HomeBulshadu ha ka Digtoonaato Wararka Been-abuurka ah ee ay Faafiyaan Dadka Faasiqiinta...

Bulshadu ha ka Digtoonaato Wararka Been-abuurka ah ee ay Faafiyaan Dadka Faasiqiinta ah

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

blankIlaahay (SWT) ayaa inooga digay wararka ay faafiyaan dadka faasiqiinta ah ee been-abuurka badan, iyadoo ay dhibaato ka dhici karto haddii ay bulshadu si dhib yar u rumaysato warka uu sido qofka faasiqa ah, waxaannu Ilaahay arrintan si gaar ah ugaga hadlay aayadda 6-aad ee suuradda Xujuraat ee qur’aanka kariimka ah, taasoo nuxur ahaan macnaheedu u dhigan yahay sidan;

“Kuwa xaqqa rumeeyoow haddii uu mid faasiq ahi idiin keeno war iska hubiya, si aydaan cid u dhibaatayn ciddaas oo aan garanayn waxa lagu dhibaataynayo idinkuna aydaan ka war qabbin arrintan, haddii aad arrintaas samaysaana aad noqotaan kuwo ka qoomamayna waxaad samayseen.”

Aayaddani qur’aanka kariimka ah ayaa mid wax-ku-qaadasho mudan,  isla markaasina ay waajib tahay in la iska hubiyo warkasta oo la faafiyo ama loo kala gudbiyo bulshada, maadaama ay xiligan casriga ah ee lagu jiro ay aad u badan yihiin wararka been-abuurka ah ee sida fudud la isugu diri karo bulsho walaalo ah oo meel ama degaan ku wada nool.

Haddaba, araartaydaas kadib, waxa aan jeclaystay in aan maqaalkan kooban kaga hadlo qodob maalmihii ugu dambeeyay hadal-hayn badani ka dhalatay, kaasoo nuxurkiisu ahaa

warqad been-abuura oo laga sameeyay Mashruuca Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF (Somaliland Development Fund), iyadoo sida aynu ka wada warqabno ay warqaddaas ku xardhanaayeen magacyada lixda gobol-doorasho ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland, taasoo Gobol kasta lagu muujiyey saamiga uu ka helay mashaariicda laga maalgeliyo Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF.

Warqaddan been-abuurka ah ee lagu faafiyey baraha bulshada (Social Media), ayaa abuurtay buuq iyo falan-qaynayay baraha bulshada iyo goobaha kala duwan ee bulshada kulmiya ee gudaha dalkani Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanna si hubsiimo la’aan ah qoraalkaas been-abuurka ah uga fal-celiyey  siyaasiiyiin iyo masuuliyiin kala duwan oo ka soo jeeda qaar ka mid ah Gobollada dalka, gaar ahaan Gobolka Togdheer, kuwaasoo si isdaba joog ah uga soo muuqday telefiishannada madaxabannaan ee dalka, waxayna dulucda guud ee fal-celintaasi ka soo yeedhay masuuliyiintaasi ay ahayd; “ma aqbalayno saamiga aannu ka helnay Sadnuuqa SDF, kumana qanacsanin gobol ahaan.”

Sidoo kale, waxa iyaguna afka furtay inta aragtida dhaw ee baraha bulshada (social media) wax ku qora, iyagoo warqaddaasi been-abuurka ah meel kasta ku faafiyay, isla markaasina ku lifaaqay hadallo deel-qaaf ah iyo qoraalo aanay u meel dayin oo ka dhan ah masuuliyiinta dowladda ee gacanta ku haysa maamulidda mashruuca Sanduuqa SDF, waxaanan leeyahay waxa ay arrintaasi ka dhigan tahay uun; “nin wayn oo hadal ka dhacay waa geed qolofi ka dhacday.”

Haddaba, isku soo wada duub oo cid kasta oo samaysay warqaddani gacan-ku-rimiska ah ee sida been-abuurka ah loo faafiyey kamay fikirin fal-celinta ka dhalan karta warqaddani iyo dhibaatada ay beentaasi ka dhex abuuri karto bulshada walaalaha ama dowladda iyo dadweynaha reer Somaliland, haddiiba aanay cidda waxaas faafisay ugu talogelin in si badheedh ah dhibaato looga dhex abuuro dadweynaha Somaliland.

Waxa xusid mudan in Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ay gabi ahaanba beenisay jiritaanka warkaasi been-abuurka ah, iyadoo uu Wasiirka Qorshaynta Qaranka Md. Xasan Maxamed Cali (Xasan Gaafaadhi) oo saxaafadda la hadlay uu sheegay in aanay shaxdaas la faafiyey ahayn wax jira oo xaqiiq ah, waxayna dowladdu sheegtay in diyaarinta mashaariicda SDF aan weli si buuxda loo dhammaystirin oo gacanta lagu hayo, sidaa darteedna aan xiligan la ogaan karin gobollada ama degaannada laga fulin doono mashaariicda ugu badan ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Haddaba, waxa aan jecelahay in bulshadu ka digtoonaato wararka aan xaqiiqda ku salaysnayn ee sida been-abuurka ah loogu faafinayo dadweynaha dhexdooda, ujeedaduna tahay in dadka la isku diro, dhexdoodana colaad iyo kala shaki lagu beero.

Allaah Mahad Leh

Qalinkii: Mustafe Cabdillaahi Cali

Hargeysa, Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories