HomeBoqortooyada Sucuudiga oo $3 Bilyan iyo Qiimo-dhimis Shidaalka ah ugu Yaboohday Waddanka

Boqortooyada Sucuudiga oo $3 Bilyan iyo Qiimo-dhimis Shidaalka ah ugu Yaboohday Waddanka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Boqortooyada Sucuudiga, ayaa waddanka Pakistan ugu yaboohday inay siiyo taageero dhaqaale oo dhan 3 Bilyan oo Dollar muddo hal sanno gudaheeda ah isla markaana ay qiimo-dhimis ugu samaynayso Shidaalka dalkaas loo dhoofiyo si ay uga caawiyaan qalalaasaha dhaqaale ee haysta, sida ay shaacisay dowladda Pakistan.

Saudi Arabia King SalmanHeshiiskan ayaa ka dambeeyey kaddib markii raysalwasaaraha cusub ee Pakistan, Imran Khan, uu ka qayb-galay Shir-weyne Maalgeshi oo Sucuudigu soo qaban-qaabiyey, kaas oo ay ka-qayb-galkiisa ka baaqdeen madax tiro badan oo caalamka ah sababo la xidhiidha Dilka suxufi u dhashay Saudi Arabia oo lagu khaarajiyey dalka Turkiga.

Dhaqaale la’aanta soo waajahday dalka Pakistan, ayaa yimi kaddib markii qiimo-dhac ku yimi lacagta waddankaas marka la barbar-dhigo Isku-beddelka lacagaha Qalaad iyo keydka u yaalla dalkaas si loola tacaalo qiimo-dhacaas, waxaanu reysal-wasaare Khan ku adkaystay in waddankiisa ay ka go’antay sidii uu taageero dhaqaale uga heli lahaa waddamada Qaniga ah ee ay saaxiibada yihiin.

Sidoo kale, waxa qalalaasaha Dhaqaale ee Pakistan wax ka qabashadiisa ka qayb-qaadanaya hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF oo lacago amaah ah siinaya dalkaas, Sida uu sheegay wasiirka Arrimaha Dibadda ee Pakistan Asad Umar oo bishan horaanteedii wada-hadallo iyo qiimeyn u kuur-gal ah ka dalbaday hay’addaas.

Raysal-wasaaraha dhawaan la doortay ee Pakistan, ayaa la filayaa inuu sidoo kale socdaal ku tago dalka Shiinaha todobaadka soo socda.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories