HomeBoqortooyada Sucuudig oo Xujaajda Soomaalida ah Shuruud kaga dhigaysa inay Sitaan Shahaadada...

Boqortooyada Sucuudig oo Xujaajda Soomaalida ah Shuruud kaga dhigaysa inay Sitaan Shahaadada Tallaalka Cudurka Dabaysha

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Riyaadh (SLpost)- Dawladda Boqortooyada Sucuudiga, ayaa shuruudo hor leh ku xidhay Xujaajda Soomaalida iyo Kiiniyaatiga isugu jira ee sannadkan soo gudanaya waajibaadka Xajka.

Wasaaradda Caafimaadka ee dalka Sucuudiga, ayaa soo saartay go’aamo ku waajibinaya Xujaajka sannadka gudanaya Xajka (Haj Season) ee ka tagaya waddamada Soomaaliya, Somaliland iyo Kenya inay dalalkooda isaga soo tallaalaan Cudurka halista ah ee Dabaysha isla markaana ay sitaan shahaado muujinaysa in lix todobaad ka hor ay qaateen tallaalka Cudurkaas Dabaysa, waxaana tallaaban go’aan lagu sababeeyey ka dib markii ay ogaadeen in Cudurka Dabayshu (Polio) uu ka dillaacay waddamadaas.

Haj_SaudiaSarkaal ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka boqortooyada Sucuudiga oo u warramay Arab News, ayaa yidhi, “Xujaajtani (Soomaalida iyo Keenyaanka) waxa ku waajib ah inay sitaan Shahaaddda tallaalka dabaysha marka ay Dekedaha iyo Madaarrada ka soo degayaan oo laga hubinayo,” ayuu yidhi, isaga oo intaas ku daray inay waajib tahay qaadashada tallaalku lix bilood ka hor wakhtiga ay dalkaas tagayaan.

Wasaarada Caafimaadka Sucuudigu waxa ay sheegtay in marka ay yimaaddaan dalka Sucuudiga ay Xujeydu qaadan doonaan Daawooyin la xidhiidha ka hortaga cudurka Dabaysha. “Marka ay sidaas u yimaaddaan Xujayda waddamadani waxa ay mar kale qaadan doonaan Daawada ka hortagga Cudurka Dabaysha iyada oo aan da’dooda loo eegayn,” ayuu yidhi Sarkaalka ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka Sucuudigu.

Sarkaalkani waxa uu sheegay in Wasaaraddooda Caafimaadku ay indha ku hayso dhacdooyinka ugu dambeeyey ee heerka adduunka ay ka marayaan cudurrada faafa isla markaana ay ku hawlan yihiin dedaallo lagu xakamaynayo muddada lagu gudo-jiro Gudashada Xajka iyo Cumrada oo dalkaas ay sannad kasta u tagaan malaayiin qof oo Muslimiinta adduunka ah.

Marka laga yimaaddo Cudurk Dabaysha, xannuunada kale ee bartilmaameedka u ah wasaaradda Caafimaadka Sucuudiga, wax ka mid ah Jadeecada, Hargabka iyo Meningitis.

Go’aanka dawladda Sucuudigu ku soo rogtay Xujayda dalalka Somaliland, Somaliya iyo Kenya, ayaa loo daliishaday Qawaaniin lagu karantiimaynayo caafimaadka qoka Socdaalka ah ee dalkaas u safraya, kaas oo la sameyey sannadkii 2005-tii.  “Iyada oo la tixgelinayo qawaaniinta loo jeediyey Caafimaadka sannadii 2005, dhammaan dadka ka imanaya waddamada ama meelaha khatarta u ah inuu soo gaadho cudurka Jadeecadu, waxa ku waajib ah inuu sito shahaadada tallaalka Jadeecada oo aan wakhtigeedu dhicin, taas oo tusaysa in qofku daawada qaatay ugu yaraan toban maalmood ka hor ama ugu badnaan toban sanno ka hor inta aanu xuduudka ka soo tallaabi,” ayaa lagu sheegay qoraal la soo dhigay barta Internetka ee Wasaaradda Caafimaadka Sucuudiga. “Haddii la waayo shahaadadan oo kale, muddo lix maalmood ah ayaa qofka lagu haynayaa meel gaar ah laga soo bilaabay wakhtigii la siiyey daawada ama wakhtigii u dambeeyey ee qofka uu xanuunku asiibay,” ayaa lagu sheegay qoraalkaas.

SOMALILANDPOST.NET

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories