HomeBulshada Oo Ka Dhur-sugaysa Natijada Kulanka Sabtida Ee Saddexda Murashax Iyo Guddida...

Bulshada Oo Ka Dhur-sugaysa Natijada Kulanka Sabtida Ee Saddexda Murashax Iyo Guddida Doorashooyinka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

(SL.Post) Waxa ay shacabka Somaliland si weyn ugu dheg taagayaan kulanka la filayo inay Sabtida isugu yimaadaan saddexda xisbi qaran iyo guddiga doorashooyinku, kaas oo muhiim u ah arrimaha qabsoomida doorashada madaxtooyada.

2016628636027268348700700dsc_0115

Kulanka oo ay ahayd inuu qabsoomo khamiista saadambe, ayaa Sabtida ugu dhacay guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo la filayo inuu khamiista dalka soo gaadho. Inkastoo aanu jirin war rasmi ah oo ku saabsan ujeedada kulankaas, haddana guddiga doorashada ayaa la saadaalinayaa inay madaxda tartamaysa u soo bandhigi doonaan natiijada uga soo baxday socdaal qiimayn ah oo ay ku tageen gobalada dalka, kaas oo ay ku soo ogaanayeen sida dadkii isdiiwaangeliyay goobahihii ay deganaayeen loogu gayn karo kaadhadhka cod bixinta doorashada.

Inkastoo aanay guddigu wax war ah ka soo saarin kormeerkoodaas, haddana dad badan ayaa saadaalinaya inay soo heleen xog cad oo tilmaamaysa in dad badan oo ka mid ah dadkii isdiiwaangeliyay ay abaartu ka hayaamisay deegaamadii laga diiwaangeliyay ee ay sharciyan tahay inay ka codeeyaan, iyadoo la ogyahay abaarta isa soo taraysa iyadoo jiilaalkii hadda lagu jiro maalmo kooban.

Saddexda guddoomiye xisbi qaran, ayaa markaas la saadaalinayaa inay go’aan ka qaadan doonaan in doorashadu qabsoomi karto iyo inaanay qabsoomi karin, waxaana suurtogal ah inay adkaato sida ay mawqif midaysan u qaataan, marka laga shidaal qaato kala fogaanshaha mawqifyadooda siyaasadeed iyo tartanka adag ee ka dhexeeya.

Haddii la isla garto in doorashadu dib uga dhacdo dabayaaqadda bisha March, waxa iyana adkaan doonta inay saddexdan murashax isku raacaan wakhtiga la kordhin karo, inkastoo ay golaha guurtidu awood distooriyan ah leeyihiin haddii la arko inaanay doorashadu qabsoomi karin.

Si kastaba ha ahaate, kulanka Sabtida, ayaa muhiim u ah doorashada madaxtooyada, waxaanu kulankaasi kala cadayn doonaa  wax badan oo hadda madmadow ku jira, waana sababta ay shacabku ugu dheg taagayaan kulankaas iyo natiijada ka soo bixi doonta.

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories