HomeBOQOR CABDALLA: Taariikh-nololeedka Boqorkii Lixaad ee Boqortooyada Sucuudiga oo geeriyooday

BOQOR CABDALLA: Taariikh-nololeedka Boqorkii Lixaad ee Boqortooyada Sucuudiga oo geeriyooday

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Boqor Cabdalla bin Cabdulcasiis oo geeriyooday isaga oo 90-jir ah

Riyadh (SLpost)- Boqorkii Dalka Sucuudiga, Abdullah bin Abdulaziiz, ayaa ku geeriyooday cusbitaal ku yaala magaalada Riyaadh ee caasimadda Sucuudiga, sida laga shaaciyey telefishanka dawladda oo warkan baahiyey.

Warkan ayaa soo shaac-baxay ka hor intii aan laga sheegin warbaahinta dalka Sucuudiga, gaar ahaan telefishannada oo dhammaantood laga daaray Qur’aanka Kariimka ah, haseyeeshee abbaaro 1:00 AM ee Saacadda dalka Sucuudiga habeenimadii Jimcaha, ayaa si rasmi looga shaaciyey Telefishanka dawladda.

boqor-cabdallaBoqor Cabdalla oo laba todobaad cusbitaalka loo dhigay Xannuun ka asiibay Sambabada, ayaa si ku-meel-gaadh ah xilka ugu sii wareejiyey nin ay walaalo yihiin oo lagu magacaabo Salman bin Abdulaziz oo da’diisu tahay 79-jir, waxaana booska Amiirka dhaxal-sugaha ee Salmaan banneeyey loo magacaabay wiil ay xagga Aabbo ka walaalo yihiin boqorka geeriyooday oo lagu magacaabo Moqren bin Cabdulcasiis Al-Sacuud.

Alle ha u naxariistee, Boqor Abdullah bin Abdulaziz oo da’diisu ahayd 90-jir, ayaa noqonaya wiilkii Shanaad ee ku fadhiista kursiga Boqortooyada Sucuudiga ee uu aasaasay Aabahooda Boqor Cabdulcasiis Al-Sacuud, waxaanu xilkaas la wareegay sannadkii 2005-tii.

Taariikh Nololeedkii Boqor Cabdalla

Waxa uu sannadkii 1924-kii ku dhashay magaalada Riyadh ee dalka Sucuudiga. Waxa iska dhalay ninkii Aasaasay Boqortooyada Sucuudiga Boqor King Abdulaziz bin Abdulrahman al Saud iyo hooyadii lagu magacaabi jiray Fahda bint Al-Asi Al-Shuraim.

Waxa uu ka mid ahaa 37 wiil oo uu dhalay Aabihii Abdulaziz bin Abdulrahman al Saud.

Alle ha u naxariistee, boqor Cabdalla waxa uu dhalay carruur badan, haseyeeshee lama garanyo tirada carruurtiisa, waxase laga xusi karaa inay ka mid yihiin Mitab, Abdulaziz, Mishal, Faisal, Badr iyo wiilkiisa u weyn oo lagu magacaabi jiray Khaalid, kaas oo dhintay sannadkii 2011-kii isaga oo da’diisu tahay 54-jir.

Intii u dhaxaysay sannadihii 1962 ilaa 2010, waxa uu noqday abaan-duulaha ilaalada Jamhuuriga ee Sucuudi Carabiya.

1975-1982 waxa uu noqday raysalwasaare ku-xigeenkii labaad ee dalkaas.

Sanadkii 1982-kii oo uu geeriyooday Boqor Khaalid, kursiga boqortooyadana uu fuulay ninkii uu kursiga ka dhaxlay ee Fahad Bin Abdulaziz oo ay xagga Aabo ka walaalo ahaayeen, waxa uu Boqor Cabdalah noqday Dhaxal-sugaha boqortooyada Sucuudiga.

Sannadkii 2005, waxa uu noqday Boqorkii lixaad ee Dalka Sucuudiga, kaddib markii uu geeriyooday Boqor Fahad bin Abdulaziz al-Saud.

Sannadkii 2010 waxa uu xilka taliyaha Guud ee Ilaalada Jamhuuriga Sucuudiga ku wareejiyey Inankiisa oo lagu magacaabo Mitab bin Cabdallah.

Intii uu xilka hayey waxa geeriyooday laba nin oo ay walaalo yihiin oo isaga kala dambeeyey xilka Dhaxal-sugaha Boqortooyada.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories