HomeBRISTOL: Magacyada iyo Nooca Xukun lagu riday 14 Dhalinyaro Soomaali ah oo...

BRISTOL: Magacyada iyo Nooca Xukun lagu riday 14 Dhalinyaro Soomaali ah oo Kufsi-wadareed iyo Tacaddiyo ay geysteen lagu helay (DAAWO SAWIRRO)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Bristol (SLpost)- Afar iyo toban Dhalinyaro Soomaali ah oo ku nool magaalada Bristol ee dalka UK, ayaa maanta maxkamad loo soo taagay dambiyo ah inay kurfsi-wadareed u geysteen gabdho aan qaan gaadh ahayn iyo tacaddiyo kale oo ay ka mid yihiin ka-ganacsiga Jidhka gabdhaas.

DHALINYARO
KA BILOW BIDIX: Carafaad Axmed Cismaan, Maxamd Daahir, Cabdilaahi Aadan iyo Cumar Jimcaale

Xaakimka maxkamadda Dacwadda qaadayay, ayaa loo sheegay in shan ka mid ah 13-ka qof ay kufsadeen gabadh16 jir ah halka walaasheed oo 14 jir ahna uu kufsaday mid ka mid ah dhalinyarada oo la sheegay inuu ku dhex-kufsaday Hotel ay deggenaayeen wakhti habeennimo ah.

Baadhitaan ay booliska sameeyeen, ayaa lagu ogaaday koox kale oo Soomaali ah oo tacaddiyo u geysanayay afar gabdhood, kuwaasi oo la siiyay lacag gaadheysa 30 gini iyo maandooriye si ay ula seexdaan rag ka da’ weyn, iyada oo caddeymo maxkamadda la horgeeyey sheegeen in gabdhaha qaarkood laga dhaadhiciyay in dhaqanka Soomaalida uu ka mid yahay in ragga ay gabdhaha kala beddeshaan.

1
Zakariye, 22-jir
2
Cabdirisaaq 20-jir

Ciidanka booliiska ee Avon iyo Somerset ayaa sheegay in kiisas la mid ah oo faraxumaynta hablaha yaryar ka dhacday xaafadaha Oxford iyo Rochdale, halka aoo rag ka soo jeeda qaaradda Aasiya lagu soo oogay dembiyo, inkastoo kiisaska loo haysto dhalinyaradan kii u dambeeyey yahay.

Gabadh da’deeda lagu sheegay 13 sannadood jir oo la sheegay in loo geeyey saddex nin oo kala duwan ayaa mar dambe iyada nafteeda u baqanaysa awgeed, waxa ay dacwad geysay saldhig booliis oo ku dhow.

3
Maxamed JImcaale
6
Cabdirashiid Cabdilaahi

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Lix ka mid ah dhalinyaradan ayaa xilligan u bilaabantay xabsi gaadhaya 75 sannadood, ka dib markii lagu helay dembiyo la xidhiidha kufsi, faraxumayn hablo aan qaadh-gaadhin iyo inay jidhkooda ka ganacsadeen, halka todoba kale usbuucan lagu helay dembiyo isugu jira kufsi

8
Liibaan Cabdi
9
Mustafe Faarax

Dhalinyarada hore xabsiga loogu xukumay falalkan ay geysteen oo ay ku caddaatay, ayaa magacyadoodu kala yihiin Liibaan Jaamac oo 21 jir ah, Mustafe Faarax oo 21-jir ah, Carafaat Cismaan oo 20 jir ah, Iidle Cismaan oo 22 jir ah, Cabdilaahi Aadan oo 20 jir ah, Siciid Sakariye oo 22 jir ah, Mustafe Diiriye oo 22 jir ah iyo wiil ay ilmaadeer yihiin oo lagu magacaabo Maxamed Jaamac oo 20 jir ah, kuwaas oo dhammaantood loo xidhay xad-gudubyo galmada ah iyo ganacsiga daroogada.

Halka kuwa Maxkamaddu Arbacadii shalay Xukuntay ay kala yihiin magacyadoodu Maxamed Jaamac oo 24 jir ah, Maxamed Daahir oo 22 jir ah, Yuusuf Cabdirisaaq oo 20-jir ah, Cumar Jimcaale oo 20-jir ah, Cabdirashiid Cabdilaahi oo 21-jir ah iyo Sakariye Sheekh oo 21-jir ah, ayaa dhammaantood lagu helay inay geysteen tacaddiyo xagga galmada ah oo lagula kacay gabadho aan qaan-gaadh ahayn.

10
Iidle Cismaan
14
Mustafe Diiriye

Bulshada Soomaalida ee Bristol, ayaa arrintaasi cambaareysay, waxaana warbixin qoraal ah oo ay soo saareen ku sheegeen in falkaasi uu yahay mid aan loo dulqaadan karin.

7
Sakariye Sheekh

 “Waxay ku kaceen ficillo axmaqnimo ah oo aan la illaabi karin oo ay u geysteen dadka nugul ee bulshada ka mid ah. Bulshada Muslimka ah ee Bristol waxay caddeynaysaa inaanu gebi ahaanba iska bari yeelno falkan oo aanu si niyad ah u cambaareynaynayo,” Sidaas ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka bulshada Soomaalida ah ee ku dhaqan magaalada Bristol.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories