HomeBritain oo aqoonsatay ninkii ku jiray muuqaalka IS

Britain oo aqoonsatay ninkii ku jiray muuqaalka IS

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

UK(SLpost)-Sirdoonka Britain ayaa BBCda u sheegay in ay rumeysan yihiin in ay aqoonsadeen ninkii sida weyn looga shakisnaa ee ka soo muuqday cajaladdii ugu dambeysay ee borobogaandada aheyd ee ay soo dirtay Kooxda Dowladda Islaamka.

Siddartha Dhar ayaa ahaa Hindu ku noolaa bariga London, waxa uuna qaatay diinta Islaamka islamarkaana waxa uu la baxay Abuu Rumaysah.

Wareysi ay la yeelatay BBCda bishii Agoosto ee 2014-kii ayaa waxa uu aad ugu taageeray kooxda isugu yeerta Dowladda Islaamiga ah.

Bil kaddib Dhar ayaa waxaa loo xiray eeda ah in uu taageerayay kooxda xagjirka ah ee Al-Muhaajiruun hasayeeshee waxa uu ka baxsaday gacanta booliska kaddib markii damiin lagu sii daayay waxa uuna galay Suuriya.

Qof ay ninkaasi saaxiibo ahaayeen ayaa BBCda u sheegay in uusan shaki ku jirin in codkaasi uu yahay isaga.

Gabar la dhalatay Dhar ayaa iyana BBCda u sheegtay in markii ay maqashay codka ku jiray muuqaalka ay markii horaba u malaysay codka walaalkeed balse aysan arrintaa xaqiijin karin.

Ma aysan jirin wax si rasmi ah u xaqiijinaya haybta ninka wejiga duubtay.

Siyaasadda Mi5 kuma jirto in ay xaqiijiyaan ama beeniyaan macluumaad ku saabsan baaritaan socda.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories