HomeBORAMA: Magaaladii ugu horreysay ee laga bilaabay tiro-koobka Shacbiyadda laga doonayo urur...

BORAMA: Magaaladii ugu horreysay ee laga bilaabay tiro-koobka Shacbiyadda laga doonayo urur kasta, Guddoomiyaha gudiga diiwaangelinta oo ka hadlay, Ururrada Guuleystay iyo kuwa Fashilmay

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa, 18 March, 2012 (SLpost)- Gudoomiyaha Gudida Diiwaangelinta Ururada Siyaasada, Mudane C.risaaq Jaamac Cumar “Ciyaale” iyo Wefti uu Hogaaminayo ayaa Maanta Hawlgal Xoogan oo madax taabasho ah laguna hubinayo in Ururada Siyaaasada ee Is diiwaangeliyay ay Gobolada ku leeyihiin Kun Qof oo haysta Kaadhka Aqoonsiga, waxay ka bilaabeen Magaalada Boorama.

blankMagaalada Boorama oo laga bilaabay hubinta shacbiyadda laga doonayo urur kasta, ayaa Maanta laga dareemayay Saxmad aad u badan kadib markii ay isugu yimaadeen Madaxda Shan iyo Tobanka Urur ee dhawaan isu diiwaangeliyay ka qayb qaadashada doorashada Golayaasha deegaanka oo ay weheliyaan Gudida Qaran ee diiwaangelinta Ururada siyaasada oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha Gudidaasi C.risaaq Jaamac Cumar “Ciyaale”,iyagoo hawl gal madax taabasho ah ka sameeyay Xafiisyada ay shan iyo tobankan urur ku leeyihiin Magaalada Boorama.

Warku waxa uu sheegayaa in Ururada siyaasadu ay Maanta ku tartamayeen sidii mid kastaaba uu dhiniciisa u buuxin lahaa inuu keeno Kunka Qof ee Aqoonsiga haysta ,waxaana dadweynaha Mgaalada Boorama ku dhaqan ay Maanta hortubnaayeen Xafiisyada Urur siyaasadeedyada ay taageersan yihiin.

Gudoomiyaha  Gudida Diiwaangelinta Ururada Siyaasada iyo Ansixinta Xisbiyada Qaranka Mudane C.risaaq Jaamac Cumar “Ciyaale” oo markii hawl-galku dhamaaday u waramayay warbaahinta ayaa sheegay in marxaladii ay u socdeen ay si fiican uga soo dhamaatay magaalada Boorama waxaanu u mahad celiyay dhamaanba madaxdii iyo dadweynihii hawshaas ka qayb qaatay .

blankGudoomiyaha oo la weydiiyay waxa ay ka yeelayaan ururada in ka badan kunkii qof ee laga rabay soo bandhigay ayaa si kooban ugu jawaabay “ka tiradaas dhaafa dee waa loo qorayaa oo wax wanaagsan ayuu qabtay”.

Mudane C.risaaq Ciyaale waxa uu xusay in hawl-galkooda ay Beri oo isniin ah ku xejin doonaan Magaalada Caasimada ah ee Hargaysa oo ah halka ay filayaan inay ug dad badan tahay.

Dhinaca kale Gudoomiyaha Gudida Diiwaangelinta Ururada Siyaasada iyo Ansixinta Xisbiyada Qaranka Mudane C.risaaq Jaamac Cumar “Ciyaale” waxa uu ka gaabsaday inuu wax faahfaahin ah ka bixiyo Ururadii Buuxiyay Tirada Kunka Qof ee laga rabay, waxaanu sheegay in marka Shanta Gobol ee u soo hadhay ay hawlgalkan ka soo fuliyaan ay ka soo saari doonaan warbixin faahfaahsan .

Hasa yeeshee warar madax banaan ayaa noo xaqiijiyay in Ururka Wadani uu jebiyay rikoodhkii loogu talo galay waxaa kale oo iyana tiradaas buuxiyay Urur siyaasadeedyada Udhis,Badbaado,Umada, NDB, Nasiye warku waxa uu intaas ku darayaa in Ururada Damal, SSCD, Rays, Gurmad iyo Xaqsoor ay ka hooseeyeen tirada laga rabay.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories