu horeeyaa waxa weeye ,adeeg aanu  magac’ahaan u bixinay Kayd ,adeegaasina waxa uu can ku yahay oo aduunka looga yaqaanaa (Sim-Backup) ,ama in qofku Simikaadhkii uu isticmaalaayay lambaradii ugu seef-garaysnaa ,haduu ka lumo in uu ka hele-karo, Sim-cardka cusub ee uu qaato ama System-ka Shirkadda,” ayuu yidhi, waxaanu intaas ku daray, “Adeega labaad ee aanu rabno in aanu isgana bulshada usoo bandhigno  waa ,adeega loo yaqaano fariimaha codka ,waxaynu naqaanay in SMS-ka ama fariimaha gaa-gaaban qoraal layskugu diri jiray  ,waxaanu runtii imika soo kordhinay adeeg cusub oo qofku fariintiisa uu cod-ku-gudbinaayo sidii qoraalka oo kale, adeegaasina waxa uu sigaar ah uga farxin-doonaa dadka aan indhaha waxba ka arkaynin ee macaamisha shirkadda ah iyo kuwa aan waxba qorin.

telesom2Mr Cabdisalaam oo sii faahfaahinaya adeegyada ay shirkad soo kordhiyeen, waxa uu yidhi, “Adeega Saddexaad ee aanu runtii isleenahay bulsho weynta waxa uu u noqon-doonaa Farxad oo aanu macaamiishayada ugu talogalay  waxa  weeye ,adeega loo yaqaano (IVR) ,adeegaasi waxa uu qabtaa in ganacsatadda ama goobaha waxbarashadda  ay soo gashan karaan  xayaysiiskooda sidii Reception-ku codka u qaban-lahaa oo kale ,in si fudud loo heli karo cida kastoo Hay’adaasi ka tirsan oo  loo baahanyahay.”

“Adeega Afraad ee aanu maanta isna soo bandhigaynaa waxa weeye, adeega Missed-Call-ka  oo aad hore ugu taqaaneen Mobilka ,waxa bulsho weynteena baahi ka soo baxday ah guryahiina Lindline ayaa yaala ,Landlinkii yaalay waxa loo baahday in xaaskii ama caruurtii iyagoo aan Mobaylku u furayn in ay aabahood la hadli-karaan ama inankii Bakhaarka hayay inankii kale ee bakhaarka la hadlikaro oo uu odhan karo isoo wac ,adeegaasi waxaanu u samaynay in Linka oo aan moobayl u furayni oo mobaylkii garaaci karo moobaylkina uu fariintii heli-karo iyo meeshii laga soo wacay ka dibna uu ku celinkaro, sidaasi ayuu Cabdisalaan hadalkiisa kaga baxay.

Sidoo kale, Cabdiraxmaan Aadan oo isna ka mid ah masuuliyiinta Shirkadda Telesom ee Xafladaasi ka hadlay ayaa  shaaca ka qaaday furayaal cusub oo ay Shirkadda Telesom ku kordhisay Lambaradeedii hore ee Mobaylka Shirkadda  kuwaasi oo ay dhawaan bulshadda usoo bandhi-gidoonaan isla markaana  Sagaal Nambar ka dhigi-doona Nambarada Shirkadda,halkii ay awal hore ka ahaan jireen Todoba Nambar oo kaliya, “Waxaanu maanta halkan macaamiishayada ka ogaysiinaynaa in Laba Nambar laga horey-siinaayo Nambaradii Mobaylka Telesom , labadaa Lambar-na waxa weeye (63) waxaanu lambarka Mobaylka ee awal hore ahaa Todobada ka dhigi-doonaa Sagaal Nambar ,balse Linku sidiisii ayuu ahaan-doonaa  “ Sidaasi ayuu Cabdiraxmaan hadalkiisa kaga baxay .

Telesom3Waxa kale oo iyana halkaasi ka hadlay maamulaha Shirkadda Telesom ee gobolka Togdheer Maxamuud X. Ibraahim Cali Mahdi Madax suugaynta Gobolka Togdheer iyo masuuliyiin kale oo kala socday Shirkadaha Ganacsiga gobolka Togdheer ,sida Warshadda Ilays ee saabuunta ,biyaha iyo laydhka waxaaney dhamaantood hoosta ka xariiqeen faa’idada ay bulshada u leeyihiin adeegyadani iyo baahiyaha loo qabay .

Geesta kale masuuliyiinta Shirkadda Telesom ayaa xadhigga ka jaray laba xarumood ay ka furteen xaafadaha Lafoolaydda iyo Hodan ee magaalada Burco ,kuwaasi oo lagu kordhiyay xarumaha Shirkadda Telesom ee magaalada Burco.

SOMALILANDPOST.NET/Burco

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories