HomeBoqorkii Cuudka Soomaalida oo London Geeriyooday iyo Madaxweyne Biixi oo ka hadlay...

Boqorkii Cuudka Soomaalida oo London Geeriyooday iyo Madaxweyne Biixi oo ka hadlay Taariikhdii Axmed Ismaaciil Xudeydi

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Allah naxariistii Janno hawgu deeqo’e waxa xalay magaalada London ee dalka Ingiriiska ku geeriyooday Marxuum Axmed Ismaaciil Xuseen (Xudeydi) oo maalin mug leh ka soo qaatay koboca Fanka Soomaaliyeed.

blankMarxuum Marxuum Axmed Ismaaciil Xuseen (Xudeydi) oo caan ku ahaa tumista Cuudka, waxa geeridiisa ka hadlay madaxweynaha Jamhhriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi oo umadda Soomaaliyeed ka tacsiyeeyay geerida marxuumka.

Madaxweynuhu waxa uu si qoto-dheer uga hadlay shaqsiyaddii iyo doorkii uu marxuumku ka soo qaatay fanka iyo suugaanta Soomaalida.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, Bahda fanka iyo suugaanta, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Boqorkii Cuudka Marxuum Axmed Ismaaciil Xuseen “Xudeydi” oo ku geeriyooday xalay oo ay taariikhdu ahayd 07/08/2020, dalka Ingiriiska gaar ahaan magaalada London.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey tiir ka baxay fanka iyo suuganta oo uu ka mid ahaa dadkii dhidibada u taagay fankii hore iyo kan casriga ahba, isagoo ku soo galay da’da 18 sanno jir, kana bilaabay magaalada Cadan ee dalka Yemen, maantana uu da’a 92 sanno jir ku hoyday, waxaanu ka mid ahaa dad fara-ku-tiris ahaa oo ay ka mid ahaayeen, abwaan Cali Sugulle Cigaal (Dun Carbeed) abwaan Cabdilaahi Qarshe, iyo macalinkiisi Cabdi Xandule Shanle oo wax ka bedelay kagana tegay taariikh suugaanta.

Waaxaanu ku dhashay magaalada Berbera ee Gobolka Saaxil, 1928-kii, waxaanu door weyn kulahaa halgankii xornimo doonka ee 1960 ay Somaliland maxmiyadii boqortooyada ingiriiska kaga qaadatay xornimadeeda, isagoo ku suntan taariikho badan oo ma guuraan ah marxuumku.

Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, Bahda fanka iyo suugaanta, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.”

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories