HomeBoqorka Sacuudiga iyo Obama oo kulmay

Boqorka Sacuudiga iyo Obama oo kulmay

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

150828061631_saudi_king_salman_512x288_epa_nocredit

US(SLpost)-Boqor Salmaan-ka Sacuudi Carabiya ayaa magaalada Washington kulan kula leh madaxweynaha Mareykanka, booqashadan oo ah tii ugu horeysay ee uu Mareykanka ku tago tan iyo intii uu xukunka la wareegay bishii Janaayo.

Boqor Salmaan ayaa sheegay in dalkiisa uu Mareykanka kala shaqeyn doono sidii nabad looga dhalin lahaa Bariga Dhexe.Madaxweyne Obama ayaa dhankiisa sheegay in uu boqorka kala hadli doono arrimo ay ka mid yihiin dagaallada Yemen, Suuriya iyo weliba heshiiska dhawaan laga gaadhay barnaamijka nukliyeerka Iran.

Madaxweyne Obama ayaa ku cadaadiyay boqor Salmaan inuu u ogolaado hay’adaha gargaarka in ay si aan shuruud lahayn uga howlgalaan Yemen, halkaasi oo xulafada uu Sacuudiga horkacayo ay dagaal kula jiraan fallaagada Xuutiyiinta.

Xidhidhrka u dhexeeya Mareykanka iyo Sacuudiga ayaa la sheegay inuu xumaaday, kaddib markii uu madaxweyne Obama ka gaabsaday duulaan ka dhan ah xukuumadda Suuriya, iyo weliba taageerada uu Mareykanka u fidiyay heshiiska nukliyeerka Iran, oo uu Sacuudiga ka cabsi qabo in uu dalkaasi u sahlayo sameysashada hubkaasi wax gumaada.

Bishii Mey ee sanadkan, boqor Salmaan ayaanan ka qeybgelin shir madaxeed ay hogaamiyayaasha Khaliijka madaxweyne Obama kula qaateen Mareykanka.

Saraakiil sare oo ka tirsan maamulka Obama ayaa u sheegay wargeyska New York Times, in waaxda difaaca ee Mareykanka, Pentagon, ay dhameystireyso heshiis dhanka hubka ah, oo ku kacaya hal bilyan oo doolar, kaasi oo ciidanka Sacuudiga looga iibinayo hub ay kula dagaalamaan Xuutiyiinta iyo ururka isku magacaabay Khilaafada Islaamka.

Heshiiska ayaa waxaa qeyb ka ah in Sacuudiga laga iibiyo diyaaradaha dagaalka ee F-15 loo yaqaano, sida ay saraakiishu sheegeen.

Hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa ku dhaliilay madaxweyne Obama taageerada uu u fidiyo duulaanka uu Sacuudiga horkacayo ee ka socda Yemen, kaasoo ay ku dhinteen boqolaal qof oo rayid ah.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories