HomeBoqortooyada Sucuudiga oo Maal-gashi Beeraha iyo Kalluumaysiga ah ka hirgelinaysa dalal Somaliland...

Boqortooyada Sucuudiga oo Maal-gashi Beeraha iyo Kalluumaysiga ah ka hirgelinaysa dalal Somaliland ka mid tahay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Md Xirsi Cali Xasan, ayaa iftiimiyey qorshe dawladda Sucuudigu ku doonayso maal-geshi dhinacyada Beeraha, Xoolaha iyo Kalluumaysiga ah oo ay ka samaysanayaan waddamo Somaliland ka mid tahay oo ka tirsan gobolka Geeska Afrika.

DSC_0143Md Xirsi Cali Xaaji Xasan oo shalay Madaarka Hargeysa kula hadlay warbaabinta, ka dib, socdaal laba todobaad qaatay oo isaga iyo xubno dawladda ka tirsan ku gaadheen dalka Sucuudiga, waxa uu kaga dhawaajiyey qorshe durugsan oo dawladda Sucuudigu damacsan tahay inay shacabkooda ugu sameeyaan goobo wax-soo-saarka dhinaca dalagga iyo beer-falashada ku wanaagsan maadamaa oo dhulkoodu u badan yahay Saxare aanay waxba ka bixin, sidaas awgeedna ay Somaliland ka mid tahay waddamo boqortooyada Sucuudigu isha ku hayaan si ay maal-gashi ugu sameeyaann.

Md Xirsi Cali waxa uu sheegay inay arrimahaas isla soo qaadeen kulan isaga iyo xubnaha weftigiisa ka tirsan dalka Sucuudiga ku dhexmaray qoyska Boqortooyada isla markaana ay ka wada-hadleen arrimo khuseeya qadiyadda Somaliland iyo sidii labada waddanka isku-dhaafsan lahaayeen wax-wada-qabsi markii u horeysay dhexmara.

Wasiirka oo arrimahan ka hadlayey, waxa uu yidhi, “Boqotooyada Sucuudiga waxaanu kala kulmannay laba amiir oo ka mid ah boqortooyada oo kala ah Amiir Cabdiraxmana Bin Cabdicasiis iyo inankiisa oo la yidhaahdo Cabdalle Ibnu Cabdiraxmaan Ibnu Cabdicasiis oo reer Boqor ah, si wanaagsan ayay noo soo dhaweeyeen, annaguna aanu ugu bandhigno qadiyaddii umaddu lahayd iyo aragtidayadii dad ahaan iyo dal ahaan aanu ugu bandhignay, si wacanna way noo qaabileen.”

“Waa aragtidii noogu horeysay oo ma odhan karno waxaasaanu ka sidnaa, laakiinse waxaanu ku dedaalnay inaanu u bandhigno dal ahaan halkaynu joogno iyo aragtiday innaga qaadan lahaayeen inaynu is-weydaarsanno, si wacan buu kulankaasina noogu dhacay, waxaananu ku ballannay mar dambe in laysku soo noqdo, iyaga laftigoodana waxaanu ku casuunnay oo nidhi dalkayagii kaalaya waa idiin furan yahay, waxaanu ahaa kulan aad u fiican oo ay soo dhaweeyeen,” ayuu yidhi Md Xirsi.

Wasiirka oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Boqortooyada Sucuudiga go’aankii u dambeeyey ee ay qaateen Mandaqadda inay maal-gashadaan, ayna ka mid tahay Somaliland mandaqadaha ay Isha ku hayaan. Waddamada jaarka ahna ay maal-gashi ku sameeyeen.”

“Hadday tahay xoolaha, hadday tahay Kalluunka iyo hadday tahay Beeraha, meel ay ka helaan cunnada oo u dhow oo wax alla waxay cunaan ay ka beertaan maadaama waddankoodu aanu lahayn dhul beeraha u sancaysan aanu ahayn oo dhul saxare u badan uu yahay. Innaguna waxaynu u baahannahay gacmo-isweydaarsiga iyo wax-wada-qabsiga dalalka qaniga ah ee la mid ah Sucuudi Carabiya,” ayuu yidhi Wasiirka Madaxtooyada Somaliland.

Dhinaca kale, wasiirka Madaxtooyada Somaliland waxa uu mahad-naq u jeediyey Jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan dalka Sucuudiga oo lacag boqolaal Kun ah ku taageeray dhismaha Jidka Ceerigaabo iyo sidoo kale ganacsato ka shaqaysata dalkaas oo ballan-qaaday lacago ay ugu yabooheen waddamada Ceerigaabo.

“Markii ay noo dhammaatay acmaashii khaashka ahayd ee aanu u baxnay, waxaanu jaaliyadda Sucuudiga u bandhigay inay ka qaataan qaadhaanka waddada Ceerigaabo, waxaanu uga mahad-naqaynaa siday noo soo dhaweeyeen iyo siday u qaateen qaadhaankii aanu u gudbinnay.Runtii ay uga qayb-qaateen si mug leh, 260 kun kharash ah way bixiyeen marka lagu daro ganacsato kale oo iyaguna lacag bixiyey.Way jirtaa ganacsato kale ah qolyaha ka ganacsada xoolaha oo lacago ballan-qaaday, laakiinse aanu ballan-qaadkoodii wali na soo gaadhin, waanu rejaynaynaa lacag 300 kun ahi inay na soo gaadho, haddaanay ka badanba,” ayuu yidhi Xaaji Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Somalilandpostnet

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories