HomeBurco: Maxadka Faafinta Islaamka oo kulan Diimeed u qabtay...

Burco: Maxadka Faafinta Islaamka oo kulan Diimeed u qabtay 150 Arday

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Burco (SLpost)- Maxadka Faafinta Islaamka oo ka shaqeeya Arrimaha Baraarujinta Diinta, ayaa kulan-diimeed u qabtay 150 Arday oo kala socday Dugsiyada Sare ee ku yaala magaalada Burco.

Kulan Diimeedkan oo ku qabsoomay Hotel Barwaaqo ee magaalada Burco, waxa uu ku saabsanaa sidii ardayda loogu tabin lahaa fahamka saxda ah ee diinta Islaamku ka qabto tahriibka, Waalid-inkaarimada, adeecidda macalinka iyo is-qarxinta

blankKulan waxa ka qayb-galay Guddoomiyaha  Maxadka Faafinta Islaamka Sheekh Maxamed Cabdi Yuusuf (Mooge),Wakiilka Maxadka ee Gobolka Sanaag Sheekh Cawil Faatax  Shirre, Wakiilka Maxadka ee Gobolka Saaxil  Sheekh Saleebaan   Siciid   Cali,  Macalimiinta iyo Ardayda Dugsiyada   afar  ka mid ah dugsiyada  Sare ee  Burco.

Sh. Maxamed  Cabdi  Yuusuf  oo  Gudoomiyaha Maxadka  faafinta  Islaamka  oo   kulankaasi  ka hadlay  ayaa  ka warbixiyay  hawlaha  maxadkoodu   ku qabto     iyo  waxyaalaha  ay ka wacyigaliyaan     dhalinyarada  isagoo  arintaasi  faahfaahinaya  waxa uu yidhi “ Waxaanu  dhalinyarada  ka wacyigalinaa  Tahriibka , Isqarxinta  iyo  Waalid inkaarnimada, waxaana  ugu  sii daran  waalid inkaarka , waayo  haddii  aanu  waalid inkaar  ahayn   muu tahriibaaeen oo  naftiisa  badaha  kuma haligeen   , oo   ma qarxiyeen naftiisa  oo  ,sidaas  awgeed  waa  in  laga fogaadaa  waalid   inkaarnimada  oo  la adeeca   waalidka .” Ayuu  yidhi.

Sh. Saleebaan   Siciid  Cali  ,ayaa   kulankaa  maxaadarada   si weyn ugu    iftiimiyay       in diinteenu  xaaratimaysay  in  qof binu- aadam ah   la daadiyo  dhiigiisa,   ilaahayna  aanu  banyan, ciddii  samaysaaana      tahay  ehlu naar. Waxa  kale  oo  Sh. Saleebaan    intaas   raaciyay   in dhalinyarada  looga baahan   yahay     inay   raacaan  jidka suuban  ee  ilaahay  inoo jideeyay  kana  fogaadaan wax kasta oo  halis  galinaya  naftooda.

blankSh. Cawil   Faatax   oo  ka hadlay  kulankaasii  ayaa  isaguna  ka jeediyay   wacdi   ku saabsan  halista  ay  leedahay  tahriibtu   iyo is qarxintu,   loogana  baahan  yahay   dhaliyarada   in  ka  fogaadaan   wax kasta  oo  ilaahay   inaga xaaran timeeyay.

Ardaydii    ka  qaybgashay    muxaadaradan  ayaa  su, aalo   ku saabsan mawduuca  laga  hadlayay   waydiiyay   culimadii,   sidoo  kalena   culimadiina  si  wanaagsan  oo qancisay  ardaydii  ayay  uga jawaabeen.

Waa  markii  u horeysay  ee muxaadiro  noocan  oo  kale  ah loo  qabto   ardayda  dugsiyada  sare  ee  Burco.

SLpost News Desk

Burco Office

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories