HomeBurco: Guddoomiyaha KULMIYE oo Taakulo Lacageed oo Dhan $70,000 ku Wareejiyey Wasaaradda...

Burco: Guddoomiyaha KULMIYE oo Taakulo Lacageed oo Dhan $70,000 ku Wareejiyey Wasaaradda Caafimaadka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Xukuumadda oo 270 kartoon oo dawooyin kayd ah ku wareejisay bahda Caafimaadka Togdheer + weftiga oo booqday cusbitaalka iyo xabsiga Burco

Burco (SLpost)- Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi oo isaga iyo wefti uu hoggaaminayaa ku sugan yihiin magaalada Burco, ayaa taakulo lacageed oo qadarkeedu dhan yahay $70,000 (toddobaatan kun oo dollar) ah ku wareejiyey madaxda Wasaaradda Caafimaadka, iyadoo xukuumadduna 270 kartoon oo dawo kayd ah wareejisay si ay qayb uga noqoto gurmadka xakamaynta xannuunka Shuban-biyoodka.

museGuddoomiye Muuse Biixi oo isaga weftigiisa oo ay ka mid yihiin wasiirro xukuumadda ka tirsan, ayaa maanta booqday dhawr goobood oo ay ka mid yihiin Cusbitaalka guud ee magaalada Burco iyo Xabsiga magaalada Burco iyo goobta uu ka socdo dhismah Xabsiga cusub ee Burco, kuwaas oo ay warbixinno kaga dhegaysteen madaxda maamusha.

Murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi iyo masuuliyiinta wehelinaysa oo booqday Cusbitaalka Guud ee Burco waxa khudbada uu halkaasi ka jeediyey kaga dhawaaqay in xisbiga KULMIYE ee haya talada dalka iyo xukuumaddiisu ay awoodooda oo dhan isugu gaynayaan la-dagaalanka cudurka Shuban-biyoodka, isla markaana waxa uu ku wareejiyey Wasiirka Caafimaadka taakulo lacageed oo dhan toddobaatan kun oo dollar $70.000 ay ugu talogaeen gurmadka xannuunkan.

“Halkan annagu xisbi ahaan tabaruc baanu keenay ah qaadhaan ay soo ururiyeen dad KULMIYE ka mid ah iyo taageerayaashiisa oo shanta qaaradoodba iyo gudahaba ka kooban oo ashkhas iyo ururraba leh, lacag ay soo ururiyeen baanu u sidnaa halkan oo lagu taageerayo gurmadka loogu jiro la-dagaalanka Shuban-biyoodka Burco, markaa maanta waxaan ku wareejinaynaa Wasiirka Caafimaadka jeeg ah $70,000 (toddobaatan kun oo dollar ah,” ayuu yidhi Md. Muuse Biixi.

Sidoo kale, Wasiirka Madaxtooyada Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa isaguna madasha ku wareejiyey 270 kartoon oo daawooyin ay bixisay xukuumaddu oo ay ugu talogasheen talogashay inay kayd u noqoto dadaalka lagula tacaalayo xannuunka Shuban-biyoodka, waxaannu yidhi “Waanu bogaadinayaa xisbiga KULMIYE qaadhaankan uu ku wereejiyey Wasaaradda Caafimaadka lacagtaa waxa lagu isticimaali doonaa gunnooyinka hawl-wadeena shaqaynaya habeen iyo maalinba ayaa loo adeegsanyaa, laba bilood masaaniyadood ayey soo gudbiyeen, kharashkaas ayaa ka daboolaya hawshan, waanu ku bogaadinayaa xisbiga KULMIYE iyo Guddoomiye Muuse Biixi. Waxa kale oo aannu halkan Wasaarada Caafimaadka kaga wareejinayaa 270 kortoon oo dawo iyo qalab ka kooban oo aannu xukuumad ahaan gobolkan aannu u keenay si aanu xaaladda gurmadkan ay qayb ugu noqoto.”

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Xaglo-toosiye, ayaa sheegay inay ka wasaarad ahaan gurmad xoog leh ka galeen sidii aannu xannuunku u faafi lahayn, waxaannu si wayn ugu bogaadiyay xisbiga KULMIYE iyo xukuumadda ka qayb qaadashada gurmadka la-dagaalanka Shuban-biyoodka ee Burco.

Dhinaca kale, Madaxda KULMIYE iyo xukuumadda oo kormeeray Xabsiga Burco oo ay ku jiraan maxaabiis koobani iyo dhismaha xabsi cusub oo la dhisayo, ayaa warbixin ay ka dhegaysteen Taliyaha Xabsiga waxa uu sheegay in maxaabiistii uu soo ritay cudurka Shuban-biyoodku ay intoodii badnayd ka kaceen xannuunkaasi marka laga reebo 11 maxbuus oo ay weli daawayntu u socoto.

Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada oo ka mid ah Weftiga ayaa sheegay inay xukuumadda ahaan ay dhamaystirayaan xabsiga cusub ee Burco oo lagu talogalay inuu qaado maxaabiis tiro badan waxaanu yidhi, “Mashruucan xabisga dhaxe ee magaalda Burco oo ah halkan waxa ku baxaya Hal milyan iyo shan boqol oo kun oo doolar ($1, 500, 000), xukuumadda Somaliland ayaa fulinaysa, lacagtaa qayb ayaa la bixiyey, qaybta kalena hadda waa la bixinayaa, shirkaddiina gacanta ayey ku haysaa, ma jiro jeel istaagay, waxaannu beeninaynaa in dhisme istaagay uu jiro, waxaan u mahadcelinayaa shirkada Al-Baraka oo runtii xoog saartay, waa shirkad caan ku ah dhismayaasha, waana kaa socda. Waxaan maqlayey iyadoo la leeyahay jeelkii wuu istaagay, xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo meelna dhagax ma dhigo, haddaanu dhignana waanu dhisnaa.”

Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Marwo Samsam Cabdi Aadan, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay warar sheegaya inuu hakaday dhismaha xabsiga cusub ee Burco, iyada oo sheegtay inay Wasaaradda Maaliyaddu diyaarisay lacagta ku baxaysa dhismaha Xabsiga.

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories