HomeBudhcad Soomaali la shaqaysata Maafiyada Talyaaniga oo bilaabay inay ka Ganacsadaan Madaxyada...

Budhcad Soomaali la shaqaysata Maafiyada Talyaaniga oo bilaabay inay ka Ganacsadaan Madaxyada Tahriibayaasha iyo Magacyada Laba Wiil oo shir-qool loo maleegay ku geeriyooday

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

ATHENS (SLpost)- Budhcad ka ganacsata Muhaajiriinta u socdaalaysa Qaaradda Yurub, gaar ahaan kuwa Soomaalida ah, ayaa ka dillaacday waddamada Koonfurta iyo Bariga Qaaraddaas, kuwaas oo si axmaqnimo ah ula dhaqma dadka muhaajiriinta ah oo ay ka qaadaan lacag fara-badan oo gaadhaysa Kumanaan Kun oo Yuuro si ay ugu tallaabiyaan waddamada Galbeedka Yurub.

Meelaha laga tahriibiyo Soomaalida ee dalka Greece (1)Budhcaddan oo badankoodu yihiin Soomaali, ayaa ka hawl-gala waddamada Bariga iyo Koonfurta Yurub sida Greece, Macedonia, Albania, Italy iyo Turkiga, ayaa dadka tahriibayaasha ah u sheega inay si qarsoodi ah ku galinayaan Galbeedka Qaaradda Yurub, iyaga oo ka qaadanaya lacag fara-badan, haseyeeshee waxa ay dadkaas kula kacaan tacaddiyo ka dhan ah bani’aadamka iyo khiyaamooyin ay ku majaro-habaabinayaan, taas oo sababta inay dadkaas u tilmaamaan jiho khaldan isla markaana ay qaarkood ku dhintaan shilal kala duwan oo ka soo gaadhay jidadka tareennada dhulka hoostiisa mara oo inta badan la sii dhex-mariyo si ay qarsoodi ugu galaan waddamada Galbeedka Yurub ee Jarmalka iyo Austria ka mid yihiin.

Sida ay shabakadda Rasmi Media u xaqiijiyeen Dad Soomaali ah oo ku dhaqan waddanka Greece, waxa Budhcadda Soomaalida ah ee ka ganacsada tahriibinta muhaajiriinta, ayaa dhammaantood yihiin Tahriibayaal hore ugu fashilmay inay helaan Sharciga Waddamada Yurub isla markaana faruhu ka yaallaan dhammaan waddamada Yurub. Waxaanay u soo shaqo tageen inay dadka ka tahriibayaan Waddanka Greece oo inta badan ah marinka ay Galbeedka Yurub uga tallaabaan Muhaajiriin tiro badan oo Soomaali ku jirto.

Meelaha laga tahriibiyo Soomaalida ee dalka Greece (3)Dhacdooyinkii u dambeeyey ee Qawlaysata Soomaalida ahi kula kacaan Muhaajiriinta, ayaa dhacday todobaadkii la soo dhaafay, ka dib markii tahriibayaal Soomaali iyo Suuriyaan isugu jira oo ay lacago fara-badan ka qaadeen ay ka baxsadeen kooxihii tahriibinayey oo dariiq khaldan u tilmaamay inay ka gudbaan. Nasiib-darro, tahriibayaashii Soomaalida iyo Suuriyaanka isugu jira oo tiradoodu dhammayd dhowr iyo Toban, ayaa sida wararku sheegeen, qaarkood ku geeriyoodeen goob kaliya, ka dib markii ay dhexmareen Waddo Tareen oo dhulka hoostiisa ah, dabadeedna uu halkaas Tareen ku jiidhay.

Soomaalida geeriyootay ee Tareenku jiidhay, waxa ku jiray laba wiil oo walaalo ah, kuwaas oo tareenku ku jiidhay gudaha waddanka Macedonia oo Mukhalasiinta Tahriibinaysa kaga baxsadeen. Labada Wiil ee Soomaalida ah, ayaa magacyadoodu lagu kala sheegay inay ahaayeen Samatar iyo Xuseen, kuwaas oo muddooyinkii u dambeeyey ku sugnaa waddanka Greece, ka hor intii aanay Soomaalida Mukhalasiinta ah oo ka qaaday lacag tiro-badan ay ka kaxeeyeen magaalada Athens ee dalka Giriigga.

Meelaha laga tahriibiyo Soomaalida ee dalka Greece (2)Sida ay noo sheegeen Soomaalida ku dhaqan Giriigga, budhcadda Soomaalida ahi ee ka ganacsada Madaxda Muhaajiriinta Soomaalida ah ee ku silcaysa waddamada Koonfurta iyo Bariga Yurub isla markaana la shaqaysta Kooxaha Maafiyada ee Talyaaniga, ayaa dhammaantood magacyadooda iyo sawirradooda la hayaa, iyada oo ay ku daba-jiraan Booliska waddamada Talyaaniga iyo Giriigga oo magacyadooda iyo sawirradooda ku shaaciyey bogagga Internetka ee laga leeyahay dalalkaas.

Shabakadda Caalamiga ah ee Rasmi Media waxa ku dedaalaynaa isla markaana isku hawli doonaa inaanu magacyada iyo Sawirrada budhcadda Soomaalida ah ku soo bandhigi doono qormooyin kale oo aanu ka diyaar-doonno dhibaatada iyo silica ay ku hayaan Dadka Muhaajiriinta ah, annaga warbixinaha aanu soo bandhigi doono la kaashan doonna Warbaahinta iyo Wakaaladaha Wararka Dalalka Talyaaniga iyo Giriigga oo hay’adahooda Ammaanku si xooggan ugu daba-jiraan baadi-doonka Soomaalida dhiigya-cabka ah ee lacagaha ka dhaca Tahriibayaasha Soomaalida ah.

LA SOCO QORMOOYIN KALE OO XAMBAARSAN XOGO IFTIIMINAYA XAD-GUDUBYADA KOOXAHANI GEYSTAAN , QAABKA AY U HAWL-GALAAN, GOOBAHA IYO MEELAHA AY DEGGEN YIHIN iyo SIDOO KALE ANNAGA OO SOO BANDHIGI DOONNA SAWIRRADA, MAGACYADOODA IYO WADDAMADA AY KA YIMAADDEEN EE LAGA SOO CELIYEY………….

XIGASHO; Rasmimedia

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories