HomeBURCO: Ciidamada Ammaanka oo Digniin u jeediyey Shacabka magaalada

BURCO: Ciidamada Ammaanka oo Digniin u jeediyey Shacabka magaalada

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Dadweynaha ku dhaqan Caasimadda gobolka Togdheer ee Burco, ayaa lagu soo rogay amar ka mamnuucaya inay qaadashada Tooreyda ama Mindida la qaado oo magaaladaas si weyn loogu yaqaano inay dadka ku dhaqani isticmaalaan.

Taliyaha Qaybta Booliska ee gobolka Togdheer Cabdi Muuse Cabdilaahi oo ka warbixiyey xaaladda nabadgelyo ee gobolka, ayaa dadweynaha gobolkaas ugu baaqay inay ciidanka booliska kala shaqeeyaan nabad-gelyada, waxaanu digniin ugu diray dadka isticmaala Tooreyda inay ka waan-toobeen qaadashadeeda.

TOOREYTaliyuhu waxa uu sheegay inay qorshe cad oo lagu xakamaynayo isticmaalka Mindiyaha ay ciidan-boolis ahaan hirgelinayaan, isaga oo sheegay inay tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadayaan cid kasta oo lagu qabto iyaga oo sita Toorreyda.

Taliyaha oo ugu horeyn ka warbixinayey xaaladda ammaanka ee gobolka, waxa uu yidhi, ”Guud ahaan xaalada Guud ee nabadgelyada Gobolku waa caadi wax dhibaato ah oo hada ka jiraa ma jirto, dil Aroos ka dhacay oo duleedka magaalada ah baa ugu danbeeyay kiina wuu dhamaaday oo waa la keenay ninkii gacan ku dhiiglaha ahaa. dilalka gobolkan ka dhacaa badankooda waxa keena isku dhac shakhsi oo is af dhaaf ah iyo dhul laysku qabsado ee ma aha dilal qorshaysan oo cidi-cid ku duusho, dadwaynuhuna aad buu noogala shaqeeyaa nabadgelyada. Hadana waxaan ugu baaqayaa inay si ka badan noogala shaqeeyaan oo wixii ay qoonsadaan nala soo socodsiiyaan.”

Taliyaha oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi, “Berigii hore tooriyaha dalka ayaa lagu samayn jiray, hadase dibadaa laga keenaa iyagoo soodhadh ah, waxaanan u sheegayaa in dadka tooriyaha sitaa ay iska dhigaan oo aan suuqa lala marin oo lagu qaadan. Waxaan leeyahay waanu qabqabanaynaa, waan ururinaynaa sharcigaanan ku taagaynaa ciddii lagu qabto, sidaanu qoriga ula dagaalamayno ayaanu ula dagaalamaynaa soodhadka.”

Magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, ayaa dadweynaha ku dhaqani, gaar ahaan ragga, si xooggan u isticmaalaan Tooreyda oo khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira loogu geysto dadka, taas oo timaadda xilliyada ay isku dhacaan laba qof ama qof ku weerara qof kale.

SOMALILANDPOST.NET

 

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories