HomeBurco: 76 Qof oo Isu-diiwaangeliyey ka-qayb-galka Saamiga Shirkadda Pontus Marine oo maal-gashi...

Burco: 76 Qof oo Isu-diiwaangeliyey ka-qayb-galka Saamiga Shirkadda Pontus Marine oo maal-gashi ku samaynaysa Wax soo-saarka Kalluumaysiga

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Burco (SLpost)- Shirkad ka shaqayn Doonta ka ganacsiga kalluunka oo magaceedu yahay Pontus Marine, ayaa caawa Kulan Balaadhan ku qabtay Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer gaar ahaana Hotel Barwaaqo, kulankaas oo ay ka soo qaybgalay Masuuliyiin Xukumada Somaliland ka tirsan iyo Aqoonyahano, dadweyne, Ganacsato, iyo Maamulka Shirkadaasi.

Kulankan ayaa markii hadalo ku saabsan Ujeedada shirkadan iyo Sida loo maalgashano laga jeediyey, ayaa waxa is diwaan-galiyey oo sheegay in ay doonayaan in saamiyo ku yeeshan 76 Qof oo ka soo jeeda gobola Togdheer.

Shirkadan oo ah nooca Saamileyda oo la sheegay in maalgalinteedu ku bixidoonto $5 Milyan oo dollar, isa markaana ay ka qayb galikara qof kasta oo reer Somaliland haddii uu dalka gudihiisa ama Dibadiisa joogo, saamiga ugu yarna waxa lagu sheegay in uu yahay 500 oo dollar.

Saamiga shirkadda (1)Sidaasi waxa sheegay Maamulaha Guud ee Shirkadaasi Pontus Marine Axmed Abokor waxaanu xusay in maalgalintani tahay mid macno weyn ugu fadhida Jamhuuriyadda Somaliland, isaga oo sheegay in shaqo abuurna u sameynayso illaa dad ka badan 400 oo qof.

Waxa kale oo uu u mahad celiyey dadka Reer Burco sida quruxda Badan ee ay u doonayan in ay uga qaybqaatan Maalgashiga dalkooda, isaga oo Xusay in tirada dadka is diwaangaliyey ay rajo weyn ku abuurayso, waxaanu xusay in dadku waxa wada lahaadan ay tahay mid muhiim ah.

Maamulaha shirkadaasi Axmed Abokor oo ugu horeyn ka hadlaya Hawlaha kala Duwan ee shirkadu qabandoonto waxaa uu yidhi. “Shirkada Kaluunka Pontus Marine waa shirkad ka hawlgalidoonta Somaliland, lakiin ka diwaangashan dalka UK, lakiin waaxanu imika ku guddo jirnaa siddii Somaliland uga diwaan galin lahayn, shirkadana waxa ku bahoobay khubaro caalami ah kuwaasi oo khabiiro ku ah dhinaca dhaqaalaha, ka faa’ideysiga khayraadka badaha, Suuq geynta kaluunka, iyo xidhiidhada caalamiga ahba, waxa kale oo ka hawlgali doona dadweynaha Somaliland, waxa kale oo aynu doonaynaa in kaluunkeenu uu suuqyada caalamka kula baratano Kaluunka kale, shirkadana waxa Guddomiye Guud ka ah Mr.Heleri Beligam waa wasiirkii xidhiidhka Afrika ee hore UK, isaga guddomiye ka ah, ”Ayuu yidhi Axmed Abokor.

Saamiga shirkaddaWaxa kale oo uu intaasi sii raaciyey, “Shirkadan kaluunka Waxa Xarumaheedu Noqon Doona Magaalooyinka Berbera iyo maydh, waxa kale oo ay shirkadu xafiisyo ka furanaysaa Magaalooyinka Hargeysa Berbera, burco, waxa kale oo hore Xarumo ugu lahayd UK Magaaloyin ka mid ah, iyo dalalka Maraykan iyo ustareeliya iyo carabta Shaqaalaha ka shaqayn Doona ugu yar waa 400 oo qof, runtii reer burcona ay ka qaybgalidoonan shaqaalahaasi, dhinaca saamilaydana waxa ka qayb gali kara qof kasta oo reer somaliland oo gudaha iyo dibadaba jooga lacagta ugu yar ee saamig ahan waa 500 oo dollar, halka qofka dibada joogana uu ugu yar tahay 1,000dollar, qof lacagta uu dhigtay macaashkeeda waxa uu halaya sanadka labbad ee uu lacagta dhigto, oo sanadka kowad ayaanu helan.”Ayuu yidhi.

Axmed Abokor waxa kale oo uu ka hadlay sharciyada kala duwan ee ay ku hawlgalayso shirakadu iyo sharaciyad au kala yaala qofka Saamilyed iyo shirkada waxaanu xusayn in sharci caalami ah uu u yaalo shirkada waxa lacag ah oo lumaysan anay jirin.

Dhanka kale waxa Iyaguna halkaasi ka hadlay Dadweynihii dopnayey in ay saamiyo ku yeeshan Shirkadaasi, kuwaas oo sheegay in ay soo dhaweynayaan shirkadan cusub, waxayna sheegen in burco tahay meel jecel in dadku wax wada lahaado oo dadka reer Somaliland isku Xidhmaan.

Munaasibaddan oo ay soo Qaban-qaabisay Guul-Group, ayaa nooceeda oo kale Berri lagu qaban-doonaa magaalada Berbera oo ay ka furanayso xafiiskeeda labaad halka 28 Bishan munaasibad kale oo lagu qaban doono Hotel Ambassador lagu shaacin doono furitaanka xafiiska saddexaad ee ay shirkadda Pontus Marine ku yeelanayso magaalada Hargeysa.

Somalilandpost.net/Burco

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories