HomeBurco: Madaxweynaha Somaliland oo Xadhigga Ka-jaray Mashaariic laga hirgaliyey Caasimadda Togdheer

Burco: Madaxweynaha Somaliland oo Xadhigga Ka-jaray Mashaariic laga hirgaliyey Caasimadda Togdheer

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi oo maalintii labaad hawlo shaqo ugu sugan gobolka Togdheer, ayaa maanta kormeeray mashaariic kala duwan oo laga fuliyey gudaha magaalada Burco, isaga oo sidoo kalena xadhigga ka jaray dhismeyaal casri ah oo laga hirgeliyey goobo muhiim u ah adeegga dadweynaha reer Burco.

Madaxweynaha oo ay wehelinayaan xubno kamid ah weftiga uu hoggaaminayo, ayaa kormeeray qaar kamid ah xarumaha muhiimka ah ee xukuumaddu ku leedahay magaalada Burco oo ay kamid yihiin xafiiska guddoomiyaha gobolka, dawladda hoose ee Burco, xafiisyada wasaaradaha waxbarashada iyo horumarinta maaliyadda, cusbitaalka guud ee Burco, xarunta wakaaladda Biyaha ee Burco iyo goob ganacsiyeed casri ah oo laga hirgeliyey gudaha magaalada Burco oo ay maalgashadeen ganacsato reer Somaliland ahi, waxana uu u kuurgalay hannaanka ay bulshada ugu adeegaan xafiisyada dawladda ee magaaladu, isaga oo warbixin ka dhegaystay masuuliyiinta qaranka u qaabilsan xarumahaas oo madaxweynaha iyo weftigiisa halkaas kusoo dhaweeyey.

blankMasuuliyiinta xarumaha uu madaxweynuhu booqday, ayaa ka warbixiyey shaqooyinka maalinlaha ah ee ay bulshada u hayaan, qorshahooda mustaqbal iyo caqabadaha deriska la ah, waxana ay madaxweynaha ugaga mahadnaqeen taageerada niyadsamida leh ee uu la garab taagan yahay, isaga oo madaxweynuhuna dhinaciisa ku dhiirrigeliyey masuuliyiinta inay sii laban-laabaan shaqada ay bulshada u hayaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa masuuliyiinta xafiisyada uu kormeeray ku ammaanay hawsha adag ee ay qaranka u hayaan iyo sida ay xilka isaga saareen inay hawlaha qaranku si hufan u fulaan, waxana isaga oo arrintaas ka hadlaya uu yidhi,“Aad baan idiinku bogaadinayaa hawsha ay ku dheehan tahay cilmigu iyo xoogga dhallinyarada ah ee aad keenteen, ummadduna way idiinka mahadnaqaynaa, annaguna wixii hawl ah madaxweyne, wasiir iyo gobolba waannu idin garab taagannahay, qofkii shaqaynayana waannu ku qasbanahay inaannu garab galno.”

Kormeerka madaxweynaha iyo xubnaha weftigiisu ku sameeyeen xarumaha dawladda, waxa ku lammaanaa xadhig-ka-jaris uu madaxweynuhu ku sameeyey dhismeyaal cusub oo lagu soo kordhiyey xarunta wakaallada biyaha Burco, cusbitaalka guud ee Burco iyo xarun-ganacsiyeedka casriga ah ee Daara-salaam Mall.

Intii ay madaxweynaha iyo xubnaha weftigiisu ku gudo jireen hawlahooda kormeerka iyo xadhig-ka-jarista, waxa shaaricyada waaweyn ee magaalada Burco kusoo dhaweynayey qaybaha kala duwan ee bulshada reer Burco, kuwaas oo muujiyey taageerada ay u hayaan madaxweynaha iyo xukuumadda uu hoggaamiyo.

 

blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank

blank

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories