HomeBREAKING NEWS: Dawlada Maraykanka oo Shaacisay geerida Hoggaamiyihii Kooxda Al-Shabaab

BREAKING NEWS: Dawlada Maraykanka oo Shaacisay geerida Hoggaamiyihii Kooxda Al-Shabaab

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda Gaashaan-dhigga Maraykanka, ayaa shaaca ka qaadday inuu geeriyooday Hoggaamiyihii Kooxda Al-Shabaab Axmed Cabdi Godane oo isaga iyo saraakiil sar-sare oo kooxdaas ka tirsan lagu bartilmaameedsaday weerar diyaaradaha Maraykanku ku qaadeen habeenkii Isniinta ee todobaadkii hore.

Hoggaamiyaha Alshabaab
Hoggaamiyaha Alshabaab

Sidoo kale warka dhimashada Hoggamiyaha Kooxda Al-Shabaab waxa shaaciyey raysalwasaaraha Soomaaliya Cabdiweli oo sheegay in hoggaamiyihii kooxdaas ku geeriyooday weerar diyaaradaha Maraykanka ee aan duuliyaha lahayn ka fuliyeen gobolka Shabeellada Hoose ee dalkaas wakhti ay saraakiil sar-sare ee Al-Shabaab ka qayb-galayaan shir ay ku lahaayeen deegaan ka tirsan degmada Baraawe ee gobolkaas.

“Inaanu meesha ka saarno Godane waa guul weyn oo tusaale inoogu filan, waxaanay dhabar-jab ku tahay hawl-gallada Al-Shabaab,” sidaa waxa yidhi Afhayeen u hadlay wasaaradda Gaashaan-dhigga Maraykanka Adm. John Kirby. “Maraykanku waxa uu wada-shaqayn la leeyihiin saaxiibbadiisa iyo gaashaan-buurtiisa si looga hortago khatarta caalamka iyo gobolkaba ay ku hayaan kooxaha xag-jirka ah.”

Saraakiil ka tirsan ciidamada Ammaana Maraykanka, ayaa todobaadkii hore xaqiijiyey inay qaadeen weerar dhinaca cirka ah oo ay ku bartilmaameedsadeen hoggaamiyaha Al-Shabaab, haseyeeshee may shaacin in Axmed Cabdi Godane ku geeriyooday weerarkooda.

Warar laga helay ilo-wareedyo u dhuun-daloola kooxda Al-Shabaab, ayaa u xaqiijiyey wakaaladda Wararka ee AP in Godane ka mid yahay 11 ka tirsan saraakiisha sar-sare ee Al-Shabaab oo weerarkaas lagu dilay, waxaana la sheegay saraakiisha sare-sare ee wehelinayey Amiir Godane inay ka mid haayeen madaxii hawl-gelinta iyo laba sarkaal oo dhinaca dhaqaalaha iyo istaraatejiyadda milatariga u qaabilsanaa kooxda.

“Waa guul weyn,” sidaa waxa yidhi sarkaal ka tirsan milatariga dalka Maraykanka oo sheegay inay weerarkaa u adeegsadaan sagaal gantaal iyo bambooyinka meelaha fog laga hago oo lala bartilmaameedsaday goob ay ku sugnaayeen Saraakiisha Al-Shabaab.

Dawladda Maraykanka, ayaa sannadkii 2012 shaacisay abaalmarin $7 milyan oo dul-dhigay madaxa hoggaamiyihii kooxda Al-Shabaab Axmed Cabdi Godane.

Axmed Cabdi Godane, ayaa hoggaaminta kooxda Al-Shabaab la wareegay sannadkii 2008 ka dib markii sidan oo kale diyaaradaha Maraykanku weerar ku bartilmaameedsadeen hoggaamiyihii ka horeeyey Aadan Xaashi Cayrow isaga oo ku sugnaa deegaan ka tirsan gobollada dhexe ee Soomaaliya.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories