HomeBurco: Dhimasho iyo Dhaawac ka dhashay Isku-dhac Dhalinyaro Dhexmaray

Burco: Dhimasho iyo Dhaawac ka dhashay Isku-dhac Dhalinyaro Dhexmaray

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

 

Burco (SLpost)- Ugu yaraan hal qof, ayaa ku dhintay Afar ruux oo kalena way ku dhaawacmeen rasaas ka dhacday garoonka Ciyaaraha ee Alamsay ee magaalada Burco oo ay Ciyaar Kubadda Cagta ahi laba Kooxood ku dhex-maraysay, iyagoo ay goob-joog ka ahaayeen Wasiirrada Dhalinyarada iyo Horumarinta Maaliyadda Somaliland.

blank
Garoonka Kubadda Cagta ee Alamsey ee magaalada Burco

Isku Dhac Dhimasho iyo Dhaawac Sababay oo dhex-maray taageerayaasha iyo kooxaha ciyaarayey, ayaa galabta gabbal-dhicii ka dhacay garoonka Alamsay ee magaalada Burco ee Xarunta gobolka Togdheer, iyadoo labada kooxood ka mid ahaayeen kooxaha ku ciyaarayey koob dhawaantanba ka socday garoonkaas oo kooxo badani ku tartamayeen.

Halka Qof ee dhintay, ayaa ah Askari ka tirsanaa Ciidamada Booliska Somaliland, halka ay saddexda Qof ee dhaawacmayna kala yihiin; Taliyaha Saldhigga Booliska Burco, Askari kale iyo laba Ruux oo Shacab ah.

Ciidammada Ammaanka, Masuuliyiinta heer gobol iyo degmo midkoodna war faahfaahsan kama soo saarin illaa hadda dhacdadaas ka dib markii ay iska horyimaaddeen Taageerayaasha laba Kooxood oo Tartan Kubadda Cagta ah wada ciyaarayey.

Hase-yeeshee, Wararka laga helayo Weriyeyaasha ku sugan magaalada Burco, rasaasta ayaa la sheegay inay rideen ciidamada Ammaanka ee garoonka ku sugnaa iyadoo sidoo kale ay garoonka goob-joog ku ahaayeen Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Boos Mire iyo Wasiirka Horumarinta Maaliyadda Sacad Cali Shire.

Somalilandpost.net
Somalilandpost@live.com
Hargeysa/Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories