HomeBulsho uu qof weliba xumeeyey intii itaalkiisa ahayd! - Qore: Maxamed Sharma'arke

Bulsho uu qof weliba xumeeyey intii itaalkiisa ahayd! – Qore: Maxamed Sharma’arke

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

maxamedJiritaanka bulshadu waxa uu ku dhisan yahay isku tiirsanaanta iyo is-taageeridda xubnaha kala duwan ee bulshada, kuwaas oo mid weliba uu kabniin u yahay midka kale, jiritaanka xubin welibana ay muhiim u tahay jiritaanka xubinta kale ee isla bulshadaas ka tirsan, halkaas oo ay ka unkamayso shabakad nololeed oo isku xidhan oo aanu ruuxna iskii isku taagi karin. Isla wakhtiga uu ogaalka qofku gaadho in ay noloshiisu ku xidhan tahay jiritaanka xubnaha kale ee bulshadiisa, ayaa ay garashadiisuna ku xambaaraysaa mas’uuliyadda ka saaran isla bulshadaas ay noloshiisu ku soohan tahay, halkaasna waxa ka unkamaysa lexejeclo iskeed ah oo qofka ku dirqiyaysa ilaalinta dhismahaas bulsheed ee nugul.

Haddaba, bulshadeenna maantu waa mid filkeed ka hadhay ugu yaraan boqol sanno, sababta ugu weynina waa iyada oo xubin weliba dayacday kaalintii ay bulshada ugu jirtay, iyada oo dayacaaddaas laga siman yahay wadaad iyo waranle ba. Masiibadu ma’aha dayacaad kaliya, balse waxa intaas dheer iyada oo xubin weliba kharribtay oo ay xumaysay intii itaalkeega ahaa ee ay xumayn karaysay. Looma kala hadhin in si siman loo dumiyo dhismahaas bulsheed ee khafiifka ah ee xuubka caaradana ka nugul. Bal eeg aqoonyahanka hungurigiisa addoonka u ah ee halkii ay aqoontiisu ka xallin lahayd dhibaatada bulshadiisa, nasiib-darro ay isla aqoontiisii abuurayso dhibaato hor leh iska dhaaf inay xal keento’e. Bal eeg ganacsadaha ummadiisa sumeeyey ee aan marna garanayn cidda ganacsigiisa macnaha u yeeshay inay tahay kuwa uu suntan ku gumaadayo. Bal eeg wadaadka diintii bahdilay ee ka dhigay hangoolka lagu danaysto. Bal eeg dhakhtarka wax uu daweeyo iska dhaaf’e, dadkiisii xanuunnada la garan waayey u keenay, bal eeg siyaasiga rajadii ummaddiisa xabaasha ku aasay, bal eeg Suldaanka aan waxba dhowranayn ee ma xishoodaha ah, bal eeg ragga aan xoolaha waxba dhaamin ee habeen iyo dharaar caleenta uun daaqaya, bal eeg hooyooyinka ubadkoogii dayacay, bal eeg dhallinyartan fasahaadday wiilal iyo gabdhaba, bal eeg… bal eeg.. bal eeg… adigu wad uun, oo miyaa la koobi karaaba. Intaas oo dhan udub-dhexaadka ay ku kulmaan ee ay wax walba oo qiimo lahaa u qiimo-tireen waa hunguri iyo danaysi kooban oo aan dhaafsanayn raalli-gelinta dareennada liita ee nafta! Ma jirto gees aad bulshada ka jalleecdo oo aan mawjado walaac ah kugu kicinayn, mana jirto kaalin bulsho oo aad indhaha la hesho oo aanad murugo ka sahayanayn! Wadarta dhacdooyinkaas marka la isku wada xooriyo, maxsuulkoogu waxa uu noqday in bulshadu sii ahaato mid filkeed iyo faceedba ka hadhay, oo aan marna ku fikirn inay hiigsato qayrkeed, nolosheeduna ay noqoto mid madhan, kaliyana ay geerida uun ku sugaan.

Marka la danaynayo in la helo is beddal bulsheed oo dhiig cusub abuura, isla jeerkaasna qaab nololeedkeenna wax weyn ka beddala ama ku kordhiya, waxa lama huraan ah in marka hore la isla garto isku xidhnaanta xubnaha kala duwan ee bulshada, xubin walbana loo qaabeeyo sida ugu toosan, uguna roon ee ay uga soo bixi lahayd kaalintaas ay bulshada ugu jirto iyada oo ilaalinaysa danaha guud ee bulshadu ay wadaagto, markaas oo kaliya ayaa la heli karaa bulsho guulaysatay, kana midho dhalisay ujeeddooyinkeega wadareed iyo kuwa gaar ahaaneedba. Dhinaca kalena, haddii uu qof weliba sii wado xumaynta waxa uu xumayn karo, bulshadaasi waxa ay halis u tahay inuu haleelo mawtal-qafle dabaylaha kala raaciya dhismaheega oo inba meel ka laliya!

Ugu dambayn, sida uu yidhi ninkii faylasuufka ahaa: “Lama arag boqortooyooyinkii waaweynaa ee dunida soo maray mid ay dumiyeen cadow dibadda kaga soo duulay, illaa iyo boqortooyadaasi uu iyada gudaheegu burburo”. Haddaba, haddii ay maanta dowladnimadeennu burburto, ma’aha mid uu shakhsi dumiyey ee waa mid aynaan u kala hadhin duminteeda oo aynu wadarteenba ka qayb qaadannay!

 

Qore: Maxamed Sharma’arke

Facebook.com/Maxamed Sharma’arke

sharmaake91@gmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories