HomeBulsho TV Oo Balaadhin Ku Sameeyay Baahintiisa Gobollada Galbeedka

Bulsho TV Oo Balaadhin Ku Sameeyay Baahintiisa Gobollada Galbeedka

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Hargeysa, (SLpost)- Xaflad balaadhan oo lagu daah furayay  telefishanka  Bulsho Tv oo baahintiisa ku soo kordhiyay   goboladda galbeedka ee Awdal iyo Gabiley   ayaa xalay lagu qabtay Hotel Imperial ee Caasimadda Hargeysa.Bulsho

Xafladaasi oo ay soo agaasimeen maamulka telefishanka Bulsho, ayaa waxaa   ka soo qayb galay masuuliyiin isugu jiray  xildhibaano, siyaasiyiin, culimo, madaxda TV-ga Bulsho iyo marti sharaf kale oo aad u badan.

Waxaana munaasibadaasi   lagu soo bandhigay Barnaamijyo muuqaal ah oo ka hadlayay  khayraadka kala duwan eek u duugan dalkan Somaliland, kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen  wax soo saarka Beeraha iyo ka faa’iidaysiga Kalluumaysiga.

Madaxa Barnaamijyadda iyo wacyi-gelinta ee Bulsho TV C/raxmaan Cismaan Cumar (C/raxmaan Xaaji),  oo xafladaasi hadal ka jeediyay ayaa ka waramay Taariikhda iyo maraaxilkii kala duwanaa ee uu soo maray telefishanka Bulsho Tv, oo markii hore baahintiisu ay ku koobnayd  caasimadda Hargaysa oo keliya, hase yeeshee ay imika bilaabeen in baahinta Bulsho TV  laga daawan karro  magaalooyinka Boorama iyo Gabiley.

Waxaanu  sheegay inay Tvga ay ku xidhan yihiin Nus Malyuun dhallinyaro ah oo ku dhaqan Gobolada Maroodi-jeex, Awdal, Gabiley iyo Togdheer kuwaasi oo Tvga kala socda Ciyaaraha Caalamiga ah ee Adduunka.

Waxa kale oo isna halkaasi  ka hadlay Sheekh Maxamed Macalin Cabdi Carab,  oo ka mid ah Culimadda  TV-ga ka jeediya Barnaamijyadda Diiniga ah, waxaanu  Bulsho Tv ku ammaanay inay kaalin muuqata ku leeyihiin Telefishanada Dalka gaar ahaan baahinta Barnaamijyada Diiniga ah sida Tafsiirka Quraanka Kariimka ee Sheekh Dirir iyo Siirada Rasuulkeenii Suubanaa (NNKHA) ee Sheekh Aaden Siiro.

Xildhibaan Axmed-yaasiin Sh.Cali Ayaanle iyo Xildhibaan Bashiir Tukaale oo ka mid ah Golaha Wakiilada S/land, iyagoo Madasha ka xusay in Bulsho Tv uu saamayn ku saamayn balaadhan ku yeeshay Gobolada Gabiley iyo Awdal oo iyaga laga soo doortay.

Munaasibadan ayaa intii ay socotay waxa lagu soo bandhigay Toban Documentary oo ku saabsanaa Beeraha, Kalluumaysiga iyo Shaqo-abuurka Dhallinyarada Somaliland. Barnaamijyadaasi oo dhawaan laga baahin doono qaar ka mid ah Tvyada Dalka, sida Tvga Qaranka, Bulsho Tv iyo Kalsan Tv.

Guddoomiyaha Ururka Saxafiyiinta SOLJA, Maxamuud Cabdi Jaamac “Xuuto” oo isaguna ka mid ahaa Masuuliyiintii halkaasi hadalka ka jeediyey ayaa Bulsho Tv ku ammaanay mudada kooban ee uu jiray iyo dedaalka badan ee uu muujiyey.

Waxaanu yidhi  “Laga soo bilaabo 2010 ilaa maanta oo Shan sano ah wuxu Tvgu sammeeyey Horumar balaadhan”.

Gabagabadii, waxa Xafladaasi  ka hadlay Agaasimaha guud ee Bulsho Tv C/rashiid Nuur Wacays,  isagoo si wayn ugu Mahadnaqay Bulshada ku xidhan Bulsho Tv ee ay ka mid yihiin ganacsatada, dhallinyarada iyo Haweenka.

Agaasime C/rashiid Nuur Wacays ayaa sidoo kale wuxu xusay inta aan Sannadkani dhammaan ay ku hawlan yihiin balaadhinta Tvga loona gaadhsiin lahaa baahintiisa guud ahaanba Dalka S/land.

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories