HomeBOQORKII BULOODAY – W/Q: Prof. Cabdisalaam yaasiin

BOQORKII BULOODAY – W/Q: Prof. Cabdisalaam yaasiin

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

blankSida sheekooyinkeena dhaqanku tilmaamaan, habardugaagag boqorkooda waa libaaxa. Libaaxa waxa loo boqray wuxu leeyahay tilmaamu u gaar ah oo uu kaga mudnaaday habar dugaaga intiisa kale, sida awood, geesinmo, garasho, iyo dulqaad. Waa tilmaamaha hogaanka wanaagsan ee aan dad iyo duunyadu ku kala baydhin.

In kasta oo uu awood badan leeyahay, boqorka habardugaagu waa noole. Noolahana waxa caado u ah in uu gaboobo ama bukoodo. Bokorkii Libaax ahaa waxa isugu darsamay gabaw iyo bukaan. Wuxu naftiisii u sheegay, “Gabaw dawo ma lah eh; bukaanka waa in aan dawo u helaa.”

Raciyadiisii habrdugaag ayuu isugu yeedhay. Wuxu yidhi, “Waad aragtaan oo haddaan boqorkiinii ahay waan bukaa. Haddii aan bukaanka ku raagona ma talin karayo. Markaa waxan doonayaa in dawo aan ku bogsado lay keeno.”

Habardugaagi xagii kaynta ayuu u dhaqaaqay oo dawo ugu doonay boqorkooda buka.

Shabeelkii oo geed dawo ah sida ayuu ugu soo horeeyay. In muddo ah ayuu boqorki geedkii cunayay; waxbase waa ka tari waayay. Waarbii baa geed kale keenay. Kiina in muddo ah ayuu qaadanayay; isna waxba waa tari waayay. Wiyishii ayaa iyana geed kale keentay. Kiina mudduu qaatay; isna waxaba waa tari waayay. Maroodigii ayaa isna mid kale keenay; kiina waxaba waa ka tari waayay. Xataa, dabagaalii, oo lugu tilmaamo in uu geedigooye yahay, ayaa isna geed keenay. Kiina waxba waa tari waayay.

Boqorkii oo bukaanki ku sii aarayo oo itaal daro ka muuqato, ayaa waxa ishiisi ku dhacday dacwadii. Isaga oo hadalku dirqi kaga soo baxayo, ayaa wuxu ku yidhi dacawadii, “ Dayooy, adiga ayaa fiicni lugu bidaa, maxaad dawo aan ku bogsado iigu keeni wayday?”

Dayo waxoogaa ayay hoos u foorarsatay oo fekertay.  Ka dibna boqorkii ayay kor u eegtay oo waxay ku tidhi, “ Boqor, dawadaadi hadaan helay.” Boqorkii oo yididiilo gashay ayaa soo hinqaday oo yidhi, “ Waa maxay dayooy dawadu?” Dayaa waxay tidhi, “Boqor, dawadaadu waa maskax dameer!!!”

Boqorkii oo yididiilo sii gashay ayaa dayo ku yidhi, ‘’ Waad i aragtaa oo waan gaboobay, oo waan bukaa ee side baan dameer u soo qaban karaa?” Dayaa tidhi, “Aniga laftaydu ma soo qaban karo oo iga itaal roon yahay. Hasa yeeshee si uu u yimaado oo aad u qaban kartid ayaan hayaa.” “Waa maxay sidaasi?” Ayuu weydiiyay boqorki. “Sidaasi waxa weeya, in aad baaq soo saarto oo aad tidhaa haddii aan boqorkii habardugaag ahay waan bukaa. In aan bukaankaa u dhintona waa laga yaabaa. Hadaba, inta aanan dhiman, boqortooyada waxan ku wareejinayaa dameer.”

Boqorki baaqii ayuu sii daayay. Dayona dameerkii ayay u gaysay oo ku tidhi, “Taajkaa lagu saarayaa oo boqorka ayaa gacantiisa kugu saaraya ee in keen.” Dameerkina waa soo raacay oo boqorkii ayuu u iymi.

Boqorkii ayaa dameerkii ku yidhi soo dhowow aan taajka ku saare. Dameerkii ayaa soo dhowaad oo luqunta soo dhigtay. Inta uu wuxu uu awood lahaa isu geeyay ayuu boqorki ku booday dameerkii oo luqunta kala jebiyay. Ka dibna madaxiisii ayaa laba dhambal laga kal dhigay si maskaxdii boqorka dawaynaysay looga soo saaro. Hasa yeeshee, markii madaxii dameerka la kala jibiyay, maskaxba waa laga waayay!!!

Boqorkii oo halkaa ku hungoobay ayaa dacawadii ku jeestay oo yidhi, “Dayooy! Maxaa dacay!? Meeday maskaxdii dawada ii noqon lahayd!?” Dayo waxay tidhi, “Boqor, Waan ka xumahay in aynu ku hungownay tijaabadaas. Bal se, hadaad dhinaca kale ka eegtid, ha kaa maqnaato dawo maskax dameer. Maxaa yeelay, haddii uu dameerki maskax leeyahay, marka horeba madaxa muu soo dhigteen. Boqor, xaalkeenu waa bese, aan boqortooyada u nabaadiino xidhno.”

 prof.abdisalaam@gmail.com       

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories