HomeBulshadii Gobta ahayd Aaway?

Bulshadii Gobta ahayd Aaway?

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Asal ahaan dadka Soomaalida, inkastoo isha ay ka farcameen amma sooyaalkooda awoow ahaaneed aan si sax ah loo sugin oo taariikhyahannadu ku murmaan, sababtoo ah qaar waxa ay geliyaan Carab, qaarna waxaabay ka dhigaan in ay yihiin bulsho ka mid ah bulshooyinka qadiimiga ah. Haddaba bulshadan waxay lahayd dhaqanno u gaar ah oo gobnimo amma wanaag aad u qiimo badan muujiya..

11817129_873132889407999_8088943316353235105_n

Qofka u marti noqda reer Soomaali ah waligii kumuu qadin oo waxa ugu qiimaha badan ee qoyskaas leeyihiin baa lagu marti soora, balse hadda taas meesha waa ka baxday.

Boolida waxa loo yaqaan waxa cuni jiray dad yar oo la yaqaan, korkoodana ay ka muuqato, balse hadda dadka cuna iyaga ugu qurux badan oo ugu sharaf badan, halka markii hore takoor ay ku jireen.

Aqoontii nolosha caadiga ah ee keeni jirtay hal abuurka ay ka mid yihiin in dadku maacuuntooda gacanta ku samaystaan, gacantoodana cuntadooda iyo raashinkooda kula soo baxaan meesha way ka baxday, iska dhaafe findhicilka waa loo soo dhoofiya ummadda, iyadoo qodax iyo geedba dalka kabuuxo. Meesha waxa ka baxda hal-abuurnimadii.

Waxa jira dad kaabaanka gaadhiga loox ka samayn kara, dhirta kabo ka sameeya, cawo ka sameeya, guryaha ka dhisa, cid ka shaqaysiisa oo maskaxdooda kobcisa ilaa hadda ma hayaan.

Ninka aqoonta leh wuxuu ahaa nin bulshada ka tilmaaman oo lagu qadariyo waxa uu soo bartay, isna aan ku kibrin oo dadka ugu shaqeeya, lacag iyo hantina aan kaga urursan. Qofka lagu arko inuu camalkiisa hanti ku raadinaayo oo adduunyo jacayl ka muuqdana waxa loogu maahmaahi jiray; “Hebel waa nin Sooreed.” amma ‘Nin Soori kaa Qaaday waa nin Hunguri ka Qaada.’

Suugaan dhiidhigu gabyaaga, maansayahanka, xikmadyahanka, dhaqan yaqaanka, baar-cadaha, aftahanka, afarayda ka tiriya iyo inta kale ee suugaanta ka ag dhawi waxay aad caan ugu ahaayeen in ay danta ummadda iyo wixii marka jira ka hadlaan oo guubaabiyaan, hanti iyo hunguri toona kumay gebi jirin, balse hadda qofka cadhooda ee shillin u cadhooda, ka nacayb hayo iyo ka cabudhsan intuba waa dadka xikmada oo xikmadii baa dhinaca xun u qaloocsan tahay.

Siyaasadda waxa lagu yaqaanay in gaar ah oo dadku u haysteen, balse hadda waxa ay noqotay meel bahalo galeen u badan oo qof kasta oo doonaya inuu wax siyaasadeeyo (Khiyaameeyo) waa halka aan is leeyahay erayga Siyaasad wuu ka khaldamaybee wuu boolatiigaa.

Ganacsigu wuxuu ahaa mid la eego waxa dadku u baahan yahay iyo baahida jirta, si wixii gudaha yaalay aan loo cidhibtirin, balse hadda waxa aad mooda in ganacsatadu aanay waxba u aabbo yeelin badankoodo oo khayraadka dabiiciga ay cadaw ku yihiin iyo dadka danyarta ah ee halganka nololeed ku jira.

Gabadhaha marka la kala guursanaayo waxa lagu doonan jiray guri iyo goob maamuuskeeda iyo karaamadeeda la ilaaliyey, lamana dirqiyi jirin qofka ee wuxuu karo ayaa laga qaadi jiray, hadda nin aan hanti haysan ayaa inta uu haystay idilkeed maalin faraqaya, hadhawna waa la is eegaya ilayn wax la dhigtay iyo dhigaal ma jiree, guurkii gobnimada ahaana halkaas buu gun ku noqday inta badan.

Dhinaca xun inaan ka eego uma gol lihi, intaas aan soo sheegnay in la mid ah oo wanaag ah wuu jira, laakiin gobnimadii waxaad mooda in bohol madaw lagu riday.

Ibraahin Khadar Siciid

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories