HomeBoqortooyada Sucuudiga Oo Jimcaha u dabaal Degaysa 81-guuradii ka soo wareegtay Markii...

Boqortooyada Sucuudiga Oo Jimcaha u dabaal Degaysa 81-guuradii ka soo wareegtay Markii Dalkaas Lagu dhawaaqay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Riyaad, (SLpost)- Boqortooyada Sucuudi Arabiya ayaa maalinta bari ah u dabaal degi doonta 81-guuradii ka soo wareegtay markii dalkaasi boqortooyada noqday isla markaana loo bixiyay magaca imika dunida looga yaqaano ee Boqortooyada Sucuudi Arabiya.

blank23-kii September 1932-kii ayaa boqor Cabdi Casiis Aalla Sucuud waxa uu si rasmi ah uga dhawaaqay in la mideeyay qaybihii kala duwanaa ee maamuladii dhulkii hore loogu yaqaanay Xijaas, waxaanu u bixiyay dalkaas Magaca Sucuudi Arabiya, haddaba 81-sanadood ka dib waxa dalka Sucuudigu ku xusayaa, boqortooyo aan wali shacbiga dalkaasi helin xoriyad ay codkooda ku dooran karaan, hogaamiyaha ay rabaan kuna badali karaan.

Waxa tan iyo wakhtigaas xukunka dalka Sucuudiga iska dhaxlay Boqor Cabdi Casiis iyo shan wiil oo uu dhalay, waxa kale oo dhamaan gobolada iyo degmooyinka dalkaas xukuma caruurta reer Cabdi Casiis. Si kastaba ha ahaatee, haddana maamulka boqortooyada reer Cabdi Casiis waxa ay dalkaas gaadhsiiyeen horumar iyo nabad galyo buuxda, waxa kale oo ay u soo saareen batroolka iyo shidaalka caydhiin ee dalkaasi hodanka ku yahay.

Boqortooyada Sucuudigu waxa kale oo si wayn ay uga shaqeeyeen dib u dhiska iyo qurxinta dhulka barakaysan ee Makka iyo Madiina ama labada xaramayn oo magac ahaana loogu yeedho boqorka dalkaas xukuma adeegaha labada xaramayn ee barakaysan. Dalka Sucuudigu waa dalka kaliya ee jimciyada Quruumaha ka dhaxaysa uu ka yaalo, kitaabka Qur’aanka kariimku kaas oo rasmi ahaan loogu aqoonsan yahay dastuurka dalkaas.

Intii ay jirtay boqortooyada Sucuudigu waxa ay xidhiidh wanaagsan la lahayd dalalka reer galbeedka, sidoo kale waxa ay si balaadhan u caawisaa wadamada muslimka ah ee saboolka ah, sida dalalka Baakistaan, Urdun, Masar, Boosniya, Jasiiradaha Komoros, Maldiif, Indoonisiya, Albaaniya iyo wadamo kale oo tira badan. Sucuudigu waa dalka ugu horeeya dhoofinta shidaalka ee aduunka, waxaanu maalin walba dhoofiyaa 11-milyan oo barmiil, sidoo kale dalkani wuxuu ugu horeeyaa kaydka shidaalka caalamka, waxaana lagu qiyaasaa in Rubuc ka mid ah shidaalka dunidu ku jiro dalkiisa.

Somalilandpost.net

Faysal Maxamed

F.maxamed@yahoo.com

Hargeysa, Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories