HomeBoqorka Guud ee Beelaha Gabooye oo Xubin ka Noqday Guddi lagu Doortay...

Boqorka Guud ee Beelaha Gabooye oo Xubin ka Noqday Guddi lagu Doortay Shir Caalami ah oo Qaramada Midoobay soo Qaban-qaabisay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

“23-kaas Sano ee ay jirtay Somaliland Calankeeda lama hor dhigin Qaramada Midoobay, anigana waxa nasiib-wanaag ii ah inaan Hordhigo Calanka Somaliland”

Hargeysa (SLpost)- Boqorka Guud ee Beelaha Gabooye ee Somaliland Boqor Axmed Ugaas Iimaan Warsame, ayaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland kaga qayb-galay shir-caalami ah oo lagaga arrinsaday Xuquuqda dadka laga tira-badan yahay ee Adduunka.

Boqor Axmed IimaanBoqor Axmed Ugaas Iimaan oo war-fidiyeennada garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa ka dib markii uu maanta dalka dib ugu soo laabtay, ayaa sheegay in shirkaas lagu doortay guddi ka kooban 13 qof oo uu xubin ka yahay, kuwaas oo loo xil-saaray inay daraasadeeyaan kor loogu qaadi karo Xuquuqda dadka laga tirada badan yahay.

Boqor Axmed oo sharraxayey ujeeddada shirka loo qabtay, waxa hadalladiisa ka mid ahaa, “Safarkii aan u baxay ee Aan ku gaadhay Jiniifa waxa uu ahaa Shir Loo qabtay Dadka May-nooratiga Adduunka oo dhan oo cid waliba ku jirtay, nasiib wanaag Somaliland Aniga ayaa ka tagay, Xamar Dumar ayaa Ka yimid, shirkana waxa daadihinayay Dr Naasir Maxamed Ciise iyo Rashiid Baaruud, waxa uu ahaa shir markii ugu Horaysay caalamka oo dhan dadka May-nooratiga ah Loo qabto Sidii Xuquuqdooda loogaga hadli lahaa Si fiicana Shirkaasi wuu u dhacay,” ayuu yidhi Boqor Axmed Ugaas Iimaan.

“Beesha Aan kasoo jeedo iyo Kuwa Qaarada Afrikaba waxaan odhan karaa maanta Caalamka ayay wax la qaybsadaan markaan ka hadlayo Geeska Africa, laakiin Somaliland oo kaliya kama hadlayo, dadka May-nooratiga ah Adduunka oo dhan ayay ku noolyihiin taasna guul ayaanu kala soo kulanay, waxaana la sameeyey guddi ka kooban 13 Xubnood, waxaanan nasiib u helay inaan Xubin Ka noqdo gudidaas caalamka oo dhan ka kooban,” ayuu yidhi Boqor Axmed.

Boqor Axmed waxa uu sheegay inuu Somaliland u metalayey dadkii ka qayb-galay shirkaas oo isaga kala yimi caalamka guud ahaan dadka laga tirada badan yahay, waxaanu yidhi, “Shirkaas waxa isugu timid Boqol iyo labtaan dawladood wakiiladooda, waxa dal walba la hor dhigay oo yaalay Calankooda, markaan sidaas arkay, ayaan ana is idhi Somaliland ayaa ka timide maxaad adna Dhigtaa Meesha, astaantii Somaliland ayaan Soo qaaday, calaamaddiina waan baadhay waxaan ka helay dalka NewZealand, markas intaan Laantii Soo jartay ayaa is hor dhigay markaas ayay Noqotay Somaliland.”
Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray, “23-kaas Sano ee ay jirtay Somaliland Calankeeda lama hor dhigin Qaramada Midoobay, anigana waxa nasiib-wanaag ii ah inaan Hordhigo Calanka Somaliland,” Sidaas ayuu yidhi Boqor Axmed Ugaas IImaan.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories