HomeBurco: Shirka 8aad ee Golaha Dhexe ee Kulmiye oo Lagu Doortay Hoggaanka...

Burco: Shirka 8aad ee Golaha Dhexe ee Kulmiye oo Lagu Doortay Hoggaanka Sare iyo Murashaxiinta Xisbiga

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Hargeysa (SLpost)- Shirka 8aad ee Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye, ayaa maanta lagu soo gebo-gabeeyey magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer, waxaana shirka lagu doortay hoggaanka sare iyo murashaxiinta madaxtooyada.

Shirka Golaha Dhexe ee Kulmiye oo Axaddii shalay oo ku beeganayd 20-ka August, 2023 ka furmay Burco, waxa si rasmi xilkii guddoomiyenimada ee xisbiga uga dagay madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi oo muddo toban sanno ka badan soo hoggaaminayey Kulmiye, waxaana xilka Guddoomiyaha Xisbiga loo doortay Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo hore uu ahaa guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Xisbiga Kulmiye.

Guddoomiyaha cusub ee xisbiga loo doortay Mudane Maxamed Kaahin Axmed ayaa xubnaha golaha dhexe ee xisbia KULMIYE ugaga mahadnaqay kalsoonida ay codkooda ku siiyeen, waxaanu sheegay in xisbiga Kulmye yahay xisbi Dimuqraaddi ah oo kaalin mug leh ka qaatay qarannimadam muddadii uu talada hayeyna horumar ballaadhan dalka ka hirgeliyey.

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu caddeeyey muhiimadda ay leedahay in hoggaaminta xisbiga dhiig cusub lagu shubo, isaga oo taageerayaasha xisbiga iyo xubnaha kale ee hoggaanka ahba uga mahadnaqay sida xilkasnimada leh ee ay ula soo shaqeeyeen muddadii uu hoggaaminayey xisbiga guunka ah ee KULMIYE.

Xilka Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Xisbiga Kulmiye oo ay u sharraxnaayeen Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Maxamed Aadan Ilkacase, ayaa lagu doortay cod gacan-taag ah oo ay xubnaha Golaha Dhexe xisbigu ugu kala codeeyeen labada murashax. Waxaana booskaas ku guulaystay Cabdicasiis Maxamed Samaale oo helay 168 cod halka Maxamed Aadan Ilkacase ka helay 55 cod, waxaana ka aamusay 27 Qof.

Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Maxamed Cilmi Aadan oo Hadallo ka jeediyey Shirka, ayaa u mahad-naqay xubnaha golaha dhexe ee xisbiga waxana ay caddeeyeen in tartar xor ahi uu goobta ka dhacay.

blankMadaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa mar kale loo doortay murashaxa Madaxweynaha ee xisbiga halka murashaxa madaxweyne ku-xigeenka loo doortay Wasiirka Ganacsiga iyo Dalxiiska Maxamuud Xasan Sacad Saajin.

Xilka Guddoomiye ku-xigeenka 2aad oo ku fadhiyo Axmed Cabdi Dheere, guddoomiye ku-xigeenka 3aad oo uu ku fadhiyo Xuseen Aadan Cadde iyo Guddoomiye ku-xigeenka 4aad oo ah Wasiirka Ganacsiga iyo Dalxiiska Maxamuud Xasan Sacad Saajin iyo Xoghayaha Guud ee Xisbiga, ayaanay cidi ku tartamin.

Waxa Xusid mudan in Shirka 8aad ee Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE wax lagaga beddelay qodobka Xeerka Xisbiga ee ku saabsan hannaanka doorashada XOGHAYAHA guud oo markii hore ku iman jiray magacaabis, waxaana laga dhigay doorasho toos ah.

Gunaanadkii shirka waxa shirka lagu ansixiyey Xubnaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye oo tiradoodu dhan tahay 361 xubnood.

Qaabkii ay u dhacday Doorashada Hoggaanka Sare iyo Murashaxiinta Xisbiga Kulmiye

https://www.facebook.com/KULMIYE/videos/291169510316235

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories