HomeBUD-DHIGGA HALYEYGII QARNIGA, NELSON MANDELLA (Ma Laga Yaabaa Inuu La God-Galay Islaamnimo?)...

BUD-DHIGGA HALYEYGII QARNIGA, NELSON MANDELLA (Ma Laga Yaabaa Inuu La God-Galay Islaamnimo?) – Qalinkii: Xassan Cumar Hoorri

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Maanta, 15kii December 2014 waxaa loo dareeraray aaska haldoorkii Afrika, hoggaamiyahii ku dayashada mudnaa iyo halyeygii qarniga, Nelson Mandella. Waxaa la bud-dhigay tuulada Qunu halkaas oo uu ka soo jeedo. Waxaa uu ku soo barbaaray isagoo subax kasta caga-caddaan ugu kallaha iskuulka uu ka soo aflaxay. Hase ahaatee, adduunka, maanta, laga ma sagootinayo wiilkii cagaha-caddaa. Balse, si tiiraanyo leh waxaa, guud ahaan, dunida looga baroor-diiqayaa halyey aanu dhiggiisu soo marin dunida maanta. Waxaa uu geeriyooday 5tii December isaga oo 95 jir ah.

aaskii-halyaygii-mandelaMeydka waxaa lagu ambabixiyay Muusigga Calanka. Ka dib, afhayeenka qoyska Caaqil Ngangomhlaba Matanzima ayaa ku tiraabay, “geed weyn ayaa maanta jabay, waxaana uu ku biiri doonaa awowyadii aannu ku mahadinayno in ay noo dhaleen halyaygan. ”
Aaska waxaa loo qaabeeyay sidii lagu yaqaanay dhaqanka beeshiisa Xhosa. Marwadiisa, Graca Machel, iyo Madaxweynaha Koonfur Afrika Jacob Zuma ayaa ka mid ahaa dadkii ugu danbeeyay oo ka daymo sugtay muuqaalka meydka oo kafan looga dhigay calanka dalka, isla markaana, waxaa kor heehaabayay saddex dayuuradood oo ku xardhan midabada calanka K. Afrika.
Runtii, Mandela waxaa guusha u horseeday dhaqankiisa oo lagu suureeyo in uu ahaa kan Islaamka. Rasuulka Allah (NNKA) sida uu innoo sheegay ‘xikmadda’ ama nuxurka garashadu waa baadi ka luntay Mu’minka, waxaana habboon meel kasta oo ay taallo in uu Mu’minku sheegto kuna dhaqmo. Sidaa darteed, marar badan waxan is-weydiiyaa, malaha Mandela waxuu ahaa Muslim?
Waxaa uu la soo dhaqmay rag badan oo Muslim ah, kana soo jeeday qaaradda Aasiya, kuwaas oo la soo aasaasay xisbiga ANC, lana soo halgamay, isla markaana, muddo dheer ku weheliyay xabsiga. Waxaa uu dersay diinta Islaamka. Waxaana ka muuqatay sifooyinka wanaagsanaa ee diintu inna farrayso sida samir, dulqaad iyo is-cafin.
Markii ugu horraysay, 5tii July, 1989 Mandela meel ka baxsan xabsiga waxaa uu ku la kulmay Madaxweynahii K. Afrika, P.W. Botha, kaas oo loo yaqiinay Groot Krokodil (Yaxaaskii Weynaa). Mandela, si kal iyo lab ah waxaa uu durbaba u cafiyay ninkii isaga iyo dadkiisaba ka galay gabbood-fal kii ugu xumaa. Waxaa uu saamaxay nidaamkii lagu hayb socay dadkiisa. Run ahaantii, Mandela ma iloobi karayn xeerkii ninka cad u jideeyay inuu xukuumadda u raadsado rasaasta uu ku laayo dad madow. Hase ahaatee, waxaa uu ka warqabay dadkiisa la il-darran jahliga, saboolnimada iyo dulmiga boqollalka sannadood soo jiitamayay in aanay aargoosi waxba ku dheefayn.
Mandela, mar kasta, waxaa uu u xaglinayay dhaqanka Islaamka. kolkii loo dhaarinayay xilka Madaxweyne, si ka baxsan distuurka, waxaa uu ku dhaartay kutubta Furqaan (Islaamka), Injiil (Masiixiga) iyo Tooraat (Yuhuudda) isaga oo ku hormaray kitaabka Furqaan. Isla maalintaa, markii uu xilka guddoomay, waxaa uu soo booqday goobaha cibaadada sida Misaajid, Kiiniisad iyo Synagogue (Yuhuudaa), waxaana uu ku hormaray booqashada Misaajidka. Sidoo kale, markii uu mehersanayay ooridii uu ka geeriyooday saaxiibkii Samoro Michel waxaa uu ku meheriyay diinta Islaamka, tan Masiixiga iyo ta Yuhuudda. Mar kasta, Islaamka ayaa uu siinayay mudnaanta kowaad!!!
Si kastaba ha ahaatee, Mandela waxaaa uu galbaday isagoo dunida ku leh magac, maqaam sare iyo amaan uu ku mutaystay dadnimo iyo midhaha wax-qabadkiisa oo sii waaro doona. Isla markaa, waxaa uu la hoyday camalkiisa oo maantaba lagu la xisaabtami doono. Hase ahaatee, ma dhici kartaa, sidii Boqorkii Itoobiya, Al-Najaashiye in uu la god galay diintiisii Masiixiga iyo diinta Islaamka tasoo macnaheedu yahay inuu noqdo nin if iyo aakhiroba liibaanay? Allah, korray oo sarreeye ayaa innaga og.

Xassan Cumar Horri waa suxufi ka faallooda arrimaha Afrika iyo Bariga Dhexe.

Kala xidhiidh horri@somalilandsun.com

ama ku tixraac @horrimania

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories