HomeBURCO: Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland oo Xadhigga ka jaray KAWAAN Casri ah (SAWIRRO)

BURCO: Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland oo Xadhigga ka jaray KAWAAN Casri ah (SAWIRRO)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Burco (SLpost)- Madaxwayne ku Xigeenka Somaliland  Md Cabdiraxman Cabdilaahi Ismaacil (Saylici), ayaa maanta Xadhigga ka Jaray Kawaan Cusub oo hab Casri ah loo dhisay, kaas laga hirgeliyey Gudaha Magaalada Burco.
Kawaankan oo Hab-casri ah loo dhisay, loona qalabeeyey, dhismihiisuna socday Muddo sannad iyo Badh ah, ayaa sida la sheegay waxa ku baxay Adduun lacageed oo gaadhaya $1,700,000 (Hal Milyan iyo Todoba Boqol oo Kun) oo ay bixisay hay’adda Cuntada iyo Beeraha ee FOA, waxaanu noqonayaa Kawaankii labaad ee Noociisa laga sameeyo Dalka, marka laga yimaaddo magaalada Hargeysa oo dhowr sanno ka hor laga hirgeliyey Kawaankan oo kale.

KawaankaMunaasibad ballaadhan oo loo sameeyey xadhig-ka-jarista Kawaankan, ayaa waxa ka soo qayb-galay Wasiirrada Wasaaradaha Beeraha, Xannaanadaha Xoolaha, maamulka degmada iyo Kan Gobolka Togdheer, Masuuliyiin kale iyo Marti-sharaf kale oo isugu jirtay Madax-dhaqameed iyo dadweyne Kale.

kawaanka2Ugu Horayn, waxa Munaasibadaasi ka hadlay Maayarka Degmada Burco Maxamed Yuusuf Cabdi (Muraad) oo Sharaxaad ka bixiyay Qaabka uu u dhisan Yahay Kawaankan iyo sida uu u shaqayn doono waxanuu yidhi,  Waxaan la Wareegaynaa Kawaan Casri ah Oo Lagu Qali-Doono Xoolaha Nool Oo ay Dhistay Haayada Calamiga ah Ee FOA. Runtii aad iyo aad ayaanu uga Mahad-celinaynaa Kawaankani Casriga ah,waxaan Cadaynayaa inuu Kawaankani yahay midka Ugu Casrisan Kawaanada ka Jira Somaliland, dawlad Hoose ahaana Waxaanu Diyaar u Nahay in Aanu Dhankayaga ka Howlgalno Sidii Uu Kawaankani u Noqon-Lahaa Mid Caalamiya.”

 Madaxwayne ku xigeenka  Somaliland Cabdiraxman Cabdilahi Ismaaciil (Saylici) oo xadhig ka jarista ka dib ka hadlay munaasibadaas, ayaa bulshada u soo jeediyey in ay ka faa`idaystaan kawaankan cusub ee loo dhisay isla markaana ay ilaashadaan.

kawaanka burcoWaxa kale oo munaasibadda ka hadlay wasiirka Xanaanada Xoolaha Dr Cabdi aw-Daahir, Guddoomiyaha Gobolka Togdheer Axmed Cumar X. Cabdilaahi iyo masuuliyiin ku hadlayey masgaca hay`ado gacan ka gaystay dhismaha kawaankan casriga ah, kuwaas oo dhammaantood ku dheeraaday dariiqii dheeraa ee loo maray hirgelinta dhismaha Kawaanka iyo muhiimadda uu u leeyahay caafimaadka iyo daryeelka hilibka.

kawaanka3 kawaanka4 kawaanka5 kawaanka6

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories