HomeBorame: Shirweynaha Heer Qaran ee Qoondada Haweenka Somaliland oo la soo gebo-gabeeyey...

Borame: Shirweynaha Heer Qaran ee Qoondada Haweenka Somaliland oo la soo gebo-gabeeyey iyo Qodobbo ka soo baxay

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Boorame (SLpost)- Magaalada Boorama gaar ahaan Hotelka Saw ee magaaladaasi waxa lagu soo gabo gabeeyey shirweynihii lagaga hadlayey arrimaha haweenka gaar ahaana kootada kuraasta golaha wakiilada iyo deegaanka, waxaana kulankaasi soo xidhay masuuliyiin ka tirsan xisbiyada qaranka iyo masuuliyiin ka socday dalada haweenka ee NAGAAD iyo masuuliyiin ka socday wasaaradda shaqo galinta  arrimaha bulshada,  iyo qoyska Somaliland.

blank

Shirkan oo soconayey muddo laba maalmood ah shirka oo uu  furay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ayaa waxa lagaga hadlay sidii la isaga xil saari lahaa in haweenku kuraas gaar ah ku yeeshaan goleyaasha deeganka iyo wakiilada Somaliland, isla markaana ay ka qayb galaan arrimaha siyaasadda waxaana intii kulankaasi socday lagu lafo guray caqabadaha haysta haweenka iyo sidoo kale  hanaanka looga gudbi karo.

Guddoomiye ku xigeenka dallada haweenka ee NAGAAD Khadra Cumar Xasan iyo guddoomiye ku xigeenka xisbiga 3aad talada haya ee Kulmiye Xusen Aadan Cade, xildhibaan Mahdi Ibraahim Buubaa oo ka mid ah xubnaha loo xil saaray kootada haweenka ayaa waxa ay dhamaantooda waxa ay halkaasi ku soo bandhigeen hanaanka haweenku uga qayb gali karaan siyaasadda dalka, isla markaasina ay u heli karaan kootada kuraasta haweenka ee goleyaasha deegaanka iyo wakiilada.

blankGuddoomiye ku xigeenka dallada haweenka ee NAGAAD Khadra Cumar Xasan oo khudbad halkaasi ka jeedisay ayaa waxa ay tidhi “Aniga oo ku hadlaya magaca haweenka ee dallada isku xidhka haweenka ee NAGAAD, aniga oo ku hadlaya cid kasta oo ka qayb qaadatay hawshan maanta sida aynu hawshan u gaadhaynaa waa wax inoo wada taala, haddii ay Baarlamaan tahay iyo haddii ay Somaliland tahay”.

“Dhamaantiin waad mahadsan tihiin sida aad uga qayb qaadateen, mararka qaarkood waxa ay ahayd waxaan lagaba doodi Karin, se maanta meel fiican ayeynu maraynaa inaynu ka doodno” ayey Agaasimaha Waaxda jinsiga ee Wasaaradda Shaqo Galinta Qoyska iyo Arimaha Bulshada  Marwo Luul Aadan Geedi.

blankXildhibaan Mahdi Ibraahim Buubaa oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Waa ay dhaaftay xiligii cuqaashu arrimaheena goyn lahaayeen ee la odhan lahaa waa dumar, markaa waxaan leeyahy haweenku dib ha iskugu noqdaan”.

Dawladdu way gudbisay cidwaliba way gudbisay baarlaamaankuna wuu shaqynayaa hawshaa insha allaahu tacaalaa way dhamaanaysaa. Marka ay dhamatana hawlbadana ayaa inoo taal, ayuu yidhi Xuseen Aadan Cade Guddoomiye ku xigeenka 3ad ee xisbig kulmiye oo soo gabogabeeyay kulankaasi.

DAAWO SAWIRRADA SHIRWEYNAHA QOONDADA HAWEENKA

blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories