HomeBoqridda Wasiir Xaglatoosiye Waa Badbaado Qaran!

Boqridda Wasiir Xaglatoosiye Waa Badbaado Qaran!

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Digtoor  Saleebaan Ciise Axmed ‘Xaglatoosiye’ waa murashax u taagan jagada madaxweyne xigeen ee Xisbiga Kulmiye.Waxa uu ku dhashay xaafadda Dunbuluq ee magaalada Hargeysa; kuna qaatay waxbarashadiisii hoose/dhexe iyo sare.Shahaadada koowaad iyo ta labada ee heer jaamacadeed waxa uu ku idlaystay waddanka Maraykanka.Waxa uu kasoo jeedaa degmada Buuhoodle ee gobolka Togdheer.

Saleebaan,waxa uu ahaa hoggaamiyihii jabhaddii SSC ee dabayaaqadii 2010 ilaa 2011-kii ka dagaalantay degmada Buuhoodle iyo nawaaxigeeda.Tan iyo lasoo noqoshadii madaxbanaanida JSL marnaba Buuhoodle si buuxda umay soo galin gacanta dawladda. Heshiis nabadeed oo uu la saxeexday madaxweyne Silaanyo 2013 ayaa sababay isbedal siyaasadeed iyo mid horumar oo ka bidhaamay guud ahaan deegaamada  Buuhoodle.

Soomaalilaan waxa  uu ka qabtay xilalka: Wasiirka Wasaaradda Dib-udajinta iyo Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka.Intii uu hayay mas’uuliyadda wasaaradaha qaran,si weyn ayaa loo dareemay kartida iyo xilkasnimada uu muujiyay. Waxa uu kasbaday laabo farabadan iyo quluubta kumanaan qof oo la dhacay hawlkarnimadiisa iyo hufnaantiisa shaqo.Waxa uu hirgaliyay una hagar baxay abyidda goobo caafimaad oo si aan la dhudhuminkarin u baahi tiray dadweynaha ku dhaqan JSL.

 

Miisaanka siyaasiga ah ee uu leeyahay  ayaa ah mid ka mudhay kana soo muuqday saaxadaha lagu gorfeeyo arrimaha nabadda iyo horumarka gobolada bari. Waxa uu guul weyn ka gaadhay dedaaladii lagu damiyay colaaddii dhextiil dadka walaalaha  ah ee Qorulugud iyo Buuhoodle.Dhanka kale, gaashaan bir ah ayuu ka yahay  tallaabooyinka lagu wiiqayo qaranimada JSL ee uu wado  digtoor Cali Khaliif.

Taageerada  ay u hayaan guud ahaan shacabka Soomaalilaand ka sakow, waxa uu hiil ballaadhan oo cod iyo cududba leh ka haystaa gobolada:Togdheer,Sanaag iyo Sool.

Haddaba, u boqridda xilka madaxweyne xigeen ee Kulmiye waxa ay horseedaysaa :

  1. Wax wada lahaanshaha ka dhaxeeya umadda reer Soomaalilaan bari iyo galbeed,
  2. Midnimada iyo wada jirka Somaalilaan,
  3. Ka qabsoomidda doorashooyinka gobolada bari,
  4. Ka midha dhalinta dedaalada nabadeed
  5. Fidinta maamulka dawliga ah, iyo
  6. Helidda ictiraaf caalami ah.

 

Eng. Mukhtaar Jaamac Muxumed ‘Libaaxsalaax’

Libaaxsalaax93@gmail.com

5-ta Noofeembar, 2015

Hargeysa, Somaliland.

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories